Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

XISBIGA WADANI armuu hal seegaa? Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed.

WADANI ARMUU HAL SEEGAA 
============================================
shalay waxaa magaalada hargaysa ee caasimada jamhuuriyada somaliland uga qabsoomay xisbiga wadani shir balaadhan oo ay ku soo bandhigayeen barnaamujkooda siyaasadeed ee mustaqbalka iyo wax qabadkooda madaxnimo iyo baarlamaan ee sanada 2017da marka lagaadho hadii ay ku guulaystaan tartankaasi,oo ay isku mudan doonaan labada xisbi ee kale ee kulmiye oo ah maanta xisbiga haya talada dalka iyo xisbi mucaaradeedka ucid,walow ay muuqato in xisbi siyaasadeedka wadani uu aad uga rajo wanaagsan yahay labada xisbi ee kale duruufo dhexdooda ah awgood hadiiba uu isna uu ka badbaado shirwaynihiisa laga yaabo in dhawaan la qabto kaasoo lagu soo xuli doono musharixiinta madaxwayne iyo ku xigeen ee xisbiga wadani ayaa waxaan maqaalkan aan ugu qalin qaatay inaan gaadhsiiyo laba arimood madaxda iyo taageerayaasha xisbiga wadani,labadaas oo kala ah
1.Hanbalyo aan ugu hanbalyaynayo barnaamijkooda siyaasadeed kaasoo ay dadaal dheer dabadeed ay u soo bandhigeen bulsho waynta taageerta wax qabadkooda waa hawl culus una baahan in lagu dhiiri geliyo waxaanay maanta ka nasteen weedho ay in badan muxaafidku ku gani jireen markay maqlaan dhaliilaha iyo dhawaaqyadii kulkulaa ee mucaaradnimo;
2. Waa talo siin xisbiga wadani wuxuu u muuqdaa inuu maanta saaran yahay saaxada siyaasadeed sida aynu aragno xisbigii kulmiye oo ahaa ka keliya ee la loolami karaayey wadani waxaa naafeeyey khilaaf iyo burbur dhexdiisa ah ,kaasoo u kala jabay laba garab oo welibana ka awoodu ku urursan tahay uu yahay mid caskari ah,sida aad ogtihiina bulshada somaliland bayr ayay askarta iyo kornayladaba ay ka qabaan,markaad u fiirsato taariikhta dadkan aad ayay kornayladu u soo dhibaateeyeen,laga soo bilaabo janankii afwayne bare ilaa kornayladii dagaaladii sokeeye hagayey ee muuse biixi,dhegawayne ,axmed mire lehbcarab ducaale leh,maxamed kaahin leh,ina selin leh,xasan cali abokor ah,ina ismaaciil axmed ismaaciil leh iyo qaar kaloo badan dhamaantood waxay ahayeen niman marba magac dagaal dadkan ku soo laayay,sidaa daraadeed uma cuntamayso bulshadan kornayl danboo dagaal iyo colaad ku holciya ama shalay dhinac ahaa oo maanta u sheegta inuu dhex u wada noqon doono,taa mid lamida waxaa ka dhex muuqda haldoorka wadani niman la soo shirabay bulshaduna ay ku guul daraysatay oo marwalba hormuud ka ah xisbiga indhah bulshadana aan ka qarsoomin mar kastoo ay hadlaana uu dadka jeex xisbiga ay ka huleelaan waxaana ragaa ka mid ah
Boobe yuusuf ducaale wasiirkii hore warfaafinta iyo dhaqanka,maxamed yaasiin xuseen wasiirkii horee kaluumaysiga iyo dekedaha,siciid sulub wasiirkii hawlaha guud,maxamed nuur caraale wasiir kii arimaha gudaha,siciid kuwaasoo dhan iyo qaar kaloo badan wixii isbedel ah ee ay hayaan horay u keeni lahaayeen ee yaanay xisbiga galaafan 
waxaa kale oo aan awood tartan isna aanay ku jirin xisbiga ucid oo uu bilaabmay khilaafkiisii durbaana uu is casilay musharax ku xigeenkiisii ayna isugu jirto gudoomiye faysal iyo jamaal oo biyo hoostood iska haraatiyey,inkastoo xisbigu aanu lahay gudoomiye ku xigeeno kowaad iyo labaad hadana ku xigeenkiisa sadexaad wuxuu balan qaaday hadii waanwaan la keeni waayo inuu taageeri doono wadani waa cali guraye waxaan leeyahay markaa waa muhiim in siyaasiyan laga faa'iidaysto dhacdooyinka iyo isbedeladoodaba,waxaan kaloo kula talin lahaa taageerayaasha reernimada aaminsan inaanay waxba taasi soo kordhinayn aan xanaf ka ahayn ee guusha xisbigu ay midnimo ku jirto isadelka la doonayaana uu yahay wax mieeda bulshada reer somaliland kana saara qolada iyo qaiilka loo saftay taasina waa midnimo waxa lagu gaadhayaa,wakhtigii waa yimid mid illaahay wado ayaa dhashay keliya in laga faa'iidaysto ayaa muhiima wa ilaahi towfiiq
                                Maxamed Yaasiin Maxamed
                         myaasiin143@hotmail.com

· ifraax on December 08 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>