Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Jaalliyadda beesha Daa,uud Ismaaciil oo soo saartay canbaarayn iyo digniin dagaal la iska hor keenayo laba beelood oo walaalo ah ood wadaagina ka dhaxayso..

Bismillaahi Arramanirraxeem. Shacabka reer Somaliland ee nabadda jecel waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Ku: Axsaabta Qaranka Somaliland.
Ku: Cidkasta oo daneenaysa nabada Iyo Horumarka Somaliland

Ku:Ciidanaka qaranka Somaliland,Ciidanka bilayska qaranka Somaliland
Og: Wasaarada Arrimaha Gudaha 

 

Ujeeddo:canbaarayn iyo digniin dagaal la iska hor keenayo laba beelood oo walaalo ah ood wadaagina ka dhaxayso.

Taariikh:19 /12/2015

Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ah kuna dhaqan qurbaha kana soo jeeda Caasimada Hargaysa gaarahaan beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale)

Waxaanu si buuxda uga soo hor jeednaa qorsha maldahan ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ka waddo deegaanka gobolka Gaaroodi magaalo madaxdiisuna tahay Sallaxlay kaas oo faafhfaasan waa sidan.

Waxaa jirta meel u dhaxaysa magaalada Ballimataan ama malablay iyo ina igarre oo wax yar u jirta magaalada Sallaxlay meeshaas oo uu ku aassanyey  marxuum Maxamed warancade waana wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed warancade aabbihiis,meeshaasi waa deegaan ay degto beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagele) wasiirku wuxuu ka soo jeeda sida la ogyey beesha Isxaaq carre beshaasi waxay ku abtirsataa beesha Habaryoonis laakiin waxay garabsi iyo soo dhowayn ka heshay beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagele) waa laba beelood oo aan kala maarmin oo aad isu dhexgalay.

Haddaba meeshaas oo uu ku aassanyey  marxuum Maxamed warancade waa dhul daaqsimeed oo aan ku habboonayn in la magaaleeyo,waxaanay hadalhaynteedu soo jiitamaysay laga soo bilaabo 1982 waxaanay labada beelodd isla qaateen in dhulkaas loo daayo in uu ahaado dhul daaqsimeed,iyada oo la wada ogyey in ay soo yaraadeen dhulkii ay xoolaha nooli ku noolaan lahaayeen oo dhulkii la wada ootay.

Waxaa xigay oo heshiiskaas dhabar jabin ku sameeyey lugtana kula jira wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed warancade waxaa uu geeyey malleesho beeleed ilaa 50 konton hubaysan waxaa la geeyey cagafyo waxaa laga qoday inta la ogyey hal berked ah iyo maqaaxi laga waabay ama laga dhisay,ka dib markii uu maayerka magaalada Sallaxlay Mudane Shiine tahar uu damcay in meesha sideedii loo daayo waxa hub kala hor yimi niman hubaysan oo dagaal aan loo baahanayn loo soo diyaariyey, waxaana ugu soo horreeyey nin ay wasiirka aad isugu dhowyihiin oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Warancade iyo nin kale oo ay isku jifo yihiin isna lagu magaacabo ,Afgaab Cabdi Caynaanshe .

Haddii ay sidaas ku sii socoto oo aan degdeg wax looga qaban ayaamaha soo socda waxaa ku daadan doona dhiig  wakhtigan aanay Somaliland u baahnayn in la daadiyo.

Beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagele) waxay ku suntantay una taagantay ilaalinta nabadda iyo jirtaankanka qaranka Somaliland,waa beel ka dhawrsoon wax kasta oo dalka dhibaato u keeni kara,waa mid ay ka go,antay in ay beelaha reer Somaliland  walaalinmo kula noolaato,waa beel lexjeclo gaamurtay u haysa dalka jamhuuriyadda Somaliland, waa beel la odhan karo waxay gaadh ka haysa jirtaanka qaranka Somaliland,dhinaca kale waa beel aan oggolayn ama aan qaadan gardarro lagala hor yimaaddo kuna midaysan difaaceeda iyo difaaca dalka intaba.

Si ahaantaas waxaanu uga digaynaa cid kasta oo soo abaabushay ciidan beeleedka gaarahaan wasaarada arrimaha guda oo aan ka fara madhanayn in aanay sabab u noqon dagaal labada beelodd oo walaalaha ahi iskaga horyimadaan wasiirkuna aanu u noqon hoggaamiye kooxeed kuna ekaado ammaanka dalka ee loo xi saaray.

 

 

 

Jaalliyadda qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaacil(Ciidagale) waxay isala qaadatay qodobbadan.

1.     In dawladdu dagaal laba beelood dhex mara aanay sabab u noqon degdegna wax uga qabato inta aanay ayaamaha soo coda arrintu faraha uga bixin waa haddii aanay la qabin.

2.     In ay labada beelood ee walaaha ahi ilaashadaan nabaddooda soo jireenka ah nin kursi dhiig ku doonayana iska jiraan in il dheerna ku hayaan.

3.     In shacabka reer Somaliland arrintaas dhan uga soo wada jeedaan wanaagana ka taliyaan.

4.     In madaxawaynaha jamhuuriydda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo ka fiirsado wasiirrada uu xilka u magacaabayo kana xayuubiyo xilka midka sida khaldan u adeegsanaya.

 

Guddida Jaalliyadda beesha ee reer UK

1.     Deeq Cabdi Digale======= Guddoomiye.

2.     Mustafe Cabdulahi Ismacil==Guddoomiye ku xigeen.

3.     Cabdkariim Jamac Dagaal===Xoghaye.

4.     Cabdi Cabdulahi Mooge==xubin.

5.     Maxamed Cabdi Omaar===xubin.

6.     Cabdi Cali Xusen======xubin.

7.     Adan Farax Geedi=====Xubin.

8.     Fuaad Cisman Muxumed==xubin.

9.     Cabddulahi Xasan Maxamed=xubin.

Garabka haweenka.

1.     Amina Xaashi Guuleed=Guddoomiye garabka haweenka.

2.     Sahra Ismacil Xasan====== Khasnajiyad.

3.     Hodan Sulda Rashiid======xubin.

4.     Fosiya Cisman Cawaale=====xubin.

5.     Ifrax Maxamed Baaruud====xubin.

6.     Fardawsa Adan Koodbuur==xubin.

7.     Nuura ciise omaar ======xubin

 

Guddida marjaca ama musdambeedka.

1.     Adan Mooge Xirsi (Adan ingiriis)

2.     Maxamed  Xasan Jafal.

3.     Maxamed Yusuf Diirqadhaadh

4.     Xasan Macalin.

5.     Abokor M.Shukri.

6.     Sheekh Ibrahim.

7.     Ismacil A.Xaawa.

 


 

· abdi on December 20 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>