Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Puntland Oo Gaadhay Garoowe, Kana War Bixiyey Shirkii Uu Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwli Maxamed Cali Gaas ayaa Saaka hiirtii waa beri kasoo jarmaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoo kusoo jeeda magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

 


Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intii uu jidka kusoo jirey wuxuu kusoo hakaday Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal halkaas oo uu kusooodhweeyeen  Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Maamulka Degmada Burtinle, Cuqaal iyo Waxgaradka Deegaankaasi oo uu kala hadlay Mashaariic horumarineed oo dawladdu ay kawado Degmada Burtinle.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale soo indha-indheeyey xirmooyin
ay maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Burtinle iyagoo iskaashanaya  ka-baneeyey dadkii xirmaystay iyo waddooyin laga hirgeliyey magaalada Burtinle isagoona xadhigga ka jaray qaybo kamid ah waddooyinkaasi.

Madaxweyn Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  ayaa intaasi kadib isagoo safarkiisa sii wata usoo gudbey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland Waxaana si diiran halkaasi  ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi, golayaasha dawladda Puntland iyo dadweyne kaloo aad u tira badan kuwaas oo  aan u kala hadhin soo dhoweynta Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib loo soo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay, waxaana uu ka-warbixiyey Safaradii muddada bisha kudhow qaatay ee uu ugu maqnaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho isagoona ugu horrayn uga mahadceliyey shacabka reer Puntland iyo  Dawladdoodaba sida aan kala harka lahayn ee uga qayb qaateen soo dhoweyntiisa.
 Dhinaca kale  Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tibaaxay Magaalada Gaalkacyo in ay  kajirto nabadgelyo buuxda oo laysku hallayn karo dadkii kasoo barakacayna ay ku laabteen guryohoodii waxbarashadii iyo ganacsigiina uu halkiisii kasii bilowday, wuxuu sidoo kale madaxweynuhu ka-warbixiyey mashaariicdii horumarineed ee dawladdu ka fulisey Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo uu ku tilmaamay in ay ahay guulo wax ku ool ah usoo hoydey shacabka Reer Puntland ee kudhaqan magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ka-warbixiyey safar  shaqo oo in kabadan toban casho qaatay oo uu ugu maqnaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu kaga qayb gelayey shirarkii looga hadlayey Mustaqbalka Soomaaliya iyo Geeddi-socodka doorashooyinka 2016.


Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwlei Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay  in isaga iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo shirarkaasi Puntland uga qayb galay in ay halkaasi ka sheegeen aragtida shacabka Puntland ee ku qotonta doorashooyinka 2016, isagoona xusay inay madasha ka sheegeen 4.5 oo markale dalka dib loogu celiyo inay kadhigan tahay heshiisyadii dalka oo la baalmaray taasina ay dhalin karto dib udhac weyn oo dalka markale ku yimaadda.

---DHAMMAAD---

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Hargeysa Online

  

· abdi on December 25 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>