Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Gudida Ictiraaf raadinta iyo Gudida Xuska 18 may.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta ayaa u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

 

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah Guddoomiye
2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
3. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia
4. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
5. Wakiilka Wareega ee Somaliland Mudane, Raabi Axmed Mohamed
6. Wakiilka Somaliland ee Turkiga Mudane, Cali Axmed Cismaan
7. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Marwo, Edna Aadan Ismaaciil
8. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Prof. Maxamed Siciid Gees
9. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
12. Professor, Macalester College, Minnesota Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
13. Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax
14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
15. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida Mudane, Axmed Daahir Jirde
17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Xubnaha GuddidaAgaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

 

1.         Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                Guddoomiye

2.         Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                           Guddoomiye Ku-xigeen

3.         Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                                                                 Xubin

4.         Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka                              Xubin

5.         Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta                                               Xubin

6.         Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada                                                     Xubin

7.         Maayarka Caasimadda Hargeysa                                                                            Xubin

8.         La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka                                            Xubin

9.         Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada)             Xoghaye

10.       Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada)      Xubin

11.       Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF)                                                          Xubin
12.       Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF)                                                            Xubin

13.       Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD)                                                  Xubin

14.       Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO)                                                                     Xubin

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.  

· abdi on February 21 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>