Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Marka Coladi Dhacdo, AF – Soomaaliga Waa La Iloobaa.

Maalintii uu qarxey dagaalkii sokeeye 1994, waxa an tababar ku bixinayey meel ka danbeysa Hotel Maaweel. Saldhigga dhexe ee Hargeisa oo noo dhawaa ayuu baasuuke ama Jiibkii u horeeyey qabsadey abbaaro 12:00 duhurnimo. Waxa an bilowney inan qixino shaqaalihii xafiisyada nagala shaqeynayey. Markii dagaalkii na soo gaadhay ayaa nin sarkaal ah oo noogu cadcadaa xagga fadhi-ku-dirirka ayaan aragney oo halkii uu fadhiyey ka kici waayey, Af Soomaaligiina ka lumey oo “what” uuni ka soo hadhey, socodkiina uu garan waayey. Waxa ay nagu kaliftey inan garbaha qabano oo an jiidno oonu gaadhi ku ridno..
Shilka gobolka saaxil ka dhacey dhawaan uu iska dhamaan, cidii danbi ku caddaadana sharci ayaa la marin. Waxanse la yaabey dad badan oo aan colaadda aan waxba ka aqoon oo warbaahinta iyo facebook-ga soo dhiga sawiro tikniko xamar ka dagaalameysa oo kolba odhanaya meel heblaayo ayaa ciidan ku qulqulayaa. Qaarbaa waxa ay leeyihiin, ciidan intaa leeg ayaa beel heblaayo halkaa soo waddaa oo cirkaa onkodaya. Qaarkood waa madax dhaqameed ismuujin ay ka tahey iyo iney magac kaga helaan xaafadaha. Balse kuwa u darani waa rag waaweyn oo colaadda iyo dagaalka u heysta Play Station la ciyaarayo ama filim Hindi ah.

Haddii colaadi dhacdo, dadkan qeylinayaa iyagaa baabuurta ka dheereynayaa, afsoomaliguna uu ka lumayaa. Qaarbaa la arki iyaga oo af Oromo ku hadlaya. Colaadi marka ay timaado, dhulka Ilaahey sameeyey oo dhan ayaa kugu yaraanaya. Luguhu socodka wey garanwaayayaan. Naftaa macaan noqoneysa. Wixii ad nolosha soo qaladey oo dhan ayaa ku hor imanaya. Marka ay rasaastu dhacdo shinbirihu wey wada duulaan. Riyaha iyo eydu aqalada ayay galaan oo dadka ayay xagga danbe ka maraan. Marka la qaxo, xayawaankuna dadka ayuu daba galaa.

Burco ayaan ka qaxay anoo shaqo u jooga. Berbera ayaa la isku key dulqabsadey 1992 anoo biyogelinta magaalada kormeeraya. Hargeisa la isku galay 1994 oonu ku kala yaacney. Raggii colaadda hurinayey ayaan arkey oo gal barkimo ku sita woxoogaa calal ah iyo baaldi caag ah oo ay isleeyihiin meelahaa kaga sii dhaansada oo inta ay cimaamado madax ku duubteen dumarkii dhex socda. Naftii ayaa macaanaatey. Dhimashada waxa u badan dadka aan dagaalka ku jirin ee xabbad yuuseysaa jiidho. 
Ragga qeylinayaa midkoodna dagaal geli maayo haddey colaadi timaaddo. Ninka xanuunka dagaalka yaqaan hadalka ma badiyo, kumana degdego. Hadaba rageena fadhi-kudirirka ohow an hadalka yareyno oo wixii qaldan sidii loo sixii lahaa dawladda haloo daayo. Haddii kale idin inaga oo talo inaga luntey oo af oromo ku hadleyna ayaa la ina arki.


Maxamed cali Bile

Aqoonta U Adeegta NoloshaQorane.bile@gmail.com

· abdi on March 06 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>