Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Weligay Maan Arag Nin Madaxtinimo U Tartamaya Oo Xoolahii Ummadda Xoog Ku Haysta.

Hargeysa(Hargeysa Online) Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xusen ayaa si kulul u naqdiyey Maamulka Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in shacabka aanu waxba u qaban, waxa kale oo uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay u dhugyeeshan murashixiinta tarmaysa oo ka wax u qabanaya ay u codeeyan.


Sidaasi waxa uu ku sheegay Qoraal uuu Bogiisa Facebook uu ku baahiyey.

Waxaanu ku bilaabay “NIMAAN KUU TUDHEYN YAANU KUU TALIN.Weligay Maan Arag Nin Madaxtinimo U Tartamaya Oo Xoolahii Ummadda Xoog Ku Haysta Dhul, Beero, Iyo Guriyo Ah Hanti Ummaddeed Oo Haddana Ku Leh Waxaan Ahay Murashax Madaxweyne Ee I Dooro Barwaaqo Ayaan Ku Gaadhsiinayaaye – Somaliland Ayuunbay Tani Ka Suurta Gashaa. Caalamka Tani Kama Dhacdo. Waa Indho Adkaantii Ugu Weynayd. Indho Adkaantiina Kolba Way

Sii Durkaysaa Oo Darajo Hor Leh Ayeey Sii Qaadanaysaa. Shacabka Somaliland Indho Sarcaad Ayaa Lagu Soo Waday. Waxaa Muhiim Ah In Qof Kasta Oo Weliba Kursiga Ugu Sareeya U Tartamaaya In Ay Shacabka Somaliland Ee Codka Siinayaa Ay Ku Qiimeeyaan Sidan Soo Socota 1. Horta Xoolaha Dadweynahu Ma Ka Nabad Galeen; Mise Waxan Uu Urursadayba Waa Taayaddii Oo Haddii Kursiga Loo Dhiibana Kiishad Kale Ayuu Naga Sii Buuxsanayaa Hadaanu Nahay Shacabkii;

2. Sharciga Ma Dhawri Yaqaan; Mise Nin Isaguba Qardajeex Ku Soo Caano Maalay Ayaa Ku Leh Anigaa Sharciga Dhawraya Oo Hogaamiye Kuu Noqonaya; Waa Waraabe Aad Ku Tidhi Adhiga Ii Raac.

3. Qawl Iyo Balan Ma Leeyahay Oo Balamihii Hore Ma Ka Soo Baxay. Haddaanu Kuwii Yaryaraa Ka Soo Bixi Waayey; Ma Waxaad Filaysaa Inuu Balamaha Waaweyn Iyagana Ka Soo Baxo.

4. Beenta Iyo Runta Ma Kala Saari Karaa. Ninka Wax Cad Oo Ay Ummaddoo Dhan Wada Arkayso Aan Imika Runta Kaaga Sheegaynin; Ilaahay Baan Kugu Dhaarshee Ma Masiirkaagii Baad Ku Aaminaysaa. Qofku Haddaanu Ku Dhac Lahayn In Uu Ummadda Xaqiiqda Jirta U Iftiimiyo; Ma Wax Weyn Baad Ka Sugeysaa?

5. Muxuu Soo Qabtay 25kii Sanadood Ee U Danbeeyey; Waa Maxay Waayo Aragnimadiisu; Hadda Buhuu-Baahada Siyaasaddu Ma Waaya Aragnimo Dhab Ah Oo Aan U Xisaabin Karnaa? Muxuu Xirfad Gaara Ah Leeyahay?

6. Muxuu Ka Qaban Karaa; Dhaqaalaha, Nabad-Gelyadda, Caafimaadka, Waxbarashadda, Beeraha, Biyaha, Ictiraafka, Iyo Nolosha Dhabta Ah Ee Ummaddan Sicir-Bararku Ragaadiyey..

Su’aalahaasi Iyo Qaar Kaloo Aad U Tiro Badan Ayeey U Baahan Tahay Inay Doorkan Shacabka Somaliland Fiiro Gaara Siiyaan Si Ay Aayahooda Uga Tashadaan;

Wa Bilaahi Tawfiiq Iyo Jimce Wanaagsan

 

Hargeysa Online

 

· abdi on March 12 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>