Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dawlada Hooose ee Borama Albaabadu uma xidhnee Albaabada Ayaa u furmay.

Mudo sadex sanadood iyo  dhawr bilood mu dadaasi  sadexda sanadood  iyo badhka ah ee kazoo wareegtay intii ladoortay  golayaasha deegaanada   Somaliland, 
  in taasi  waxa dhacday isbadalo  frabadan, isbadaladaas   oo   taariikhdu   cidba  si  uxusayso , qof ay siwanaagsan  uxusto oo taariikhda baal dahaba  kaga qorma, iyoqof taariikhdu shaabad  xun ay ku dhufato. Shaabadaas  oo aanwaligeed qofka ka hdhin.
Hadaba hadanusoo dhadhaco dulucda hadalkayga oo kusabsan   Dawlada  hoose  ee boorama , mudadaa  sadexda  sandood  iyo badhka ah   marka lagareebo mudada   tobanka bilood ah ee uu shaynayo  maayarka cusub   ee( mr,Maydhane )  aynu is bar-bar dhigno   mudada  30ka bilood ah  ee  ay  Afarjeeble  iyo Jawaan dheere  ay maayarka  iyo  maayarxigeenka  ay  is ku  ahaayeen   iyo Mudada  10 ka bilood ah ee ay   mayaka iyo maayar xigeenka ay isku yihiin    Maydhane iyo  ileeye
 Aynu  ku horayno  30 ka bilood  ee ay joogeen   afar jeeble  iyo  jawaandheere waxay ahayd  wakhtigii  ugu xumaa  ee  abid  soomara  in ta ay jirtay  dawlada hoose  ee Borama.
Mudadaa  sodonka  bilood ah wax  haba yaraatee   ku soo  kordhay   Degmada  Borama  ma jirto,iska daa  wax kale  mashaa riicdii golihii  hore kaga tagay  ayaanay  xataa  wada dhamaystirin,
 Maalintii  maayarkii hore  ee C/buur   wuxu ku wareejiyay  lacag kasha  oo aan  wax dayn ah lagu lahayn, iyo  in ka  badan  labaatan  mashruuc qaarna socdaan qaarna  dhexda  ku soo jiraan qaarna  dhamaad yihiin.  Halka  Afarjeeblana   uu wareejiyay  350,000$  dolar   oo cidkastaba  madaxeega   wareerisay ,  wax  mashaa riica iyada meeshaba  kasaar   iyada  oo  Rikoodhkaa   aan caalamka  cidilawadaagin  uyaalo   ayuu  hadana   maayar xigeenkii sii  dheerayste  dadkaa wanaagsan  ee kadanbeeyay    ayuu  canbaaraynayey.
Labadaa  nine e hore  ee aan xaga sare ku soo sheegay  waxay ahaayeen   labadii qof ee ugu  musuqmaasuqa  badnaa    abid,dabadeedna soo mari maayaan  wax lamid ahi hortoodna soomaba ay marin. Takale  ninkaa  maayar  xigeenka  ahaan jiray  ee  dheerayste  la yidhaa  anigu   jawaan dheere ayaan u aqaane,  wuxu  ahaa   qofkii   ugu musuqmaasuqa  badnaa  waliba  aan qarsan jirin  musuqmaasuqiisa, waa ninka   bil    hada  hal bil  oo kaali ah  isagoo jooga  markiiba   gaadhi  qaaliya   soo iib saday   ee hadan  bulshadii   ku dhexwata shalay  ogayd  isagoon  waxb  haysan   bal damiirkaa  eeg   waxa   xigtay  hadana   sanad  gudihii  wuxu  ku dhistay   guri  60,000$  oo dolarah  waliba  dhulka   uu  guriga  ka dhistayna   wuxu ka qaatay dad  masaa kiina oo agoon ah, maalintii  maayar  xigeenka  loo doortay  muxuu hayay, ninkaasi ayaa dhaliilayey  dadkaa  wanaagsan ee illahay  noogu badalay.
Waxa  kale  oo aan  dadka usheegayaa    ninkaasi waa ninka   sadex waddo  oo magaalada  halbawle u ah  xidhay  illaa maanana  lagu kala bixi la, yahay , waxa kasii daran   inta  dhul  dadkii lahaa  dagan yihiin  uu dad kale ugu sharciyeeyay  qabiil ahaan. Waxa taa kasii  daran waa ninka   simkarkii   shaqad  ee intaas oo maayarxigeen isku  soo bada leen   Zaad  ku  furtay. Bal ila  hubi   hadaad beentay moodayso,tijaabi  0634454012   caqli  wakaa  wuxu  is ku haystay in uu isagu  booskaba  leeyahay  miyaanu  ogayn mah maahda  odhanaysa  xiku waa meerto  waa yaab.
2.hadaan  eegno  mudadaa   10 ka bilood ah  ee ay xilka hayeen  maayar  maydhane  iyo  ku xigeen kiisa ileeye  waxay qabteen  wax yaabo badan  oo  la taaban karo waxaana  kamid ah
Waxay bixiyeen   mudadaa  gaaban   lacagtii  daynta ahayd  ee  madax wareerka ahay  oo dhanayd 350,000   $  dolar  oo ay katageen  qoladii hore  ee jiirka ahayd.
Waxay   sumeeyeen   AYDA  oo magaalada  dhibaatooyin badan oo caafimaad  ku hayay   aydaas  oo  dadkii  kabadatay, waxay fuliyeen waddo  laami ah oo ah tii  Rooga  ahayd  oo  qofkastaaba  taaban karo.waxay  soo iibiyeen  Cagaf aad  uqaaliya   Degmaduna  baahi waayn uqabtay, wax badana  katartay bilicdii  magaalada  ilaa  10 ban mashruuc inka badana  way socdaan.
Wax dayn ah oo lagu leeyahayna  ma jirto  waxa   utaala  lacag kaash ah
Nimankaasi   mudadaa   10ka  bilood ah  wali  wax isbadala  lagu ma  arag waa sidii  ay shaqadaa  kubilabeen, wax iska  badalayna  majirto.
Gabo-gabadaydu waxay tahay   horta   ninka wax dhaliilayow inta aanad wax dhaliilin adigu is xisaabi.
Markaad adigu is xisaabiso dadka kale wax kasheeg.

Qalinkii:  Raaqiya    Maxamed    Cumar

· ifraax on March 31 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired