Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

ALLE U NAXARIISAY MARXUUM DR.CABDI AW DAAHIR CALI GUULEED 1956 _2016 WAA LA XUSUUSNAAN DOONAA.

Alle haw naxariistee waxaan saaka ku waabariistay geërida Mujahid Dr, cabdi aw daahir cali oo ku geeriyooday MagaaLada burco.

wuxuu ahaa halyay iyo geesi aad u naxariis badan ,wuxuu lahaa wadaniyad, iyo masuuliyad ku dhiiran wax u qabashada umadiisa,wuxuu ahaa qof noocyo badan oo wada wanaagsan leh,wuxuu ahaa qof intuu noolaa anfacay bulshada guud ahaan ,gaar ahaan noloshiisa kaafiyey,wuxuu ahaa tacab sidiisa loo 
intifaacsaday,waxaanu noqon doonaa dhaxal anfacay in badan oo Inoogu kaydsama ,alle haw naxariisto janadii fardowsana haka waraashor inana Samir iyo iimaan haynaga siiyo ,ehel iyo asxaabtiina ,qoyskii iyo qaraabadiina bedel khayr qaba eebe ha siiyo,wax aanan u soo jeedinayaa qof kast oo wax u tirsanaya in la cafiyo.
Waxaanu ahayn gudi loo xilsaaray inay soo sameeyaan ajandaha shir aanu u balansanayn,waxaa noo gudoomiye ahaa alle haw naxariistee dr;cabdi aw daahir oo wakhtigaa maar labaadna noo ahaa gudoomiye ku xigeenkii labaad ee gudidayadii nabad raadinta ee ceelxxumo,waa gudidii maamulka beelaha h.y,waxa aanu fadhinaa gurigii eebe haw naxariistee marxuum cabdiraxmaan maxamed cajab oo markaas ahaa agaasimihii waaxda siyaasada ee gudidaas nibadii dabadeeda noqday agaasimihii guud ee wasaaradii arimaha gudaha,waxa kale oo isna naga mid ahaa alle isna haw naxariistee marxuum siciid maxamed nuur oo soo maray xilal badan qarankana magac wayn ku lahaa iyo weliba alle haw naxariistee oday cabdiraxmaan aw xirsi xaaji ducaale(ina aw xirsi) waa intaan ka xasuustee iyo aniga,intaanu hadalka iyo falan qaynta ujeedkayagu aanu noo bilaaban ayaa waxaa la galay falanqayn iyo sheekooyin aad u qiimo badnaa,ileen waa aqoon yahanee waxaa la qaadaa dhigay tacliintii reer somaliland iyo heerarkeedii,cabdi aw daahir oo alle haw naxariistee taa ka faaloonayaa ayaa yidhi;aqoonta dalkeena bilowgeedu waxay ahaayeen aalle haw naxariistee maxamed x.ibraahin cigaal iyo cabdiraxmaan axmed cali oo labaduba ay markaas noolaayeen,ragii ku xigayna qiyaasihii waa lodadkii axmed mohamed maxamud iyo lahaa,wuxuu sheegay in isaga la qoray 1966 kii lagana qoray duruqsi kiisii dhexena uu ka galay dugsigii boodhanka ahaa ee oodwayne halka uu dugsigiisii sarena uu camuud ka qalin jebiyey alleba kuma dhibin tacliintiisii sare ee heer jaamacadeed waxaanu ahaa ardaydii lodadkiisa intii ugu maskaxda iyo aqoonta saraysay waxaanu nasiibku u cimaamaday garashadiisuna gayaysay inuu ka mid noqdo inta nafaha bulshooyinka soomaaliyeed lagu aamino,waanu cadeeeyey taas kana run sheegay,waxaanu ummadii u xaqiijiyey ahaanshihiisii dhaqtarnimo,isagoo ku biiray kuuliyadii caafimaadka xilalkii uu wakhtiyadaa uu soo maray isagaa noloshiisii soo qeexay ama ka soo sheekeeyey,waxaase mudan ahayd dr cabdiraxmaan aw daahir inuu ahaa halyey qeexay maadaama uu ahaa dhaqtar aqoontiisu faraysay nolosha dadka ,taasi inay ahayd sababta ku dhiiri gelisay inuu siyaasada ku biiro,kadib markii ay ku badatay dhibkii dagaalada iyo xal u helidii dhaawacyadii umada inuu doono halkii bulshada dhibka dagaal looga saari lahaa taaso la noqotay inuu ku biiro goobaha siyaasada lagu go'aamiyo,nasiib wanaagna waxaynu odhan karnaa taa wuu ku guulaystay inaanay dhicin colaado waawayni intuu siyaasada ku jiray nasiibna ha noqotee;
Alle qabriga haw nuuro iilkana beer jano hawga dhigo,danbigiisana ha dhaafo if iyo aakhiroba,aniga saaxiib aan ku dayduu ii ahaa aan jeclaa,taariikh wacana aan soo wada qaadanay,waan cafiyey ,idina fadlan haduu jiro qof ay wuxuun isla dhaafeen ama wax u tirsanaya waxaan kaa codsanayaa inaad soo cafido insha allah.

 
maxamed yaasiin maxamed
Belguim

 

· ifraax on April 09 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>