Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Guushii uu gaaray iyo Mucaaradka oo Cabanaya.

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Afaraad loo doortay Xilka Madaxweynaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti,

ayaa sheegay maanta inuu ku faraxsan yahay in shacabka reer Jabuuti ay mar kale isaga u doortaan xilka, iyadoo Musharraxiintii axsaabta mucaaradka ahaana ay natiijada doorashada kasoo baxday cabasho ka keeneen. Geelle, oo Xukumayay dalka Jabuuti tan iyo Sannadkii 1999-kii, ayaa Hadal uu Maanta ka jeediyay Tv-ga Jabuuti ku sheegay, inuu horay kalsooni weyn ku qabay in shacabku ay dib u soo dooranayaan. Iyadoo Natiijadii doorashada ee ay ku dhawaaqday wasaarada arrimaha guduhu ay ku sheegtay, in uu Geelle ku Guuleystay 86.68% codadkii doorashadii shalay ka dhacday dalkaas. “Shacabka Jabuuti, waxay mar kale igu aamineen xafiiska ugu sarreeya Jabuuti,” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo 68-jir ah. Isagoo ku daray. “Waxaan si dhab ah u ogsoonahay inaad ii doorateen inaan hawlihii horumarinta ahaa ee dalka ka socday aan ka sii wado halkoodii, waana kasii wadi doonaa.” Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu ammaanaa horumarka uu muddooyinkii ugu dambeeyay gaarsiiyay dalka Jabuuti, iyadoo dalkaas uu saaxiibbo aad u dhaw uu la yahay Mareykanka, Shiinaha, Japan iyo waddamada ee Khaliijka Carabta. Murashaxa kusoo xiga Geelle dhanka natiijada, Cumar Cilmi Khayre oo 7.32% codadkii la dhiibtay ayaa si aad ah u dhaliilay Natiijadii Doorashada. Waxaana Doorashadii Jabuuti ka dhacday ay codadkooda ka dhiibteen shacab lagu qiyaasay 187,000 oo qof .

 

 

Murashaxiii Madaxweynaha ee Isbahaysiga Mucaaradka dalka Jabuuti Cumar Cilmi KHAYRE Tiro ka mid ah murashaxiintii la tartamay Geelle, ayaa sheegay in xubnihii Wakiilladii uga ahaa Doorashada laga eryay goobihii Codadka laga Dhiibanayay ee Jabuuti intii ay socotay doorashadii madaxweynenimo ee shalay dhacday. Sidoo kale, Murashaxiinta Mucaaradka Jabuuti ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay habeyn ku sameyso doorashooyinka iyo qaababka ay u dhacayaan, iyagoo aan sheegin wax diidmo ah oo ay ka qabaan doorashadii shalay dhacday ee uu mar kale ku guuleystay Geelle. “Waxaan weydiisanaynaa xukuumadda inay hagaajiso, ayna dib u habeyso doorashooyinka ka dhacaya Jabuuti,” ayuu yiri C/raxmaan Jaamac oo ahaa Musharax si Madax-banaan ugu tartamayay hoggaanka Jabuuti. Ugu dambeyn, Murashax Cumar Cilmi Khayre oo ka socday isbahaysiga mucaaradka ah ee Jabuuti USN, ayaa sheegay inuu la amakaagay yahay natiijada doorashada, isagoo xusay in mucaaradka culeys weyn la saaray intii ay doorashadu socotay.

Hargeysa Online

 

· ifraax on April 09 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired