Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Warsaxaafadeed Shirweynihii 12aad ee Dallada Jaaliyadaha Yurub ee Somaliland SSE.

Warsaxaafadeed

Warsaxaafadeed Shirweynihii 12aad ee Dallada Jaaliyadaha Yurub ee Somaliland (SSE – da) oo si rasmiya uga furmay guriga Baarlamaanka Dalka Sweden ee Magaalada Stockholm, maalintii Jimcaha ee siddeeda April 2015.

 

 Warsaxaafadeed

Shirweynihii 12aad ee Dallada Jaaliyadaha Yurub ee Somaliland (SSE – da) oo si rasmiya uga furmay guriga Baarlamaanka Dalka Sweden ee Magaalada Stockholm, maalintii Jimcaha ee siddeeda April 2015.


Maalintii Jimcaha ee ay taariikhdu aheyd 8da bisha Abriil 2016 ayaa shirweynihii Dallada xidhiidhisa Jaalliyadaha Somaliland ee Qaaradda Yurub uu si rasmiya uga furmay magaalada caasimadda dalka Sweden (Stockholm).

Sannadkan waxa kulan sannadeedka marti geliyay Dallada Guud ee Jaaliyada Sweden (SLRF). Kulanka ayaa waxa lagu qabtey dhismaha Baarlamaanka ee magaalada Stockholm.  Ururrada reer Somaliland ee ka soo qayb galey ayaa waxa ay ka kala yimaadeen dalalka Yurub oo ay ka mid yihiin: Holland, UK, Findland, Denmark, Sweden, France, Italy iyo Norway. Sidoo kale waxa ka soo qayb galay oo lagu casuumay khabiiro ka kala socdey Somaliland iyo dalka Maraykanka.


Intii aan la bilaabin kulanka waxa jirey barnaamij xubnaha Dallada SSE ee ka kala yimid waddamda Yurub ay ku tageen guriga looga taliyo magaalada Stockholm, kaasoo Maaryarada magaaladu ay barnaamij indho-indheyn dalxiis kooban ay u samaysay xubnaha. Waxa lagu soo wareejiyey martida qaybaha dalxiis ee uu ka kooban yahay Aqalkaasi oo ku caan ah fagaaraha lagu bixiyo Jaaisadda Noobalku, waxana ay u sii gudbeen Aqalka Baarlamaanka.

Barnaamijka ama taxanaha kulanka ayaa loogu talo galay labo maalmood oo ah 8 Abriil iyo 9ka Abriil. Arrimaha loogu talo galay in lagaga doodo maalinta hore ayaa waxa ka mid ahaa: Aqoonsiga Somaliland iyo duruufaha ku xeeran, kaasoo ay ka hadleen khabiirro aqoon durugsan u leh arrimahan. Doodihii lagu soo bandhigey kulanka ayaa waxa ka mid ahaa arrimaha dhaqaalaha, caafimaadka, doorka dhaqanka iyo saameynta uu ku leeyahay bulshada iyo hoggaanka. Doodaha lagu gorfeeyey shirka ayaa waxa ka mid ahaa hagaajinta nidaamka ama maamulka dowladeed iyo weliba xoojinta dimuqraadiyadda Somaliland. Taxanaha kulanka waxa guddoominayay Abdiraxman Abdullahi Jibril (Awliyo).
Guddoomiyaha dallada SSE (Abdourahman Yassin) ayaa si rasmiya u furay kulanka isla markaana mahadnaq balaadhan u soo jeediyay dhammaan dadkii shaqada geliyay diyaarinta kulanka iyo Dallada Sweden oo sannadkan marti gelisay kulanka. Waxa kale oo uu mahadnaqay Xildhibaan Amir Adan oo gacan ka gaystay kulanka. Sidoo kale waxa uu guddomiyuhu ka hadlay heerarkii iyo maraaxishii ay Dalladu soo martey iyo weliba waxqabadka ay muujisay tan iyo intii ay jirtey. Ujeeddada laga filayo kulanka iyo natiijooyinka laga rajaynayo mudada labada cisho ah ayaa uu si faahfaahsan uga hadlay.Maadaama kulanka lagu qabtey dalka Sweden ayaa waxa haddalo diirdiiran oo soo dhoweyna goobta ka soo jeediyay: Xildhibaan Amir Adan oo xubin ka ah Baarlamaanka Sweden, Roda Cilmi oo ah wakiilka Somaliland ee Sweden, Maayor xigeenka Stockholm Ann-Margarethe Livh iyoZakarie Hassan Waes oo ah Gudoomiyaha Dallada Sweden ee Ururrada Somaliland. Dhammaantood waxay si guud u muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin inay Stockholm ku soo dhoweeyaan marti sharafta ka kala timid dalalka kor ku xusan. Waxay ka markhaati kaceen in kulanka si fiican loo soo agaasimay. Guul iyo inay natiijooyin fiicani ka soo bixi doonaan ayay kulanka u rajeeyeen.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UCID, Faysal Cali Warabe ayaa isna ka mid ahaa martidii lagu casuumay shirweynaha SSE. Guddoomiyuhu wuxuu ka soo qayb galayaasha kulanka la wadaagay warbixin sawir ka bixinaysay xalaadda guud ee waddanka haddii ay tahay mid dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeedba. Waxa uu Dallada SSE uga mahadnaqay muddada dheer ee 15 sano ah oo ay Dalladu ku guulaysatay inay sabir iyo dhabar adeyg u yeeshaan inay Dallada si joogto ah u shaqeyso. Ugu dambeyntii wuxuu kulanka u rajeeyay Guul.

Intaa  ka dib waxa  cod baahiyaha lagu soo dhoweeyay Prof. Ahmed I. Samatar oo ah hormoodka mac-hadka Global Citizenship isla markaana ah macallin ama bare sare oo ah culuunta caalamiga (international Studies).

Prof.  Samatar waxa uu kulanka la wadaagay hadal aasaas u aheyd kulanka maalintaa furmay. Mawduuca uu ka hadlayay wuxuu ku saabsanaa arrimaha qadiyadda ictiraafka Somaliland iyo saameynta ay ku leedahay horumarka iyo dimuqraadiyadda Somaliland. Prof.  Axmed waxa uu si qoto dheer uga hadlay arrimaha ay u Somaliland u ordeyso iyo waxyaabaha ay ka ordeyso. Si kooban ayuu u sharxay faraqa ama kala duwanaanshaha u dhaxeeya Somaliland iyoSoomaaliya.

Khudbada ama haddalada ugu muhiimsan ee madasha kulanka laga soo jeediyay waxa ka mid ahaa haddal dheer oo isna uu kulanka la wadaagay Prof. Gerard Prunie oo ah caalim ama khabiir ku xeel dheer aqoonta Taariikhda ee Geeska Africa.  Waxa uu haddalkiisa ku bilaabay Somaliland sida ay hadda ku sugantahay in aan lagu aqoonsanayn, haddii aan wax wayn laga beddelin. Habka ama qaabka loo raadiyo qadiyada aqoonsigu waa mid u baahan is-muujin iyo in aan laga sugnaan xaalad xishood ee loo baahanyahay istaraatajiyad ama hab ku salaysan wax dhacsi iyo dagaal. Adduunku hadda la joogaa waa mid u baahan in la is-muujiyo, loona halgamo sidii loo iibin lahaa qaddiyada Somaliland.

Mikael Torstonson oo ah wakiil sharafeed loo magacaabay ama loo igmaday arrimaha Somaliland ee Yurub ayaa isna haddal shucuur leh goobta ka soo jeediyay. Wuxuu si kalsooni ku jirta dadka ula wadaagay waxyaabaha ay Somaliland qabsatay ilaa hadda iyo waxyaabaha loo baahanyahay in la gaadho.

Wuxuu shirka ka sheegay sida loogu baahanyahay in si wada jir ah Somaliland loogu shaqeeya si looga midho dhaliyo natiijada ay Somaliland higsanayso.

Dr. Ahmed Cumar Askar oo ah Agaasimaha Isbitaalka guud ee Hargeysa ayaa isna ka soo qayb galayaashii kulanka la wadaagay warbixin kooban oo la xidhiidha xaalada guud iyo ta gaar ahaaneed ee uu ku suganyahay Dhakhtarku. Warbixinta uu agaasimuhu la wadaagay madasha kulanka waxay aheyd mid camaliya oo si toosa u taabanaysa dareenka dadka. Wuxuu muujiyay baahida taala goobta iyo sida loogu baahanyahay in qurbo-joogga Somaliland ay arrimahan gacan uga gaysan lahaayeen. Sidoo kale wuxuu dr. Ahmed la wadaagay kulanka xaalada caafimaad ee gobbolada waddanka iyo baahiyaha jira. Ugu dambeyn farriinta ugu muhiimsan ee uu ku soo xidhay haddalkiisa waxay aheyd in caafimaadku uu yahay mas’uuliyada ay tahay in si wada jir ah loo wadaago.
Jama Musse Jama ayaa isna ka mid ahaa dadkii kulanka ka soo qayb galey isla markaana ka jeediyay haddal kooban iyo weliba vedeo muujinayay arrimaha bandhiga buuggaagta ee Hargeysa iyo nashaadaadka kale ee la xidhiidha dhinaca dhallinyarada. Jaamac waa Agaasimaha Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka.  Wuxuu si guud u taataabtay ama sharaxaad ka bixiyay dhaqanka iyo doorka uu ku leeyahay horumarka ummada. Ugu dambeyntii Jaamac wuxuu ka hadlay sida ay mahuraan u tahay horumarinta dhaqanka si loo xoojiyo jiritaanka ummada.

Arrimaha kale ee shirka laga hadlay waxaa ka mid ahaa doorka ay qurbo joogu kaga jiraan horumarka waddankii haddii ay tahay dhinaca dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshadaba. Haddal ama barnaamij arrinkan la xidhiidha waxa madasha kulanka ka soo jeediyay aqoonyahan magaciisu yahay Mussie Aphrem  oo ah aqoonyahay ku xeel dheer aqoonta Siyaasadda.

Eid Cali Salaan  oo ka mid ah Guddoomiyayaashii soo marey Dallada SSE ayaa isna ka hadlay in Dowlad wanaaga iyo kobcinta dhaqaaluhu ay yihiin furaha horumarka Somaliland loona baahanyahay in la iska kaashado sidii loo xoojin lahaa labadan arrimood.

Eid waxa kale oo uu madasha kulanka la wadaagay sida ay mahuraan u tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa sidii loo wadaagi lahaa aqoonta iyo khibrada ay leeyihiin xubnaha iyo ururada kala duwan ee ka kala yimid waddamada Yurub.


Robert Wiren oo ah qoraa iyo suxufi reer Farance ah ayaa isna kulanka la wadaagay qoraalada uu ka qorey Somaliland. Wuxuu shirka ku dhiiri geliyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la faafiyo qoraalada Somaliland si loo iibiyo qaddiyada Somaliland.

Kulanka ayaa waxa lagu soo afjaray shahaado sharaf la guddoonsiiyay labo ka mid xubnaha SSE oo kala ah Zakarie Waes oo ah guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Sweden iyo Ibraahim Xaashi oo ah garyaqaan wax badan u soo qabtay Somaliland. Sidoo kale waxa shahaado sharaf la guddoonsiiyay Jaaliyada Somaliland ee Finland (Somaliland Seura) oo lagu guddoonsiiya shirkii bilicda sanaa ee ay qabteen sannadkii 2014. Waxa kale oo shahaado sharaf kale la guddoonsiiyay Jaaliyada guud ee ururada Sweden (SLRF) oo loo siiyay wakhtiga iyo hawlaha ay geliyeen qabashada kulanka SSE(da) ee 2016.

Maalintii hore ee kulanka oo lagu qabtay guriga Baarlamaanka ee Sweden ayaa ku dhammaaday guul iyo iyada oo loo balamay maalinta labaad ee kulanka, waxaana kulanka lagu soo gabogabeeya mahadnaqa loo soo jeediyay jaaliyada Somaliland ee Sweden (SLFR). Sidoo kale waxa loo mahadnaqay xildhibaan Amir kaalin laxaad leh ka qaatay qabashsda kulankan.

Guddiga Fulinta ee Dalladda SSE

 

· abdi on April 12 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>