Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Hey’adda NABADSUGIDDU, Miyey Hagraneysaa Dalka, Mise Wey Habraneysaa!

Maxaa wax looga qaban waayey? Dawladdu mey arinkan wax ka qabato? Dhalinyarta shaqo haloo abuuro? Waalidkii caruurtan dhaley miyuu ceshedo? Waa su’aalaha ay dad badani dadka kale weydiiyaan marka la soo sheego dad ku waxyeeloobey tahriibka!
Ma jirto cid arinka tahriibka gebi ahaantiiba joojin kartaa. Dhibaatadaa dadka tahriibaya ku dhacdaana waa mas’uuliyadda shakhsiga maadama dadkaasi ay u badanyihiin dad Qaan-Gaadh ah, marka laga reebo tiro kooban oo caruur ah. Sidaasoy tahay, mas’uuliyaddu intaas uun kuma eeka. Waxa ay saarantahay mujtamaca dhammaantii haddey tahay waalidka, haddey tahay jaarka, haddey tahay dawladda dhex, haddey tahay dawladaha hoose, haddey tahay Bileyska, haddey tahay Nabadsugidda, haddey tahay warbaahinta iyo haddey tahay aniga iyo dadka ila midka ahba.
Waa laga yaabaa, in dadka qaarkii ay dhibaatooyinka noocan oo kale ah uuga faa’iideystaan si ay u helaan dhibco siyaasadeed oo ay dawladda ku dhaleeceeyaan. Anoo taa ogsoon oo aan sidaa u jeedin, hadana waxa an rumeysanahay in aan dawladeenu, haddey tahay ta iminka joogta iyo haddey tahay kuwii ka horeeyeyba, aaney niyad iyo run ka aheyn wax ka qabashada tahriibku. Dadka intiisa kale badankooda daacad kama aha ama iskuma hawlaan arintan wax ka qabashadeeda. Mar kasta oo wax dhacaan wiig ama laba wiig ayaa la buuqaa oo warbaahinta laga hadlaa dabadeedna waa la ilaabaa ilaa iyo inta mar kale ay wax dhacayaan oo lagu baraarugayo. Dadka dawladda ka tirsan ee arimahan ka hadla waad arkeysaa in hadalkoodu caag “artificial” u eegyahay oo ah hadal-idaacadeed la isku toostoosiyey oo aan hoos u sii ridneyn.
Waxa uugu badan ee ay dawladdu qabataa waa inta qof kasta oo kale qabto oo ah in tacsi loo diro dadkii ay dhalinyaradu ka dhimatey. Inteena kalena waxa an ka dhiganaa shidaal inoo huriya sheekooyinka fadhi ku dirirka oo an ka doodno. Waxa ayaan darro ah inaaney marna inaga muuqan firfircooni muujineysa inan ka hortegeyno masiibo danbe oo dhacda. Tahriibka lama wada joojin karo, balse wax badan ayaa laga qaban karaa oo waa la yareyn karaa, waxaana la adkeyn karaa ama la baabi’in karaa waxyaabaha sahlaya in dhalinyartu safar tahriib gasho. 
Xalka dhabta ah ee lagaga hor tegi karo tahriibku waxa uu qaadanayaa sanado waxaanu u baahanyahay in si cilmiyeysan looga fikiro. Uuma baahna in gudi dawladda ah loo saaro, balse wuxu u baahanyahay in wax la weydiiyo dhalinyarta laftooda iyo waalidiinta, gaar ahaan kuwa caruurtooda ay saameysey. Waxa iyana wax laga weydiin karaa dadka la bidayo iney aqoon iyo aragti cusub ku soo kordhin karaan. Ugu danbeyna, waxa muhiim ah in cid loo xilsaaro ka hortagta tahriibka oo si cad loola xisaabtamo.
Iyada oo uu xalka rasmiga ihi qaadan karo wakhti dheer, ayaa hadana la heli karaa, xal degdeg ah oo lagu yareyn karo tahriibka. Waddanku waxa uu leeyahay hey’ad nabadsugid oo ka warheysa dhaqdhaqaaq kasta oo aan caadi aheyn oo dalka ka jira. Waxa iyana jira ciidanka danbibaadhista oo si toos ah uugu dhex jira mujtamaca oo ka war haya wax kasta oo ka dhex socda dalka. Labadaa ciidanba inta yar ee an ka aqaano, waxa an ogahay iney wax kasta oo dalka iyo dadkaba ku soo kordha ama ka dhex socda ay ka warhayaan. Haddii ay labadan ciidan shaqeyn lahaayeen ama la siin lahaa waajib cad oo ay kula dagaalamaan tahriibka, waxa an hubaa in 24 sacadood gudahood ay gebi ahaanba hakin lahaayeen tahriibka. Dabcan tahriibku weli uu sii socon lahaa oo mukhalasiintu kolba dhinac ayey uga wareegi lahaayeen, balse nabadsugidda iyo danbibaadhayaashuba ama bileyska dhar cadda ihi iyaga ayaa ka ildheer cid kasta oo si dhib yar loogama xariifsanaadeen.
Mushkiladda dalkii ka taagani waa iyada oo wax kasta laga sugayo inu madaxweynuhu hadlo oo uu amar bixiyo. Waxa ad moodaa inaan cid kaleba isku hawleen iney tallaabo cad qaado oo la sugayo uun inu madaxweynuhu khudbadeeyo ama amar mucjiso ah yidhaahdo. Waxey aheyd in cid kale is xilqaanto iyada oo aan amar laga sugin madaxtooyada. Waxey aheyd in taliyaha bileyso la yimaaddo fikir iyo firfircooni. Waxey aheyd in wasiirka daakhiligu keenu waxqabad iyo hawl qabad arinkan wax lagaga bedelayo. Waxey aheyd in ururada dhalinyaradu isu soo bax sameeyaan. Waxey aheyd in badhasaabka Burco iyo Hargeisa oo ah magaalooyinka ay dhalinyaradii dhimatey u badnaayeen ay maanta tallaabooyin hor leh qaadaan. Waxey aheyd in xeer Ilaalintu furto dacwad cusub oo lagu soo oogayo dadka tahriibka ka ganacsada iyaga oo maqnaansho lagu soo ogayo iney dileen 500 nafood.  
Bal tusaale an u soo qaato ciidanka Nabadsugidda iyo Bileyska Danbibaadhista si an u iftiimiyo waxa ay hey’ad yari qaban karto haddii loo xilsaaro arinkan oo la siiyo taageeradii ay u baahneyd. TOBANKAN qodob ayaa ka mid noqon kara tallaabooyinka dhakhsaha ee ay Nabadsugidda iyo Danbibaadhistu qaadi karto ee dhabarka ka jabin karo Tahriibka:
Dadka tahriibka ku shaqeystaa waa silsilad isku xidhan oo jooga magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo Itoobiya Ilaa Sudan ilaa Libiya illaa Masar iyo ilaa Yurub oo qaarkood lacagta ku qabtaan. Dadkaasi kuligood hebel iyo hebel ayaa loo yaqaanaa. Waxa kale oo la yaqaanaa tilifoonadooda. Waxa la yaqaanaa kuwooda dalka joogaa makhaayadaha iyo meelaha kale ee ay kula ballamaan dhalinyarada. Waxa la yaqaanaa, nambarada Zaad-ka ee lacagta loogu shubo, waxa la yaqaanaa qabiilkooda iyo cidda u xigta. Waxa la sheegaa in Hargeisa ay joogaan ilaa 5 nin oo can ah oo tahriibka ka ganacsada iyo ilaa tobaneeyo dhalinyaro ah oo kuwaasi “Dhiidh” u ah oo dhalinyarta u keena. Waxa tiraba la yaqaan saddex meelood oo fiidkii la iskugu yimaadoo oo Hargeisa ku yaal oo si aan qarsoodi aheyn looga abaabulo tahriibka. Haddii bileyska iyo nabadsugiddu rabaan iney qabtaan mukhalasiinta, saacad gudahood ayay intoodaba ku soo qabqaban karaan. 
Xuduudda Itoobiya dhinaceeda kale waxa jooga rag dhalinyarada tahriibka ah lagu wareejiyo oo sii gudbiya ilaa Suudaan. Waxa kale oo iyana jiraa qaar kula wareega xuduudda Suudaan oo u sii gudbiya ilaa Libiya iyo dhul ka shisheeya. Waxa iyana jira baabuur caan ah oo dhalinyarada tahriibka gura oo tallaabiya. Haddii la rabo in raggaa wax laga qabto, aad ayey u dhib yartahay oo magacooda iyo halka ay joogaan iyo qabiilkooda iyo tilifoon nambarkooda ayaa la siinayaa dawladaha Itoobiya iyo Sudan iyo weliba Libiya si fudud ayaana loo soo qabqabanayaa.
Mukhalasiinta jooga Itoobiya iyo Sudan iyo Liibiya maalin kasta waxa lacag looga xawilaa xawaaladaha dalka oo waa dad la yaqaan. Maaha dad dhuumasho lacag loogu diro ee dharaar cad oo lawada ogyahay ayaa loo diraa. Nabadsugiddu waxa ay xawaaladaha ku qasbi kartaa (iyada oo la adeegsanayo xeerka argagixisada) in xawaalad kasta oo loo dirayo dalalkaasi, lala socodsiiyo cidda loo direy iyo cidda direysaba si loo daba galo.
Tilifoonada lagula hadlo mukhalasiinta waa la yaqaan, waxaana amar lagu siin karaa in shirkadaha tilifoonadu dhageystaan (iyada oo la adeegsanayo xeerka argagixisada) nambarada laga shakiyo iney ka ganacsanayaan tahriibka.
Ardeyda joogta Sudan iyo Libiya iyo Itoobiya ayaa loo sheegi karaa iney soo gudbiyaan magacyada dadka tahriibka mukhalasiinta ka ah, taasi oo marka danbena loo gudbin karo dawladahaasi si ay dadkaasi u soo qabtaan.
Xisaabaadka xawaaladaha ee mukhalasiinta loogu shubo lacagta ayaa la xanibi karaa, hantidoodana lala wareegi karaa. 
Waxa dalka lagu soo rogi karaa xukun degdeg ah oo ka hortagaya tahriibka taasi oo ciqaab adag la marinayo cid kasta oo ka qeyb qaadata ama fududeysa in dhalinyaro tahriibto.
Dhalinyaro “Tahriibayaal-Iskayeel Ah” ayaa la diran karaa oo la xidhiidha mukhalasiinta si loo DABO oo gacanta loogu dhigo kuwa laga yaabo iney siyaabo hooshoose ay tahriibka uuga shaqeysanayaan. Kuwaa la soo qabto ayaa laga sii heli karaa macluumaadka dadka kale ee aan la aqoon ee sida sirta ah ama uuga ganacsada ama u kaalmeeya ama u sahla tahriibka.
In ciidanka joogga koontaroolada xadka jabuuti iyo Itoobiya lagu amro in qof kasta oo dhalinyaro ah oo wadamadaa u gudbaya in lal soo hadlo waalidkii si loo xaqiijiyo iney ogyihiin safarkiisa.
In dhalinyarada lagu soo qabtey iyaga oo tahriibaya loo diro 6 bilood oo shaqo qaran ah oo ay ka soo shaqeeyaan gobolo ka fog ka ay ku noolyihiin si ay wax uuga soo bartaan waayaha dadkoodu ku noolyahay iyo nolosha dhabta ah ee umadda


Waxa dhici karta in dadka qaarkii taladeydan u arkaan xukun milatari. Balse, waxa hubaal ah in haddaan cabsi badan ku iman dadka ka ganacsanaya tahriibka ee ay u muuqato lacagta faraha badan ee ay dadka ka baadaan, inu halaagani sii socon doono. waxa an had iyo goor maqleysaa iyada oo lagu mashquulsanyahay ka hortagga argagixisada. Maxey tahay argagixisada ka weyn 500 oo dhaliyaro ah oo meel ku wada dhintey 5 daqiiqadood gudahood. Meydka uunbaa inaga fogee haddii ay dalka gudihiisa ka dhici laheyd waa la rogmi lahaa.
Tani waa waxa uugu yare e hal hey’adi ay qaban karto. Inta hawshan lagu jiro ayaa loo baahanyahay in la galo xalkii rasmiga ahaa ee wax lagag qaban lahaa dhaqankan tahriibka xal loogu heli lahaa.

· abdi on April 21 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>