|
Somaliland intii lasoo noqotay goono isku taageeda ee ay kala soo noqotay dawladii Somalia 1991 dii mudadaa oo hada gaadhaysa 25 sanadood mudadaasi wixii kadanbeeyay Somaliland waxay ku naaloonaysay nabadgalyo iyo horumar muuqda oo lataaban karo horumarkaas oo aan cidina qarin Karin qof dafiri karaana aanu jirin iyada oo madax waynayaal badani ay iskaga danbeeyeen talada dalkan Somaliland ,iyada oo mar xalado badan ay soomartay Somaliland mar xaladahaas oo kala ahaa afar stage,marxalada koobaad oo ahayd dib u heshiisiin taas oo ahayd dawladii C/raxmaan Axmed Cal,i marxalada labaad oo ahayd hub ka dhigis taas oo ahayd dawladii Maxamed X.ibraahin Cigaal , marxalada sadexaad oo ah dib udhis taas oo ahayd dawladii Madax wayne Daahir Rayaale Marxalada, Afraad oo ah Horumar taas oo ah Dawlada hada jirta ee uu Madaxda ka yahay Madax wayne Axmed Siilaanyo.arimahaa aan soo sheegnay ee marxaladaha badan eekala duwan soomaray horumarkaa balaadhana gaadhay ayaa hadana waxa jirtay Ha,ado badan oo kaqaybqaadanayay marxaladahaa kala duwan ee aan soo sheegnay ayay kamid ahayd Ha,ada Halo-Trust taas oo ka shaqaynaysay miino saarka intaa ay shaqada waday hay,adaasi waxay ku kacdaa musuqmaasuq balaadhan iyo qabyaalad aan kala qarsi lahayn meesha gabigeedana waxa qabsaday hal reer waliba jufo hoose meeshiina waxay noqotay meel shaqadeedii iskugu gaysay qabyaalad iyo musuq maasuq dhaqamada meeshaa kadhexjiraana waa kuwan.
1.waxa ka dhex jirta (Halo-trust) hay adaa miino saarka in aanay usinaan Karin nidaamka shaqaalaha dhamaan Gobolada Somaliland ,waxa jirta in aan lagaba ogolayn in ay ushaqayso Hay adaa miino saarka cid aan ahayn jufada Sacad muuse cidii aan ahayn jufadaasi bilaa xuquuq ayaa la diraa cid wax odhankartaanamajirto,madaxda Hay,aduna waxay dhagaystaan uun wax yaabaha ay uyeedhiyaan Groupkaa isku xidhani waana lagasifeeyay Hay,ada shaqaalihii aan ahayn Jufadaasi Sacad musse waxa ku hadhay in yar oo faro ku tiris ah oo ay gumaystaan jufadaa meesha iska xidhatay.
2. waxa xaa ladahaas oo dhan mar khaati cad kuugu ah (Helo-Trust) hay adaa miino saarka dhaqamadaa foosha xun ee ay kusoo kacday waxa ka mid ah Gobolka Awdal waxay ka qorteen shaqaale gaadhayay ilaa 20 qof intaas oo ahayd number aad uyar marka laga eego shaqaalaha xad dhaafka ah ee u shaqeeya Hay adaas shaqaalahaas yar oo kanoqonaya mar ka la eego dhibic ama 2% hadaanay kaba yaraynba waxa hada ku sii hadhay 5 qof dhamaan 15kii qof ee kale waa la eryay waxaana la eryay bilaa xuquuq bilahan ugu danbeeyay ayay eryeen qofkii ugu danbee yay 15 kaa qof iska daa xuquuqe mu shaar kii sii ayaa ku maqan qor sha hoodu waa sidaa waxayku ma meen dadkaa ay dhacayaan ee masaa kiinta ah
3. dhamaan madaxda ugu saraysa Hay adaasi waa is ku reer mana jirto cid taraxdaa waxayna ku heshiiyeen iyaga iyo madaxda ajaanibka ahi dhiiga dadka danyarta ah ee Somaliland dawlada somalilandna way ka dhago la,adahay warna uma hayso dulmiga lagu hayodadkaa masaa kiinta ah waxaana gabtay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada doorkeedii in ay ka war hayso xuquuqda dadkaa masaa kiinta ah ,
Hadaanan wax laga qaban waa la ogaa wixii hore uga dhacay Hay adaa dhexdeeda iyadoo xabad loola galay madaxda ajaanib ka ah nasiib uuni bad baadiyay waxaasina waxay ka dhalatay xuquuq la,aanta shaqaalaha iyo musuqa iyo qabyaalada hadaan wax laga qabana waxaa wax ka daran ayaa dhici doona oo aan hada lagu talo galin.
Lasoco qaybaha danbe oo ka sii xasaa sisan……………….
Qalinkii: Axmed C/lahi Jamac