Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dowlad Federaal Somalia ah oo Somaliland ay ka mid tahay Ma jiro kamana Qayb-galayno.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa maanta furayShirka 9aad ee Isku-duwidda Mucaawinooyinka Somaliland oo lagu qabtay Hudheelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa.

 


 

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa ka qaybgelaya wakiillo ka socda dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca hormarka, saaraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adaha Qaramada midoobey,laamaha kala duwan ee dawladda Somaliland, wakiilo ka socda bulshada rayidka ah iyo saxaafadda gudaha.

Waxaa shirkan wada guddoominya Wasiirka Qarsheynta Qaranka Mudane Cali l Xuseen Ismaacii (Cali Shoombe), Kira Smith Madax-xigeenka Safaaradda Denmark ee Kenya, Phil Evans madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska (DFID) u qaabilsan Somaliland, iyo Peter de Clercq ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee isuduwidda hawlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland.

Labada casho ee uu shirku socdo waxa lagu gorfayn doonaa habsami-socodka Hawlaha horumarineed ee qaranka, diyaar-garawga doorashooyinka soo socda ee dhici doon bisha March, 2017, qiimeynta aafooyinkii abaaruhu geysteen iyo sii amboqaadka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sanno ee soo socda.

Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa furitaankii shirkan ka sheegay in xaaladda amni iyo nabad gelyo ee ka jirta Somaliland ay suurto-gelisay wadashaqayn buuxda oo dhexmarta dawladda Somaliland, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.

Madaxweynuhu wuxu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in aanay Somaliland ka mid ahayn dawlad-goboleedyada Soomaaliya, kana qayb geli doonin doorashooyinka ka dhacaya dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeedinaya shirka waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Somaliland haddaan nahay, waan ku qanacsanahay waxa inoo qabsoomay intii aan wadaagnay wax wada qabsigan la magac baxay kaalmadda heerka sare ee Somaliland, anigoo ku rajo weyn in waxa hore inoogu soo qabsoomay innagu dhiirrin doonaan inaan hore halkaa uga sii wadno wax wada qabadkeenna dambe.

Anigoo ku hadlaya magaca dadka iyo dawladda Somaliland, waxan salaan iyo qaddarin kal iyo laab ah u qaddimayaa inta nagala shaqaysa dhinaca horumarinta, sida deeqsinimada lahayd ee ay Wax ula soo Qabteen Somaliland Sannadihii Hawl-wadaaga la ahaa. Kaal-madiinu waxay keentay isbeddel muuqda oo ka hanaqaada Somaliland markay noqoto nolosha muwaadiniinta Somaliland, waxanay ahayd mid lagama maarmaan ah dhinaca bulsho iyo dhinaca dhaqaaleba.”

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray “sannadkani waa mid gaar ah, marka la’eego Somaliland, Sannadkani wuxu astaan u yahay, sannad guuradii 25aad intii ay Ummadda Somaliland wadatay aayo ka tashigeeda, tuurtay midnimadii dhicisowday ee Soomaaliya, dibna ula soo noqotay madaxbanaanideeda 18 MAY 1991kii.Somaliland waxay dhaxashay deegaan khilaaf iyo dhibaatooyin milateri hagoogeen, iyadoo ay sidaa ahayd, haddana reer Somaliland waxay ka jibbo keeneen dhibaatooyin tiro badan, waxanay abuureen xasillooni iyo nabad adag, iyagoo ku shaqeeyey wadatashi gudohooda ah, oo hoosta laga soo dhisay ilaa korna la geeyey. Waxay dhiseen diimuqraadiyad nabad lagula kala wareego awooda dalka, goobjoogna ka ahaayeen beesha caalamku, laguna meel mariyey maamul wanaag taageero u ah nidaamka dawladnimo ee dastuurka ku dhisan, dhawrista xuquuqda aadamaha, iyo bixinta adeegga bulshada.”

Mar uu ka hadlayey doorashooyinka soo socda waxa uu yidhi “Waxan u diyaargarownay hadda doorashooyin kale oo qabsooma maarij 2017, inkastoo abaarihii awgeed aan diiwaangelinta codbixiyayaasha waxoogaa hakinay, haddana diyaargarawga waxa lagu soo celiyey siduu ahaa. Somaliland intii awoodeeda ah way qabatay si doorashada soo socotaa wakhtigeedii ugu qabsoonto, waxyaalaha ay qabatayna waxa ku jira kharash dheeraad ah oo hakintii codbixiyeyaashu sababtay oo ay bixisay, annagoo ku boorrinayna deeqbixiyeyaasha inay dhinacoodana inay ka soo baxaan ballamahoodii ku aaddana caawimada kharashyada diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada sannadka dambe.

2016666360081102785557490045556.jpg

2016666360081104026950350097777.jpg

2016666360081104026950350097777.jpg

20166663600811078899662400345677.jpg

2016666360081112566976590033344555.jpg


Aasaaska adag ee aan samaynay ee dhinaca nabadda, dibuheshiisiinta, amniga iyo maamul wanaaggu waxay suurta galiyeen jawi habsami iyo wadashaqayn dhaw oo ay yeesheen dawladda, ururada bulshada rayidka ah, iyo inta aan hawlwadaagga nahay ee beesha caalamka in barmaamijyada laga hirgalinayo Somaliland ay noqdaan kuwo midhadhala oo guulaysta.

Wadashyaqaynta meelmarka noqotay ma aha keliya dhinaca mashaariicda horumarinka ee ka hirgalay Somaliland, balse waxay gaadhay dhinacyo kale oo badan, kana mid tahay la dagaallanka argagaxisada, xagjirnimada, iyo budhcadbadeednimada.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Somaliland waxay doonaysaa inay iyadu masuul ka noqoto dhismaha aayaheeda dhaqaale, si ay u xaqiijiso inay dhalinyarteeda siiso waxa ay u qalmaan, waxanan ku faraxsanahay inaan arkayo horumarka laga sameeyey dhinaca qorshaha horumarinta qaranka ee 2017-2021 iyo aragtida wakhtiga fog ee Somaliland ee 2030 oo u adeegi doona in inta Somaliland kala shaqeeya horumarintu sidii ay Somaliland xulafo ugala noqon lahaayeen dhinacyada horumarinta ee Somaliland mudanaanta u ah.Qorshaha horumarinta qaranku (NDP) wuxu xoojinayaa sidii mucaawinada Somaliland ay gooni ugu noqon lahayd, qorshahaasi oo la jaanqaadaya maqaamka gaarka ah ee horumarka dalka.”

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Ereyo kooban haddii aan ka idhaahdo xadhiidhka annaga iyo Soomaaliya. Waxan rabnaa in aanu aragno Soomaaliya xasilloon oo nabadi ka jirto hase ahaatee ma aaminsanin Somaliland oo lagu daro soomaaliya ayaa Soomaaliya ku noqonaysoo mid deggan oo nabadgelyadu u soo noqoto.

Somaliland waxa ka go’an inay ka qaybgaadato xal loo helo soomaaliya, hase ahaatee wax loo baahan yahay in xalkaasi noqdo mid waaqaciya, kana tarjumaya runta jirta oo Somaliland rabitaankeedu ku qotoma. waxay qaadday jid ka duwan kan Soomaaliya, waxanay iskeed u dhisatay dalkeeda dimuqraadiga ah.

Federaal Soomaaliya ah oo ay Somaliland ka mid tahay ma jiro, weligeedna ka qaybgali mayso doorasho ka dhacda Soomaaliya. Shacbiga Somaliland waxay doorteen jidka madaxnanaanida muddo haatan gaadhaysa rubuc qarni ama 25 sano, dibna uma laabanayaan, waayo hadday dib u laabtaan macneheedu waxa waaye in la masaxo, lana tirtiro wixii guullo ilaa hadda aan gaadhnay dastuurkayaga iyo nidaamkayaga siyaasadeedna aan dafirno.”

Intaas ka dibna waxa Waxa wada jir u gudoominayey shirka, wasiirka Qorshaynta Qaranka, mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Kira Smith, madax xigeenka Safaarada Denmark ee dalka Kenya, Phil Evans madaxa waaxda horumarinta caalamiga ee dawladda Ingiriiska (DFID) u qaabilsan Somaliland, iyo Peter De Clercq ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee isu-duwida hawlaha binu-aadanimo ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland.

Mr Peter De Clercq oo hadal dheer halkaa ka jeediyey ayaa u mahadnaqay madaxweynaha Somaliland oo Shirka furay iyo Xukuumada Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Qorshaynta.

Waxaa kaloo, uu Xusay heshiiska Dhex-maray DP World iyo Somaliland ee ku Saabsan horumarinta dekeda Berbera, kaasoo uu ku tilmaamay mid dhaqaalaha kor u qaadi doona shaqo abuur balaadhana laga heli doono.

Ugu dambeyn shirkan ayaa noqonaya midkii 9-aad ee u dhexeeya hay’adaha kaalmooyinka iyo Somaliland, Waxaana inta badan kaga doodaan Wixii Mashaariic ah ee Sannadkii Hore qabsoomay, wixii aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayey.

 

Hargeysa Online

  

· abdi on June 06 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>