Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Qaraxyo ay al shabaab ka sameysay Gaalkacyo oo ay Dad badan ku Dhinteen.

Waxaa  ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay, illaa 30-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo saaka ruxay Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay Maamusho Puntland, waxaana mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Dadweynaha ku Nool Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in ay maqleen laba Qarax oo aad u Cuslaa, kuwaasoo lala beegsaday xarunta Dowladda Hoose ee Puntland ay ku leedahay Magaalada Gaalkacyo.

“Qaraxyadu waxay ahaayeen kuwo culus. Midkii hore waxaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay… Daqiiqado kaddibna waxaa isla Goobta lagu qarxiyay gaari kale oo qaraxyo ay ka buuxeen. Waxaana dadka waxyeelladu kasoo gaartay ka mid ahaa waalakey,” ayay Xaliima Ismaaciil u sheegtay Reuters.

Sidoo kale, Dadkii weerarradan ku dhintay waxaa ku jiray mas’uuliyiin ka mid ahaa kuwa Puntland ee gobolka Mudug iyo Ciidammo, Waxaana mas’uuliyada Qaraxyadan sheegatay Xarakada Al-shabaab.

“Innaga ayaa mas’uul ka ahay weerarradan, waxayna ahaayeen laba qarax oo lagu Fuliyay Gaadiid,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka Hawl-gallada ee Al-shabaab oo la hadlay Warbaahinta.

2016821636073731491622126qaraxyadii_ka_dhacay_gaalkacyo201.jpg

2016821636073731665298932qaraxyadii_ka_dhacay_gaalkacyo203.jpg

2016821636073731934250073qaraxyadii_ka_dhacay_gaalkacyo205.jpg

 



Dhakhtarka Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo, Axmed Sugulle ayaa isagana Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in Qaraxyadan ay ku Geeriyoodeen in ka badan 20-ruux, ayna ku Dhaawacmeen 30-ruux oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus.

Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa waxay tan iyo sanadkii 2010-kii, dagaallo kula jirtay ciidamada Puntland, iyadoo sidoo kalena dhawr bilood ka hor Weerarro toos ahaa ku qaaday deegaanno ku yaalla xeebaha Bari ee Puntland, inkastoo looga adkaaday weerarkaas.

Ugu dambeyn, Xaaladda goobihii ay Qaraxyadu ka dhaceen saakay ee Gaalkacyo ayaa daggan hadda, iyadoo uu ka muuqdo burur xoog leh soo gaaray xarunta la weeraray, waxaana weerarradaan ay kusoo beegmayaa iyadoo Toddobadyadii lasoo dhaafay Magaaladaas laga waday Hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab.

 

Hargeysa online

  

· ifraax on August 21 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>