Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Diidmada iyo xayiraada Donald Trump oo isa soo tareysa.

Seddax qobol ayaa taageeray dacwad uu gudbiyay maamulka gobolka Hawaii oo sharciga la tiigsaday go'aankii Donald Trump uu ku mamnuucay Muslimiinta lix dal.

Donald Trump ayaa saxiixay amar uu lix dal oo Musliim ah dadkooda uu 90 maalmood uga mamnuucay safarada Mareykanka.


Maamulka New York ayaa go'aanka u arko mid Muslimiinta oo dhan ka dhan ah, halka maamulka Washington uu sheegay in uu amarka dhaawac gaarsiinayo gobolka.

Gobollada Oregon iyo Massachusetts ayaa sidoo kale ku biiray dacwadda looga hortagayo in uu amarka Trump dhaqan galo.

Mamnuucidda waxay billaabaneysaa 16-ka bisha Maarso, ayadoo Aqalka Cad uu sheegayo inuu aad ugu kalsoonyahay in dacwadda maxkamadda ay ka guuleysanayaan.

Amarkii hore ee Trump oo aad uga baallaarna midka hadda, waxaa joojisay maaxkamad ka dib dacwad ay horkacayeen Washington iyo Minnesota oo loo gudbiyay maxkaamad.

Gobollada maxay u diideen amarka Trump?

Oregon - Wuxuu sheegay in amarka uu dhaawacayo shacabka, shaqaalaha, jaamacadaha, hanaanka caafimaadka, iyo dhaqaalaha.

Washington - Waxay aaminsan tahay "in sharcidaro ay tahay sida amarkii hore" uuna dhaawacayo shacabka, inkaste oo uu ka fudud yahay midkii hore

New York - "Xayiraaddaa Muslimiinta oo magac kale loo bixiyay", ayuu yiri xeer ilaaaliyaha magaalada

Massachusetts - xayiraaadda cusub "weli waxay tahay midib takoor iyo sharcidaro. Trump wuxuu iska dhigayaa in uu wanaajinaayo wixii uu ololihiisa ku baallaan qaaday, uuna ku meel marinayo mamnuucidda Muslimiinta".

Hawaii - Wuxuu ku doodayaa maamulkeeda in amarka uu dhibaateynayo bulshada Muslimiinta gobolka, dalxiiska, iyo ardeyda ajaaniibta ah.

Xayiradda cusub waxaa la saaray dadka raadinaya dalku-galka Mareykanka ee ka soo jeedo: Soomaaliya, Iiraan, Suuriya, Suudaan, Liibiya, Yaman.

Sidoo kale waxay xayiraadda saameyneysaa qaxootiga ka soo jeedo dhammaan dalalkaasi.

Amarkii hore ee Trump waxaa tuurtay maxkamad federaal ah, sidoo kale waxaa ka dhashay isu soo baxyo waaweyn oo ka dhacay gudaha Mareykanka.

Ugu danbeyntii, wali waxaa xayiraadda cusub loo arkaa in lagu takoorayo muslimiinta

· ifraax on March 10 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>