Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Guddida abaaraha ee Somaliland oo soo bandhigay dhaqaalihii ay heleen iyo qaabkay u bixiyeen.

Guddidda Abaaraha ee heer qaran ayaa soo bandhigay xisaabtii xidhkii wixii dhaqaale ay heleen iyo sidii ay u bixiyeen ama u gaadhsiiyeen dadkii loogu tallagalay.

Xafladdan lagu soo bandhigayey xisaabta lacagtii soo gashay ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland oo ay guddida taakulaynta abaaruhu kusoo bandhigeen xisaab xidh dhamaystiran oo ku saabsan qaadhaankii soo gaadhay mudadii lagu jiray xaaladii abaaraha ee dalka ku habsatay.

“Abaartii ka dhacday gobolada galbeedka Somaliland una gudubtay gobolada bari ee Soomaaliland sanadahan u danbeeyay ayaa saameysay in ka badan dad gaadhayay ilaa sided boqol oo kun oo qof una badnaa xoolo dhaqato, beeralay iyo dad badan oo hay’adaha kana yimid itoobiya soona galay Gobolada Galbeedka kuwaasoo waajahay xaalad qalafsan bilihii hore ee sanadka 2016, kaddib markii ay duunyadii dabar go’day, dadkuna uu nuglaaday, gaadhayna heer ay carruurta iyo waayeelkaba nafaqo daro ku dhacdo. ugu danbayna gaadhay xaalad adag iyo dhimasho gobolada galbeedka (Salal iyo Awdal).”ayaa yidhi Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culimaddii gudidddan abaaraha ka tirsan.

Waxaanu intaas ku daray “Guddida waxa soo gaadhay abaartaa hore lacag dhan laba milyuun, shan boqol, saddex iyo todobaatan kun iyo sagaal boqol sagaashan iyo sagaal dollar dhibic sideetan iyo shan senti {$2,573,999.85, lacagtaas oo ka kala timi Dawladda iyo shacabka Somaliland, Dawlada Soomaaliya iyo shacabkeeda, Intii Afsoomaali ku hadasha iyo samafalayaal kala duwan.

Waxayna u kala baxday sidan:

1.$1,592,266.76 ,waxay ku baxday iib raashin dhamaystiran oo 33,172 qoys iyo kharashkooda

2.$398,852, waxay ubaxday qodis beero loo qaaday gobolada Maroodijeex, Gebiley, Awdal, Daadmadheedh, iyo Sanaag oo loo qorsheeyay. 3.$,445 biyo dhaamis.

4.$97,445, waxa lagu bixiyay waxyeelo katimi roobab duufaano watay oo ku dhuftay taleex (Xaysimo) iyo Maroodijeeex.

5.$64.558, Gurmad iyo dib u raris soo guurto kasoo guurtay itaabiya oo soo gaadhay gobolada Awdal iyo Salal iyo rarid soo guurto gobalka Badhan.

6.$11,987.5, safarkii qaadhaan ururinta ee jabuuti iyo kharashkii waftigii taakulada siday ee Muqdisho.

7.$3,560 dayactir ceelal

8. $3,439 warbaahin.

Guud ahaan dakhliga guud oo noqday $2,573,999.85 iyadoo $2,219,113.26 ay kharash noqotay waxa guud ahaa lacagtaas kasoo hadhay lacag dhan $354,886.59 oo u wareegtay abaartii danbe.’’ Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan Sidoo kale waxa uu sheekh Maxamed Aadan guud maray abaarihii gobolada bariga iyo siday Guddidu u maamushay Qadarkii lacagta iyo raashinkaba ee soo gaadhay waxana uu yidhi ‘Haddii uu roobku da’ay abaartana laga soo doogay waxoogaa, waxay si lama filaan ah ugu dhuftay gobalada bari oo aynu uga jeedno gobalka Saaxil iyo gobalada ka bariyeeya bishii September 2016 ka aakhirkiisii abaar culus oo saamaysay dad gaadhaya milyuun iyo shan boqol oo kun oo qof, sahaydayna duunyo badan dadkana dhibaato badani ka soo gaadhay oo aan hore uga dhicin Somaliland iyo dhulka Soomaalidu degto toona oo ay dadka qaar ku sheegeen in ay ka cuslayd abaartii daba-dheer ee 1974 magacyo kala duwana ay dadku ugu magac dareen sida “Baaha” iyo “Sima”. Abaartaas oo usoo gudubtay markii danbe gobolada galbeedka sababtayna sida ay cadeeyeen khubaro u kuur gashay in xoolaha baxay ay gaadheen boqolkiiba 70% celcelis ahaan iyada oo laf dhabarka dhaqaalaha Soomaliland uu ahaa xoolahaa nool dadkuna ay ahaayeen noole noole ku nool dabadeed la isla shufbeelay.”

2017531636318206956754834099a4532.jpg

2017531636318207098490679099a4556.jpg

2017531636318207548090803099a4601.jpg

2017531636318207695231558099a4795.jpg

 

2017531636318206478206289099a4440.jpg

 

“Waxa kale oo ka dhashay roob la’aantii cuduro kala duwan iyo caafimaad xumo , raashin la’aan iyo baad iyo calaf la’aan. Hadaba guddida taakulaynta abaaraha ee heer qaran dib ayay u bilaabeen hawlahoodii gurmad si ay ula tacaalaan xaaladan culus ee murugta iyo naxdinta leh intii ay kari karaan iyaga oo arrinkoodana u bandhigaya illaaha dhibta faydi kara kadibna ummaddooda iyo cid alla ciddii gurmadkaa wax kala qaban karta Waxa guddida soo gaadhay lacag dhan $4,806,309.9 oo dollar halka ay kharash ahaan uga baxday lacag dhan $4,685,323.96 Dollar waxana soo hadhay oo hadda khasnada Guddidana ku jirta lacag dhan $120,985.94 Dollar.” Waxa sidaa yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Munaasibadan oo ahayd mid balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha qaranka Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Madaxweyne ku xigeenka ahna gudoomiyaha guddida abaaraha heer qaran, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyeyaasha iyo maayarada gobolada dalka qaar ka mid ah, xubno ka socday guddiyadii gobolada u fadhiyey guddida heer qaran, wasiiro, culimada dalka, xisbiyada qaranka, xildhibaano, haween iyo haldoorka bulshada Somaliland oo madashan ka wada muuqday, halkaasina badankoodu hadalo ay ka jeediyeen.

Dhinaca kale, guddida abaaraha, iyo guddida ka soo kabashadda abaaraha ayaa kulan la yeeshay hay’adda qaramadda midoobay.

Guddida abaaraha ayaa baryahan dambe dadku ku dhaliilayeen soo bandhigi la’aanta xisaabtii soo gashay iyo qaabkay u kharashgareeyeen, waxaanay arrtani jawaab u tahay dhaliilihii lagu dhaliilayey guddida.

 

Hargeysa Online

· abdi on May 31 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired