Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Oo Kulan Afur Ah La Qaatay Culimada Dalka Khudbadna U Jeediyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo shalay galab afur u sameeyey culimada dalka intooda badan, sidii caadada u ahayd sanad walba marka ay bisha ramadaan soo gasho uu madaxweynuhu kulan afur ah la yeesho culimada dalka oo isaga yimaada gobolada ay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 


guKulankan oo ahaa mid qiimo weyn leh, waxa halkaasi hadallo ka soo jeediyey qaar ka mid ah culimadii kulanka ka soo qaybgalay iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid yahay wasiirka diinta iyo awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo isagu halkaasi ka akhriyey guddida culimo ah, sida uu dhigayo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo noqon doona guddi isu dheelitiran ama istiro leeg, oo ay ansixin doonaan golaha guurtida Somaliland.

“Culimadiinna qiimaha badan, Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan idinku marti-qaado Qasriga Madaxtooyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland looga taliyo. Ugu horreyn, waxaan jecelahay in aan idinku bogaadiyo culimo ahaan, doorka culus ee aad kaga jirtaan dhismaha Qaranka, gaar ahaan kaalintii aad ka soo qaadateen adkaynta nabadgelyada, dhex-dhexaadinta, xallinta khilaafaadka ama xurgufaha beelaha dhex mara, dib-u-dhiska iyo horumarka Dalka.

Ujeeddada ugu weyn ee aan caadada uga dhigay, in aynu kulanno bisha barakaysan ee Ramadaan, waxay salka ku haysaa, in aynu samayno wada-tashi. Waxaan soo dhaweynayaa dhaliilaha dhabta ah, ee loo jeedinayo maamulkayga. Waxaan soo dhaweynayaa wixii talo, tusaale iyo toosin ah, ee aad kulankan iigu soo gudbiseen, kuwaas oo aad uga gol-leedihiin in wax lagu hagaajiyo.

Waxaan diyaar u ahay, in aan dhug iyo dhaymo u yeesho, dardaaranka iyo dareenka umaddayda, culimo iyo caamo intaba. Waxaa iga go’an in aan ummadayda uga tago, dhaxal wanaagsan iyo hab-dhaqan dawladeed, oo la is-toosin karo. Sidaa darteed, uma aqaan ceeb, in la saxo qaladaadka ka dhaca ama ku yimaadda maamulka dawladnimo.

Culimadiinna qadarinta mudan, walaalayaal,

culimoXukuumaddaydu waxay kor u qaaday xidhiidhka iyo xurmada culimada dalka, taasina waxay sababtay is-kaashi iyo wada-shaqayn weyn, oo lagaga soo gudbay duruufo badan; sida la-dagaalanka aragtiyaha xag-jirka ah, ee lagu duufsado da’yarta diinta barata. Dhinaca kale, waxa ka mid ah in ay culimadu si weyn uga qayb-qaadatay gurmadka iyo gargaarka qaran, ee loo fidinayo dadka abaaruhu aafeeyeen.

In la sii wado is-kaashiga noocan ah, waa mid aan kula dardaarmi doono, culimada iyo cidda iga dambaysa, ee aan mas’uuliyadda dalka iyo dadka ku wareejin doono. Aniga oo tixgelinaya, codsigii aad culimo ahaan ii soo jeediseen, ee ku saabsanaa samaynta guddida culimada ee dastuurka ku xusan, waxaan u magacaabay laba xubnood oo ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo laba xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida, si ay u soo xulaan, una soo magacaabaan xubnaha Guddida Culimada Qaranka, isla markaana u gudbiyaan Golaha Guurtida, si ay u ansixiyaan. Farxad weyn bay ii tahay, in hawshaa la dhammaystiray muddadii aan xilka qarankan hayey.



Ugu dambayn, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xoojisaan midnimada iyo wada-shaqaynta culimada dhex-deeda. Sidoo kale, waxaan idinkula dardaarmayaa, in aad nagala shaqaysaan la dagaalanka bal-wadaha, figradaha xag jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada badiya, dadkana khayrka u tilmaam”.

Ugu danbayn Xubnaha ay soo xuleen culimadu waxay kala yihiin sidan:

Sheekh Cabdilaahi Cali Boqore Jawhar
Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed
Sheekh Maxamed Cumar Dirir
Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil
Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax
Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame
Sheekh Dr Cumar Yuusuf Axmed
Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi
Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh
10. Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)

11. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi

12. Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida)
Guddidan culimadu waxa uu noqon doonaa mid ka duulidoona qoddobka 119aad, farqadiisa 1aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland”, qoddobka 116aad(Tirada Guddida iyo muddada xilka), qoddobka 117aad (Shuruudaha Xubnaha), qoddobka 118aad (Waxyaabaha Ka Reebban Xubnaha).

 

Hargeysa Online

 

· abdi on June 10 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired