Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgalay qorshaha labaad ee horumarinta Qaranka ee Shanta Sano.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo ayaa maanta ka qaybgallay qorshaha labaad ee horumarinta qaranka 2017 ilaa 2021 Oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa.


Munaasibadan waxa soo qaban qaabiyey wasaarada qorsheynta qaranka, waxaana ka soo qaybgalay dhamaana hay’adaha ka hawlgalla Somaliland iyo ururada Wadaniga ah, waxa kale oo iyaguna goobta joogay wasaaradaha dawladda.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta qaranka Maxamed Ibraahim Qabo, wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka sheekeeyey qorsaha labaad ee horumarinta qaranka oo socon doonna 2017-2021 taas oo wasaaradaha iyo hay’adaha la shaqeeyaan ku shaqayn doonaan.

Sidoo kale, wasiir Qabo waxa uu sheegay in qorshihii hore wixii wax iska bedelay ee aan sideedda loo fulin kan dambe lagu sixi doono, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in qorshahan cusub qaabka loo dhigay loo raaci doonno.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa iyaguna soo dhoweeyey qorshahan labaad ee lagu shaqayn doono shanta sanno ee soo socda.

Munaasibadan waxa soo xidhay madaxweyne Siilaanyo oo ka sheekeeyey taariikhdii dheereed ee uu soo maray Somaliland iyo maanta waxa loo baahan yahay.

“waxaynu ku guulaysannay nabad iyo xasilooni buuxda, taas oo ku timid midnimada, wada-jirka iyo iskaashiga Ummadda Somaliland. Waxa hubaal ah, in mudadaa rubuc qarniga ah, inaga oo aan aqoonsi haysan aynu ku talaabsannay horumar weyn oo la taaban karo, taas oo Somaliland ka dhigtay xaqiiqo jirta, oo nin neceb iyo mid jecel toonna aanu dafiri karin.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu intaas ku daray “In kasta oo aynu xaqiijinnay guulaha aan soo sheegay, Somaliland waxay la wadaagtaa wadammada soo koraya caqabado tiro badan, sida dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada, deegaanka, shaqo la’aanta, saboolnimada, iyo tayeynta maamulka dawladnimo. Waxa si weyn inoo saameeyey abaaro soo noq-noqonaya, oo ay sabab u tahay isbedelka cimillada dunidu, kuwaas oo inagu keenay hoos u dhac dhaqaale.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in caqabadaha adag ee jira lagaga bixi koro qorshaha horumarinta ee shanta sanno (National Development Plan One). Qorshahaasi wuxuu ka turjumayey baahida Bulshada Somaliland, iyo mudnaanshaha mashaariicda deegaannada kala duwan ee Dalka.

“Waxaan ku boorrinayaa, dhammaan Bulshada Reer Somaliland, iyo Qaadhaan Bixiyayaasha, innaga taageera dhinaca horumarka, in ay ka qayb qaataan hirgelinta qorshahan. Waxaan sidoo kale, farayaa dhammaan daneeyayaasha, in ay mashaariicda ay hirgelin doonaan ku saleeyaan Qorshaha Qaranka ee Labaad.”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

 

Hargeysa Online

 

· ifraax on July 29 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>