Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Muuse Biixi oo Wax Ka Ogaa In Lagu Tagri Falay Awooda Madaxweynihii Ka Horeeyey.

Wali waxa taagan dooda ku saabsan dhacdo uu wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ku soo bandhigay buugiisa, taas oo uu ku xusay in madaxweyne Siilaanyo uu damcay inuu is casilo markii uu xilka hayey mudo ku siman 33 cisho ka dib markii uu dareemay in xasuustiisu hoos u dhacday balse lagu qanciyey inaanu xilka banayn.

 

Dhacdadan oo uu hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ku xusay buugiisa Miyiga Ilaa Madaxtooyada ee uu dhawaan soo bandhigay ayaa dhaliyey dood ku saabsan in laga faa,iidaystay awoodii madaxweynaha, talaabada laga qaadi karo cidii ku qancisay inaanu is casilin iyo qodobo kale.

Siyaasiyiin badan oo reer somaliland ah ayaa mudadii uu xilka hayey madaxweynihii hore ku doodi jiray in awoodii madaxweyne ee loo doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay gacantiisa ka baxday isla markaana ay cid gaar ahi ka faa,iidaysanayso, halka shacabkuna ay haatan ku doodaayaan in Ex Wasiir Xirsi uu xaqiijiyey xan badan oo suuqa laga sheegi jiray.

Ex Wasiir Xirsi oo wakhtigii uu ka tirsanaa xukuumadii Siilaanyo soo qabtay laba xil oo kala duwan oo kala ahaa Chief Of Cabinet madaxtooyada iyo wasiirka madaxtooyada, waxa lagu eedayn jiray inuu lahaa awood dheeraad ah, taas oo haatan ay dadku ku doodayaan inuu banaanka soo dhigay cadaymaha muujinaya eedaymihii loo jeedin jiray.

Hadaba waxaynu soo qaadan doonaa aragtida uu madaxweynaha somaliland ee wakhtigan  Muuse Biixi Cabdi ka aaminsanaa heerka ay gaadhsiisan tahay awooda wasiirkii hore ee madaxtooyada  Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigii ololaha doorashada madaxtooyada ka khudbadaynayey fagaare ay dad shacab ahi ku soo bandhigeen taageerada ay u hayaan ayaa waxa uu yidhi “ Xirsi waxa u ahaa wasiirkii ugu awooda badnaa ee dhinac walba wax u toociyey ee cid walba jiidhay meel walbana ka booday ee waliba taariikhda siyaasada isaga oo ku camal falaya awood aan loo dooran oo ku cartamaya gabay la soo fadhiistay ee umadii shacabka ahayd ee uu wasiirka u ahaa iskugu daray gabay, goodi, faan, hanjabaad iyo dhaadasho.”

Hadalka madaxweyne Muuse Biixi ayaa banaanka soo dhigaya inuu wax ka ogaa codsiga ex madaxweyne Siilaanyo ee ku saabsanaa inuu is casilo, iyada oo hadalkiisana laga dhadhansan karo inuu arkayey sida loogu tagri falay awoodii madaxweynaha.

Iyada oo ay haatan taagan tahay dooda la xidhiidha talaabada laga qaadi karo cid kasta oo ka faa,iidaysatay awoodii madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu hayey xilka, ayey cadahay in madaxweyne Muuse uu ka war qabay ku tagri falka awoodii madaxweynaha, waxaanu ka mid noqon karaa dadka loo eedayn karo inay shacabka ka dadeen xil gudasho la,aanta madaxweynihii hore iyo ka faa,iidaysashada awoodiisii dastuuriga ahayd.

 


Hargeysa Online

· abdi on November 01 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired