Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Samafale lagu haystay Soomaaliya oo dalkeedii lagu celiyay.

Haweeney Talyaaniga u dhalatay oo gargaarka ka shaqeynaysay oo bishii Nofeembar 2018 lagu afduubtay gudaha waddanka Kenya, ayaa waxaa dib loogu celiyay dalkeeda hooyo.

 

Silvia Romano, oo ah 25-jir, ayaa markii ay Rome ka degtay waxaa hab siiyay waalidkeed iyo walaasheed, waxaana salaamay ra'iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, oo Sabtidii ku sugnaa meel u dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidammada sirdoonka Talyaaniga ayaa sheegay in xaqiijinta soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga.
Ma ay jirto cid sheegatay mas'uuliyadda afduubka gabadhaasi lagu kaxaystay 18 bilkood ka hor.

Bishii Janaayo 2019, ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen weerrar lagu qaaday hoteel iyo xafiisyo ku yaal caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen 21 qof.
Sidee looga falceliyay soo laabashada Silvia Romano?
Kaddib markii ay Axaddii ka dagtay garoonka diyaaradaha ee Ciampino ee magaalada Rome, ayaa Ms Romano waxa ay sheegtay inay "maskax iyo jir ahaanba" caafimaad dareemayso.

Waxaa la socday rag afka soo duubtay oo ka tirsan sirdoonka waddanka Talyaaniga.

Dhanka kale, Enzo oo dhalay Ms Romano ayaa sheegay inuu "farxad weyn dareemayo".

Waxaa la garaacay gambaleelka kaniisadda, dadkuna waxa ay ka mashxaradaynayeen barsooyinka magaalada Milano ee ay ka soo jeedo Ms Romano iyagoo dadkaasi u dabaaldegayay soo laabashadeeda.

Ms Romano, oo u shaqeynaysay hay'adda samafalka Talyaaniga ee Milele Onlus, ayaa rag hubaysan waxa ay sanadkii 2018 ka afduubteen hoteel ku yaal tuulo yar oo ka tirsan deegaanka Kilifi, ee koonfur bari waddanka Kenya.

Waxaa la rumaysnaa in markii dambe loo qaaday dhinacaas iyo Soomaaliya.

Booliska Kenya ayaa markii gabadhaasi la afduubtay waxa uu soo bandhigay abaalmarin gaaraysa $10,000 oo la siin doono ciddii gacan ka gaysta soo helista Ms Romano.

Taariikhda afduubka
Ms Romano ayaa aheyd ajnabigii ugu horreeyay ee gudaha Kenya lagu afduubto tan iyo 2011 markaas oo ay aad u badnaayeen afduubka taas oo halis galisay dhaqaalihii dalxiiska dalkaasi ka soo geli jiray.

Bishii Abriil 2019, laba dhakhtar oo u dhashay waddanka Cuba ayaa waxaa laga afduubtay waqooyi bari Kenya, waxaana la rumaysan yahay in dhinaca Soomaaliya loo kaxaystay.

Al-Shabaab ayaa waxaa loo malaynayaa inay mas'uul ka aheyd dilka nin British ah iyo afduubka xaaskiisa oo lagala tegay jasiirad lagu raaxaysto sanadkii 2011.

Todobaadyo kaddib, haweeney naafo ah oo u dhalatay waddakna Faransiiska ayaa waxaa laga kaxaystay gurigeeda oo ku yaal magaalada Lamu, waxaana markii dambe la soo tabiyay inay dhimatay intii afduubka loo haystay.

Laba nin oo samafalayaal Spain u dhashay ayaa isla sanadkaasi ay maleeshiyaad laga shakisanyahay inay jihaadiyiin yihiin ka afduubteen xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee ku taal meel u dhaw xadka Soomaaliya. Waxaa la soo daayay 21 bilood kaddib.


Hargeysa Online

· ifraax on May 12 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>