Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wiilasha Jamaal Khaashuqji 'oo cafiyey' kuwii dilay aabahood.

Wiilasha suxufigii rer Sacuudi ee la dilay Jamal Khaashuqji ayaa maanta sheegay “inay cafiyeen” kuwii dilay aabahood, hadalkaas oo taxliiliyayaasha ay ku macneeyeen mid si hubanti ah cafis ugu fidinaya shan qof oo lagu helay dilka, kuwaas oo iminka dil sugayaal ah.

Khaashquji, oo ahaa xog-ogaal ku dhow boqortooyada balse isu beddelay mid cambaareeya, ayaa lagu dilay kadibna jirkiisa lagu jarjaray gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, bishi October ee 2018, kiiskaas oo si weyn u dhaawacay sumcadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Cafiska qoyskiisa ayaa bad-baadin kara nolosha shan nin oo aan magacyadooda la sheegin oo bishii December 2019 dil toogasho loogu xukumay dilka Khaashuqji.

“Habeenkan barekeysan ee bisha Ramadan, haddii aan nahay wiilasha shahiid Jamaal Khaashuqji waxaan ku dhaawaaqeynaa inaan cafinay oo saamaxnay kuwii dilay aabaheen,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yiri Saalax Khaashuqji.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga weli kama aysan hadlin caqabadaha sharci ee ka dhalan kara hadalka Saalax, oo ku nool boqortooyada, kaasi oo beeniyey warar sheegaya inuu heshiis lacageed la galay dowladda.

“Waxa tani macnaheedu uu yahay ayaa ah in dilayaasha ay ka badbaadi doonaan ciqaabta dilka, maadaama shareecada Islaamka ay qeexeyso in qoyska ay leeyihiin xuquuqda cafiska,” waxaa sidaas qoraal twitter ku yiri Ali Shihabi, oo ah qoraa iyo taxliiliye Sacuudiyaan ah oo ku dhow boqortooyada.

Taxliiliye Nabel Nowairah ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka qoyska uu macnihiisu yahay “in dilayaasha aan la dili doonin”.

Saalax ayaa horey u sheegay inuu “kalsooni buuxda” ku qabo hanaanka cadaaladda Sacuudiga, wuxuuna cambaareeyey mucaarad uu sheegay inay ka faa’iideysanayaan kiiska.

Wargeyska Washington Post, oo uu Jamaal wax ku qori jiray, ayaa sanadkii tegay sheegay in qoyska Khaashuqji oo uu ku jiro Saalax, ay dowladda ka heleen guryo malaayiin dollar jooga, islamarkaana lacag tobanaan kun oo dollar ah ay siiyaan mas’uuliyiinta bil kasta.

Saalax ayaa ku gacan seeray warbixintaas, isaga oo beeniyey inuu wax heshiis lacageed kala hadlay dowladda Sacuudiga.

 

 
Hargeysa Online

· ifraax on May 22 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired