Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Farmaajo iyo madaxweyne Biixi oo ku kulmaya Djibouti.

Ilo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa Hargeysa Online u sheegay in wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka mid yihiin ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre, guddomiyaha baarlamaanka, wasiirka arrimaha dibedda iyo xubno kale ay maalinta berri ah tagayaan dalka Djibouti.


Waxaa iyana Djibouti isla berri tagaya madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha guurtida Somaliland, wasiirka arrimaha debedda iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaridka.Kulankan oo sida la sheegay ay fududeysay safaaradda Maraykanka ee Somaaliya ayaa madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya waxa uu furitaankiisa ku casuumay ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed, iyo wakiillo ka kala socda urur goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

Waxaan si rasmi ah loo ogeyn ajandaha labada dhinac ay kulankooda uga hadli doonaan, iyadoo uu shirkani imanayo xilli sida la sheegay uu jiro cadaadis madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi uga imanaya dowlado iyo dad ku lug leh arrimaha Soomaaliya.

In kastoo si kooban ay bishii February ee sanadkan Farmaajo iyo Biixi ugu kulmeen xafiiska ra’iisulwasaahara Ethiopia ee magaalada Addis Ababa, haddana kulanka Djibouti ee maalinta berri ah la qabanayo ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee madaxda sar-sare iyo ergooyin ka kala tirsan dowladda dhexe ee federaalka iyo Somaliland ay si fool ka fool ah u kulmaan, tan iyo markii Farmaajo iyo Biixi ay xilalka qabteen sanadkii 2017-kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in midnimadu ay tahay arrin muqaddas ah, halka Somaliland ay iyaduna ku doodayso in gooni-istigaadeedu uu yahay mid aanay gor-gortan ka gali doonin. 

Waxaan caddeyn sida labadaasi mowqif ee adag ay labada dhinac uga wada xaajoon doonaan ayna isaga soo dhowaan karaan, si xal looga gaaro arrimaha la isku hayo. Dadka siyaasadda rog-rogga ayaa sheegaya in ay raja abuureyso wada hadal toos ah oo dhex mara hogaamiyeyaasha dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, ayna taasi horseedi karto tanaasul yimaada si wadaxaajoodka loo sii ambaqaado.

Kulanka madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay yeelanayaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo sii gabaabsi yahay, iyo waliba waqti uu jiro khilaaf ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo ku aadan qaabka loo wajahayo doorasho ka dhacda Soomaaliya.

 

Hargeysa Online

· abdi on June 13 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired