Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dagal-Qabow oo dib uga curtay dalka shiinaha iyo somaliland labada garab la safatay.

Qoralkani waxaan doonaya in aan kaga hadlo xidhiidhka Somaliland iyo Taywan, iyo sida labada dhinacba uga faa’idi lahaayeen. Haddaba, inta aanan xidhiidhka Taywan iyo Somaliland ka hadlin, waa in aynu fahano waxa la isku hayo.


Boqortooyadii ugu danbaysay ee Shiinaha (Qing dynasty) waxaa la riday sanadkii 1912, dhidibada loo tagay jamuuhriyada Shiinaha (Republic of China), Sun Yat-Sen noqday madaxwaynihii ugu horeeyay. Haddaba, Sun Yat-Sen ayaa asaasay xusbiga KUOMINTANG (KMT), ee muda dheer ka talinayay Taywan.

Xisbiga KUOMINTANG wuxuu u kala jabay laba garab. Garab bidix oo casimadiisa ahayd WUHAN (magalada uu Covid-19 ka bilaabmay), oo dagaalo iyo isqab qabsi dhex dooda ah, ku burburay. Iyo garab midig oo madaxwayne u noqday Jan Ka-Sha (Chiang Kai-Shek) oo casimadiisu ahayd NANJING.

Haddaba, sanadkii 1927 ayaa dagaal sokeeya ka bilaabmay dalka Shiinaha. Dagaalkasi oo ka dhexeeyay jabhadii shuuciga ahayd ee Ciidanka-Cas (ama Red Army) oo uu hogaaminayay Mao Zedong iyo dawladii xisbiga KUOMINTANG ee dalkaasi ka talinaysay.

Sanadkii 1945, markii dagaalka labaad Jaban lagu jabiyay, ayaa waxaa lagu qasbay inay dhulkay qabsadeen oo dhan celiyan. Haddaba, dhulka ay qabsatay waxaa ka mid ahaa Jasiirada Taywan oo la odhan jiray Formosa, ooy 1895-kii boqortooyada Jaban ka qabsatay Shiinaha.

Mudadii dagaalka labaad socday ayuu hakaday dagaalkii sokeeyo ee Shiinuhu, lakiin waxuu sifiican u bilaabmay dagaalka labada ka dib. Jabhadii Mao Zedong waxay qabsadeen dhulkii ay dawladu ka talinaysay. Taasina waxay keentay in dawladasi Jan Ka-Sha, ay u wareegto jasiirada Taywan. Jabhadii Mao Zedong waxay samaysay dawlada ay u bixiyeen Jamuhriyada Dadka Shiinaha ama PRC (People’s Republic of China), waxayna ku dhawaaqeen in ay yihiin dawlada sharciga dal-waynaha Shiinaha iyo jasiirada Taywanba.

Haddaba, dalka Maraykanka iyo xulafadiisu waxay ictiraafsanaayeen dawlda Taywan. Halka isbaysiga Midawga Soofiyeetina Ictirafeen dawlada Mao Zedong. Haddaba, tani waxa ay ahayd bilawgii dagaalkii qobaaba ee la soo afjaray markii dawlada midawga Sofiyeet burburtay 1991.

Sanadihii ka horeeyay 1971, dawlada kursiga qaramada midoobay ku fadhiday waxay ahayd dawlada Taywan ama Jamuuriyada Shiinaha (ROC). Lakiin, sanadkaasi waxii ka danbeeyay dawlada dhul-waynaha Shiinaha ama Jamuuhriyada Dadka Shiinaha (PRC) ayaa la wareegtay kursiga.

Haddaba, Maraykanku sanadkii 1979 ayay Ictiraafeen u wareejiyay dawlada Shiinaha (PRC). Isla sanadkaasi, soo saaray sharci bud-dhig u ah xidhiidhka Taywan iyo Maraykanka oo la yidhaa ‘Taiwan Relations Act’, kaasi oo odhanaya: Haddii Shiinuhu isku dayo inuu ju-juub iyo qasab kula midawdo jasiirada (Taywan), taasi waxay khatar wayn ku tahay nabadgalyada Maraykanka.  

Mida kale, dawlada Maraykanku waxay hubka ay isku difaacdo ka iibisa Taywan, isla markana waxay ciidamada bada dalka Taywan la samaysa layli ciidan.

Sanadkii 1987 ayaa ugu horaysay markii dawlada Taywan u ogalaatay in dadka dhul-waynaha Shiinuhu ay dalxiis ku iman karaan Taywan, isla markan labada dawladeed ay samaysteen hay’ado ay ku wada xidhiidhan. Halka sanadkii 1992 ay si toosa labada dawladood iskula fadhiisteen, kuna heshiiyan axdiga loo yaqan ‘1992 Censensus’. Kaasi oo odhanaya in labada dhinac ay isla qataan in dalka Shiinuhu yeesho siyaasad kaliya (One China Policy), mustaqbalka ay midooban. Lakiin midkastaba waxaa uu aaminsanaa inuu isagu yahay dawlada sharciga ah.

Mida kale, intii ka horaysay 1990-yadii dawlada Taywan waxay ahayd mid xisbi kaliya KUOMINTANG (KMT) ka taliyo. Doorasho madaxtooyadu ugu horaysay ee dalka Taywan ka dhacday waxa la qabtay sanadkii 1996. Waxaana ku guulaystay xisbiga talada hayay ee KUOMINTANG (KMT). Lakiin 2000 ayaa waxaa doorashada ku guulaystay xisbiga dimuqradiga horu-socodka ama DDP (Democratic Progressive Party). Wakhtigana waa xisbiga ugu tageerada badan Taywan, doorashadii 2016 wuxuu si aqlabiyada ugu guulaystay doorashada. Haddaba, xusbiga DDP ma aaminsana axdiga 1992 ee odhanayay in dalka Shiinuhu siyaasad kaliya yeesho ama ’One China Policy’, mustaqbalkana ay midooban. Xisbigani waxuu aamin san yahay in Taywan tahay dal madaxbanaan, isla markana ayna rabin in ay cidkale xukunto, iyadana la xukumo.

Mida kale, december 1984 Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Margaret Thatcher iyo hogaamiyihii dhul-waynah Shiinaha Zhao Ziyang ayaa ku heshiis inuu Igiriisku Hong Kong u celiyo Shiinaha, marka wakhtigay kiraysteen ka dhamaato. Sida daradeed, ayaa dawlada Ingiriisku sanadkii 1997 Shiinaha ugu wareejisay Hong Kong. Waxay isku af-garteen in Hong-Kong 50 sanno is-maamul hoosad yeelato. Habkooda maamul iyo dhaqaale uu sii jiro. Tani oo loogu magac daray ‘Hal dawlada, laba maamul siyaasadeed’ ama “One Country, Two Systems”.

Dawlada Shiinu waxay ku dadaalaysay in ayna jabin axdigaasi, lakiin rajadii Hong-Kong waxay soo af-jarantay, markii dawlada Beijing u diiday in qaar ka mida musharaxiinta Hong-Kong ka qayb qaatan doorashada 2014. Taasina waxay Hong-Kong ka abuurtay mudaharaado laga soo horjeedo maamulka Beijing, oo maaliba maalinta ka sii danbaysa sii xoogaysanay.

Dhacdadani waxay soo af-jartay rajadii midawga Taywan iyo dal-waynaha Shiinaha. Teeda kale, Xusbiga DDP waxay markasta ku doodayeen in aan dawlada Beijing la aamini karin. Dadka Taywana waxay yaqiinsadeen in ay ku saxsan. Xusbiguna taagero badan ayuu sidaa ku kasbadeen.

Haddaba, mar labaad ayaa dagaanka Shiinaha ka curtay dagaal-qabaw. Somaliland labada dhinac ee is-haya, dhinac ayay la safteen.

Haddaba, su’aashu waxay tahay. Maxay dawlada Beijing uga cabsi qabtaa madaxbanaan Taywan?

Dalka Taywan waa dal dimuqradiya oo dadkiisu Jayniis yihiin, ra’yigoogana si xora u cabiri karaan, si xorana u-dooran kara dadka hogaaminaya. Isla markana, waa dal dhaqaalihiisu si xawliya u socdo.

Halka dalka Shiinaha oo dadkiisu Jayniis yihiin, uu hogaamiyo kaligii taliye, isku cumaamaday madaxwayne inta uu nool yahay. Marka, dawlada Beijing waxay ka cabsi qabtaa in dadkoodu codsadaan dimuqradiyada, iyo xoriyada ay haystan dadka Taywan oo kale. Taasi ayay dawlada Beijing uga soo horjeedaa madax banana Taywan iyo waliba is maamulka Hong-Kong.

Dagaalka waxaa isku haya laba dhinac oo kala ah; Dhinac dalalkooda ka jiro xoriyatul qawl iyo dimuqradiyada oo uu hormood u yahay dalka Marykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka. Iyo dhinaca kale, oo ka soo horjeeda xoriyatul qawlka iyo dimuqradiyada oo uu hormood u yahay dalka Shiinaha, iyo Ruushku.

Haddaba, Somaliland waxay la safatay dhinaca dalalka dimuqradiyada, xagay Somalia la safatay dhinaca dawladaha kaligii taliska ah, sida Shiinaha.

Xidhiidhka Somaliland iyo Taywan wuxuu guulaysan karaa oo kaliya marka labada dhinacba ay guulaystan ama xaaladu tahay Win-Win. Hadddaba, faa’iida waxaa loo kala qaadi karaa laba. Mid siyaasada, iyo mid dhaqaale.

Mida siyaasada, Taywan iyo Somaliland waa laba dal oo Ictiraaf Calamiya radinaya. Taywan inay Ictiraaf hesho way adag tahay, oo waxaa hortagan dawlada Shiinaha. Lakiin Somaliland waa dal Ictiraaf hore u haystay oo midnimo aan sharci ku dhisnayn galay. Dadkiisu go’aansadeen in ayna la midoobin Somalia.

Mida kale, Ictiraaf Somaliland heshaa Somaliland oo kaliya faa’iido uma aha. Lakiin waxay kale oo faa’ido u tahay Taywan. Waayo Taywan waxaay doonaysaa in ay hesho dalal la Ictiraafsan yahay oo ku soo biira dalalka iyada tageersan, khasatan dalal qarada Afrika.

Dawlada Shiinuhu wuxuu awood dhaqaale galiyay siddii dalalka Afriki ayna Taywan ula macaamili lahayn, una Ictiraafi lahayn. Teeda kale, Somaliland waxay ku talaa Geeska Afrika iyo marin biyood bada cas/cad oo aad ugu mihiima dalalka dhaqaalahoodu ku xidhan yahay wax soo saarka, sida Taywan oo kale. Isla markana, waa gobalka uu ku yaalo saldhiga kaliya ciidanka Shiinuhu leeyahay ee dalkiisa ka baxasan.

Xaga dhaqaalaha, Taywan waxay Somaliland ka cawinaysa kabayaasha dhaqaalaha. Haddaba, waxa mihiima in ay Somaliland ayna baryo ula tagin ee qorshe ula tagto.

Gaba gabadii, xidhiidka aynu Taywan la samaynay faa’iido badan ayuu inoo yeelan doona, waayo marnaba dalka Shiinaha inama tageerayo. Mana hor istaagi karo dalalka garabkiisa ahayn inay Somaliland Ictiraafan. Teeda kale, Ictiraaf radinta mudo 30 sano ayaynu ku kaliyaysanay, lakiin iminka xulafo calamka saamayn wayn ku leh ayaa inala raadinaysa. Taasina waxaa tusaale u ah markiiba dawlada Maraykanka way soo dhaweeyay xidhiidhka Somaliland iyo Taywan.

Teeda kale, Farmaje in badan ayuu doonaya in albaabada inaga soo xidhan. Lakiin manta isaga ayaa bad-wayn dabaalanaya. Dalka Shiinaha wuxuu siiyay bada Somalia, iminkana si indho la’aana ayuu ula saftay. Dalka Maraykanu waa dalka cawimada ugu badan siiya dawladiis. Tani waxay markhati u tahay in siyaasadiisa arimaha dibada ee Farmaje iyo dawladiisu inay tahay maxaad aniga I dhiibaysaa.

SOMALILAND HA NOOLATO !!!!

OMAR A. YOUSUF

Omaryousuf455@gmail.com

WWW.DANQARAN.COM

 

· ifraax on July 19 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>