Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Joe Biden oo ku Guuleystay Madaxtinimada Mareykanka.

Musharraxii xisbiga Dimuquraadiga, Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden, ayaa loo saadaaliyay inuu ku guuleysanayo doorashada Madaxtinimada Mareykanka ee talaadadii ay dadweynuhu u dareereen.


Biden ayaa noqonaya madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka, ka dib markii uu ku guuleystay gobolka uu ku dhashay ee Pennsylvania, halkaas oo uu helay 20 cod ergo oo uu u baahnaa si uu u gaaro 270 ka cod ergo ee uu u baahan yahay qofka madaxweyne ka noqonaya dalkan Mareykanka, xitaa haddii lagaga badiyo codadka guud ee dadweynaha.

Ka hor inta uusan noqon murashaxa Dimuquraadiga, Mr. Biden waxa u uku-xigeen u soo noqday Madaxweynihii hore Barack Obama oo uu sideed sano xilkaasi hayay. Sidoo kale waxa uu soo noqday Senatarkii ugu mudada dheeraa ee ka soo gala gobolka Delaware oo uu ku fadhiyay 36 sanadood.

Waxa uu ku dhashay magaalada Scranton ee gobolka Pennsylvania, sanadkii 1942-kii intii uu socday dagaalkii labaad ee aduunka.

Waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu da’a weynaa taariikhda Mareykanka, 20-ka bishan ayuuna noqonayaa 78 jir.

Madaxweynihii ugu da’ada weynaa ee Mareykanka waxa uu ahaa Ronald Reagan, oo ahaa 77 jir ka hor inta uusan xafiiska ka tagin sanadkii 1989-kii.

Isagoo ka jawaabay markii guushiisa la saadaaliyay ayuu fariin uu Twitter-ka soo dhigay ku yiri “Waxaa Sharaf ii ah inaad ii doorateen inaan hogaamiyo dalkeena sharafta badan.”

Guusha Biden ayaa ka dhigeysa Madaxweyne Trump, madaxweynihii sadexaad ee afartankii sanadood ee la soo dhaafay ku guul dareysta in dib loo soo doorto.

Waxaa la caleema saarayaa Mr. Biden bisha January ee sanadka soo socda, markaa oo uu la wareegi doono Xafiiska Madaxweynaha ee Aqalka Cad.

Waxaa kaloo guushan la wadaaga, haweeneyda uu ku xigeenka u doortay Senator Kamala Harris, oo iyadu dhigeysa taariikh ah in ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee Madaxweyne ku xigeen loo doorto, taariikhda Mareykanka ee 244 sana jirka ah.

 

Hargeysa Online

 

· abdi on November 08 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired