Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Yaa ka mas uul ahaa duulaankii lagu xasuuqay ISAAQ , maxayse ahayd sababta loogu duulay?

 

Duullaankii lagu xasuuqay dadka Isaaqa waxaa qaaday oo ka mas’uul ahaa Beesha Daarood oo xilligaas haysay daabka mindida dawladnimada Somaliyeed oo uu madax u ahaa kelitaliye Moxamed Siyaad Barre.

Dagaallada duullaanka oo socday intii u dhaxaysay 1984-1990 waxaa lagu galay dembiyo culus iyo xad-gudubyo ka baxsanaa Islaamnimada, Insaaniyadda iyo Somalinimada kuwaas oo kala ahaa: Gummaad isir-beegsi ku salaysnaa nacayb qabiil, dil, magaalooyin burburin, boob, kufsi, xadhig, barakicin, dhul-sheegasho iwm iyada oo shacabka loo adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwanaa sida: Diyaaradaha dagaalka, BMKA, madaafiicda goobta, taangiyada, miinooyinka iwm.

Sababta duullaanka loogu qaaday Isaaqa waxay ahayd Beeshii Daarood ee dalka xukumaysay isna siisay dawladnimada ayaa dadka Isaaqa u aragtay inay halis ku ahaayeen dawladnimo ay aaminsanaayeen in iyagu lahaayeen.
Duullaanka waxaa Muqdisho si joogto ah oo gaar ah uga hoggaaminayay kelitaliye Moxamed Siyaad Barre oo ahaa madaxweyne, Adan Gabyow oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga, isku beelna ahaayeen Siyaad Barre, iyo Ahmed Saleemaan Dafle oo ahaa wasiirkii arrimaha Gudaha oo uu Siyaad Barre soddog u ahaa isla markaana ay isku beel ahaayeen. Intii dagaalku socday waxaa gobolladii Waqooyi maamulayey, dagaalkana hoggaaminayay Moxamed Xaashi Gaanni, Moxamed Saciid Morgan iyo Siyaad Daawuud oo intaba ay isku beel ahaayeen Kelitaliye Siyaad Barre.


Taliyayaashii qaybaha, gaasaska, guutooyinka, ururada, duuliyayaashii diyaaradaha dagaalka, guddoomiyayaashii gobollada iyo degmooyinka ee Gobollada Waqooyi, agaasimayaashii hay’adaha dawladda, saraakiishii nabad-sugidda iwm ee gummaadka ka qaybgalay waxay 90% ahaayeen beesha kelitaliye Siyaad Barre, kuwaas oo markii horeba si gaar ah loo geeyay gobollada iyo degmooyinka Isaaqa si ay u cabbudhiyaan shacabka uguna sandulleeyaan kelitalisnimada qabiilka ee ay u joogeen ilaalintiisa iyo difaaciisa. Markii dagaalku xoogaystay waxaa la soo bedalay intii badnayd saraakiishii ciidamada, in yar oo taliska u daacad ahayd mooyee sida Caweys Geedow, iyo mas’uuliyiintii beelaha kale ee Somaliyeed, inkasta oo aanay markii horeba badnayn, sababta oo ahayd waa lagu aaminiwaayay fulinta xasuuqa Isaaqa si loo difaaco loona ilaaliyo xukunka qabiilka.
Warqaddii Geerida ee uu Moxamed Saciid Morgan qoray January 23, 1987 kuna saabsanayd sidii dadka Isaaqa loo tirtirilahaa, dhulkoodana si tartiib-tartiib ah loogu wareejinlahaa waxa uu dembiile Morgan ku tilmaamay “dadka ehelka u ah Kacaanka”. Warqadaas Geerida wuxuu Moxamed Saciid Morgan si sir ah ugu diray kelitaliye Siyaad Barre, Adan Gabyow iyo Ahmed Saleemaan Dafle si aan Somalida kale u ogaan qorshaha isir-beegsiga dadka Isaaqa, beena loogu dagaalgeliyo. Waxay ahayd “SIR CULUS” oo loogu talagalay dhagar-qabayaashii hoggaaminayay dagaalkii isir-beegsiga:
________________________________________________
ISAAQ GENOCIDE
[FROM WIKIPEDIA, THE FREE ENCYCLOPEDIA]
Isaaq genocide (Somali: Xasuuqii beesha Isaaq, Arabic: الإبادة الجماعية لقبيلة إسحاق‎) or Hargeisa holocaust was the systematic, state-sponsored massacre of Isaaq civilians between 1987 and 1989 by the Somali Democratic Republic under the dictatorship of Siad Barre.
The number of civilian deaths in this massacre is estimated to be between 50,000 and 100,000, according to various sources whilst local reports estimate the total civilian deaths to be upwards of 200,000 Isaaq civilians. The genocide also included the levelling and complete destruction of the second and third largest cities in the Somali Republic, Hargeisa (which was 90 percent destroyed) and Burao (70 per cent destroyed), respectively and had caused up to 500,000 Somalis (primarily of the Isaaq clan) to flee their land and cross the border to Hartasheikh in Ethiopia as refugees in what was described as "one of the fastest and largest forced movements of people recorded in Africa", which resulted in the creation of the world's largest refugee camp then (1988) with another 400,000 being displaced. The scale of destruction led to Hargeisa being known as the 'Dresden of Africa'. The killings happened during the Somali Civil War and have been referred to as a "forgotten genocide".
In the countryside, the persecution of Isaaq included the creation of a mechanised section of the Somali Armed Forces called Dabar Goynta Isaaqa (The Isaaq Exterminators) consisting entirely of non-Isaaqs (mainly Ogaden); this unit conducted a "systematic pattern of attacks against unarmed, civilian villages, watering points and grazing areas of northern Somalia [Somaliland], killing many of their residents and forcing survivors to flee for safety to remote areas". This resulted in entire villages being depopulated and towns getting plundered. Rape was also used as a weapon against Isaaqs. Human Rights Watch states that this unit, along with other branches of the military, were responsible for terrorising Isaaq nomads in the countryside. Dabar Goynta Isaaqa would later turn into a system of governance where local officials would put the most hard-line policies into effect against the local Isaaq population. The Somali government also planted one million land mines within Isaaq territory.
Based on the totality of evidence collected in Somaliland and elsewhere both during and after his mission, the consultant firmly believes that the crime of genocide was conceived, planned and perpetrated by the Somali Government against the Isaaq people of northern Somalia between 1987 and 1989.
___________________________________________________
Sida aan wada ogsoonahay, marka dawladnimada lagu dhiso tolnimo iyo qabiil sidii Taliskii Siyaad Barre waxay horseedaa kelitalisnimo iyo dulmi laga dhaxlo dagaal sokeeye oo ka dhasha cadho iyo ciil biira maadaama wixii la wada lahaa inta qabiil xoogo kula kaco ummadda inteeda kale dulmi iyo tacadiyo. Dulmi waxaa uu keenaa diidmo shacab, diidmo shacabna waxay keentaa dagaal sokeeye oo lagu hoobto. Sababta Isaaq loogu duulay waxay ahayd oo keliya waxay ka soo horjeedeen dulmigii Xukunkii Mareexaan iyo tolkooda guud. Markaas, sidii dhacday, dhiigoodu, maalkoodu, xoolahoodu, cirdigoodu iwm waa xalaal, dhulkooduna waa xalaal in la hawaysto in la qaybsado. Somali badan iyo Abow ayaa lagu kiciyay been si ay wax uga xasuuqaan Isaaqa iyada oo ujeedada dagaalka ee dhabta ah laga qarinayo.
HALGANKII HUBAYSNAA EE SNM waxaa dhalashadiisa sabab u ahaa oo ay ka dhiidhiyeen ummad lagula kacay: Dulmi iyo cadaaladarro muddo dabadeedna lagu qaaday duullaan loogu geystay gummaad isir-beegsi ku salaysan nacayb, dil, boob, burburin hantida gaarka ah iyo midda guudba, kufsi, xadhig, barakicin, dhul-sheegasho iwm markii ay diideen dulmiga iyo cadaalad-xumada dalka ka taagnayd iyagana si gaar ah loogu hayay. Tacadiyada iyo burburka dadkaas loo geystay xataa kuma samayn gumaysigii cadaa ee Ingiriiska.
Wixii ka dambeeyay 1975, kelitaliye Moxamed Siyaad Barre waxaa uu bilaabay inuu tartiib-tartiib xukunka dalka gacanta ugu gesho beeshiisa guud oo dawladnimadii dadka ka dhaxaysay uu ku koriyo qabiilkiisa gaarka ah iyo ka guudba siiba xagga shaqada, hantida, deeqaha waxbarashada, tababarada ciidamada, darajada (ciidan iyo rayidba), jagooyinka, mashaariicda dalka, safiirada, qunsulada iwm, dadka beelaha kalena ka safeeyo dawladnimada. Dawladnimadii waxay noqotay “DAWLADDA TOLKA.”
Siyaad Barre waxaa uu dalka u soo raray dadkii ay isku qabiilka ahaayeen ee degaan Gobolka Somali Galbeed iyo NFD waxaanu iyaga oo dalka qaxooti ku ahaa ka dhigay saraakiil qabsatay dawladnimadii ka dhaxaysay Somaliland iyo Somalia. Qaxootigii ayaa dalka qabsaday, muwaadinkiina waxaa laga dhigay qaxooti aan waxba faraha ku hayn. Dadkaas wadanka loo soo raray waxay qaybweyn ka qaateen tacadiyadii iyo xad-gudubyadii loo geystay dadka Isaaqa iyo gobolada dhexe ee Somalia iyaga oo talisku ka dhaadhiciyay inay difaacayaan xukunka tolka.
Waxaa dhacday wixii ka dambeeyay 1980 in saraakiishii beelaha kale ee Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia laga dhigo buul suuqyada wareega ama lagu maaweeliyo shaqooyin aan macno lahayn, saraakiishii qabiilka Siyaad Barrena loo dedajiyo dallacaada ciidamada lana siiyo janano badan oo aanay u qalmin beel ahaan. Xataa madaxdii beelaha kale ee ku jirtay Guddiga Siyaasadda, Golaha Sare ee Kacaanka iyo wasiiradda waa laga qaaday awoodii waxaana ka awood badnaa askariga Mareexaan. Dulmiga intaas le’eg ayaa dadka Isaaqu diiday dabadeedna xukunkii Daarood ku qaaday duullaan si loo tirtiro maadaama ay ka soo horjeesteen xukunkii qabiilkooda.
Dadka Daaroodka ah marka ay ka sheekaynayaan Taliskii Siyaad Barre waxay yidhaahdaan dawladii Siyaad Barre waxay ahayd dawlad Somaliyeed oo wanaagsan waxaana burburiyay SNM iyo USC iyaga oo qarinaya inuu ahaa xukun qabiil oo boobay dawladnimadii ka dhaxaysay dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadii Somalia muddo 21 sanadood ah (October 21, 1969-January 27, 1991) loona bixiyay KACAAN lagu majarahabaabiyay Somalida isla markaana galay xad-gudubyo iyo tacadiyo aan hore u soo marin taariikhda Somalida.
Dadka qaar ayaa ku dooda in SNM markii horeba rabtay in la kala gooyo dalka. Arrintaas waa been 100%. Dadka Somaliland oo awalba lagula kacay duudsi qaybtii ay ku lahaayeen dawladnimadii Somalia ee midowga laga soo bilaabo 1960 dabadeedna lagu duulay loona geystay dhibaatooyin laxaad, ayaa markii SNM qabsatay Gobolladii Waqooyi waxay muddo 5 bilood ah sugayeen in Somaliland iyo Somalia isu yimaadaan, dawlad wadaag ahna wada dhistaan. Waxaa dhacday in iyada oo aan weli la kulmin uu AUN Cali Mahdi Moxamed ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Somalia bishii January 26, 1991 isaga oo aan wax tixgelin ah siin madaxdii SNM, siyaasiyiintii iyo madaxdii dhaqanka ee Gobolladii Waqooyi, kuna magacaabay Cumar Carte Qaalib Ra’iisal Wasaare oo aan matalin Gobolladii Waqooyi balse la rabay in dadka lagu majarahabaabiyo.
Somalia oo boobtay dawladii wadaaga mudadii ahayd 30 sano ee Israaca (1960-1991) si weyna u duudsiday saamigii Gobollada Waqooyi, dagaal weyna lagu qaaday oo loo geystay xad-gudubyo waaweyn ayaa haddana boobtay dawladnimadii oo Cali Mahdi Moxamed sheegtay madaxweyne aan cidna la tashan. Markaas dadkii Gobollada Waqooyi waxay arkeen in haddii maantana Somalia ku kacday dawlad boob aanay meesha ka soo socon rajo iyo dawlad la wadaago. Sidaas daraadeed, ummadda Gobolladii Waqooyi waxay go’aan ku gaadhay inay dawladnimadoodii kala soo noqdaan Somalia bishii May 18, 1991.
Nasiib wanaag, beelaha Somaliland waa ka heshiiyeen cadaawadii lagu dhexbeeray waana iska cafiyeen si buuxda. Waxay si wadajir ah ula soo noqdeen dawladnimadoodii bishii May 18, 1991. Dadku waxay heshiiyaan marka runta laga sheego taariikhda oo laga fogaado beenta iyo munaafaqnimada lagu qariyo dembiyo dhacay lagana been sheego sababta ay u dhaceen. Anigu waxaanu ehel nahay oo is-dhalnay dad badan oo Daarood ah, damiirkayguna isiin maayo inaan wax ka sheego ama xumeeyo ama qofna waxyeeleeyo. Waxaa keliya oo maqaalku ka hadlayaa waa dawladnimo Somaliyeed oo dadkii ka mas’uulka ahaa intay qaab qabiil u majarahabaabiyeen una maamuleen ku geysteen dembiyo culus oo horseeday dagaallo sokeeye oo aan qabiilna ka badbaadin.

Ibrahim Hassan Gagale

 

· ifraax on January 28 2022 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired