Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Biixi Ma waxaanu u dagaalanay in aanu hogaamiyayaal noqono?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay su'aalo la xidhiidha nabada, dhaqaalaha iyo dimuquraadiyada oo lagu waydiiyay shirka caalamiga ah ee nabada iyo dowlad dhiska Afrika oo Hargaysa ka soconaya maalintii labaad.

 

 

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay sida ay ku suurogashay maalgashiga balaadhan ee Waddanka Imaraatku ku sameeyay Dekedda Berbera, ayaa ku jawaabay in nabada iyo wadajirka bulsho ee Somaliland ka jira ay soo jiidatay in dhaga maalgashadayaasha.

"Dadka Somaliland waxay aaminsanyihiin in nabadu ay tahay muhiimadooda kowaad, markaa taas ayaa soo jiidatay dowlado badan iyo hay'ado, in ay na aaminaan oo ayna maal gashadaan, mashruuca Berbera wuxuu tusaale u yahay nabada iyo is aaminaada ka dhexaysa umada Somaliland" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay sida uu u malaynayo in ay Somaliland aqoonsi ku gaadhi karto, ayaa sheegay in guddaha oo la hagaajiyaa ay keeni doonto aqoonsi caalami ah.

"Waxaanu aaminsanahay in aqoonsiga lagu gaadhi karo guddaha oo la hagaajiyo, maaha dibadda, ma rajaynayno in dowladi iska tidhaahdo waanu aqoonsanaynaa Somaliland, waxaanu aaminsanayay in aanu gurigayaga nadiifino marka hore, oo aanu adduunka tusno in Somaliland la aamini karo, oo lala shaqayn karo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Biixi oo wax laga waydiiyay hadii Somaliland ay tusaale u noqon karto dowlada Soomaaliya, ayaa ku jawaabay "Waxaanu rajaynaynaa in aanu Soomaalida oo kali ah maahee, aanu badanka waddamada Afrika tusaale u noqono, haday noqoto siyaasada, dhaqanka, dhaqaalaha iyo nabada".

Heesaaga caan ka ah ee reer Uganda, ahna hogaamiyaha mucaaradka dalkaa Robert Kyagulanyi Ssentamu ee loo garan ogyahay Bobi Wine, oo kamid ah ergada shirka lagu soo casuumay, ayaa Biixi waydiiyay, sababta keentay in SNM xukunka gacmaha shacabka ku celiso, madaama inta badan hogaamiyayaasha xoriyadu ay marka ay xukunka qabtaan xoog ku haystaan sida Yoweri Museveniga Uganda.

Maxweyanaha oo su'aashan ka jawaabay, ayaa yidhi "Ka hogaamiyayaashi SNM ahaan, xeerkayaga kowaad waxa uu ahaa, in aanu u halgamayno xornimo, oo aanu la dagaalamayno hogaamiye macangag ah, waxaan nidhi maxaynu u dagaalamaynaa? Ma in dadku mustaqbalkooda iyagu go'aan ka gaadhaan mise in aynu noqono hogaamiyayaal" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Intan kumay koobnayn su'aalaha la waydiiya madaxweynaha Somaliland, lakiin waxay ahaayeen kuwii ugu mudnaa ee madaxweynaha ay waydiiyeen ergada ka qayb galaysa shirka nabada iyo dowlad dhiska Afrika oo uu soo qaban qaabiyay machadka  laga leeyahay Koonfur Afrika ee The BRENTHURST Foundation ee uu hoggaamiyo Dr. Greg Mills.

 

Hargeysa Online

· abdi on June 06 2022 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>