Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Mareykanka oo $10 milyan dul dhigay Macallin Ayman oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.


Ballan-qaadkan oo lagu soo saaray Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa sidoo kale abaal-marin doona cid kasta oo keenta xog ku saabsan shaqsi kasta, oo ku lug lahaa, isku dayey, wax ka shiqroolay, gacan ka gaystan ama isku dayey inuu maleego fulinta weerarkii argagixiso ee Janaayo 5, 2020 lagu qadaay shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee saldhigga Manda Bay Airfield ee dalka Kenya.

Macallin Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixintan. Waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020.

Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224.

Weerarkan oo dhacay aroor hore, ayaa argagixisada Al-Shabaab waxay ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaacca Mareykanka, ayaga oo sidoo kalena dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale.

Muuqaal xigay weerararka, ayaa afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab uu ku sheegtay mas’uuliyadda.

Saldhigga Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada difaaca Kenya, oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka si ay tababaro iyo taageero ka-hortag argagixiso u siiyaan saaxiibadooda Bariga Afrika, ugana jawaabaan xasaradaha, una ilaaliyaan danaha Mareykanka ee gobolka.

Al-Shabaab oo fadhiggeedu yahay Bariga Afrika, waa mid ka mid ah kooxaha ugu halista badan ee ku xiran Al-Qaacida, waxaana ay mas’uul ka tahay weeraro argagixiso oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah.

Kooxdan argagixisada ah ayaa sii wadda qorshaynta iyo shirqoolid ay ku doonayso inay ku geysato falal argagixiso oo ka dhan ah Maraykanka, danaha Maraykanka iyo saaxiibada shisheeye.

 

Hargeysa Online

· abdi on January 08 2023 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired