Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo: “Way Fulisay Ballantii ay la Gashay Dhallinyarada Jam. Somaliland”

Hoggaamiye Magac, Maamuus iyo Miisaanba ku leh Gobolka Geeska Afrika

 

1.     Kacaan Dhalinyaro oo Dimuqraadi ah:

 

“Adeer weli waad da’ yartehee siyaasadda ha ku mil-min! Wax baro ama shaqo haya’dahaa ka raadso! Adeer siyaasaddu ma fiicnee waqtigaaga iyo mustaqbalkaaga ha isaga luminin!!” Waa jawaabaha ka fiirsasho la’aan diyaarka ahaa ee badaanaba dhegehiisa ku soo dhici jiray; qofka kasta oo dhallinyaro ah oo leh han iyo hammi siyaasadeed, oo qof isaga ka weyn iyo waayeel uu biday waayo-aragnimo iyo wax-aqoon ugu tagay wax-weydiin ogaal iyo su’aalo la xidhiidha xagga siyaasadda.

 

Isbeddelku maaha Xukuumad bedesha Xukuumad kale. Madaxweyne iyo Wasiirradiisa oo Xilka, Xafiiska, Guriga iyo Gaadhigaba ka tirsada kuwii ka horreeyey!

Sidaan aaminsanahay, Isbeddelka dhabta ahi waa ka rumaynta himilada, hiigsiga iyo hanka ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo ay dhallinyaradu horseed ka yihiin. Isbeddelka dhabta ahi waa kii siiya Rejo,Yididiilo iyo Cod qaybo bulshada ka mid ah oo aan Codkooda hore loo maqli jirin.

 

Ka hor Xukuumaddda M/weyne Ahmed Silanyo, waxay ahayd ma dhacdo iyo arrin aan laba haweysan karin in dhallinyaradu ay si muuqata uga qayb qaataan siyaasadda. Talada dalka oo ay ka qayb galaan hadalkeedba daaye! Dhinaca kale, dhallinyarada Jam. Somaliland way ka rejo dhigeen, haabkana kumay hayn inay beryahan iyo beryahan wax fursad ah u heli doonaan inay xisbiyo iyo ururro siyaasadeed ka qayb qataan, iska soo sharixi karaan amaba loo dooran doono inay qabtaan xil bulsho oo culus oo distoori ah, sida mudane Golaha Sharci Dejinta Degaanka.

 

In ay dhallinyaradu talada dalka qayb weyn ku yeeshaan, oo ay heer kasta oo maamulka dawliga ah ka muuqdaan, waa ballan-qaadyadii ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo iyo Xisbul Xaakimkuba ku ballan qaadeen, taasoo ay si xurmo iyo xarragoba leh u fuliyeen. Xukuumaddu waxay suurto gelisay arrin mucjiso ku ah Qaaradda Afrika iyo Dunida kaleba. Waxay suurto-gelisay inuu dhasho Kacaan Dhalinyaro oo ku yimid Dimuqraadiyad iyo rabitaanka shacabka. Waxaa nasiib wanaag iyo wax aad loogu farxoba ah waaga-cusub ee u beryey Dhallinyarada reer Somaliland eek u nool dhammaanba Gobollada iyo Degmooyinka Jam. Somaliland, run ahaantiina waxaa ka dhacay dalka oo dhan isbeddel dhab ah oo la taaban karo. Inta taariikhda la ogyahay, mar haddii ay masuuliyiintii ugu da’da yaraa ee soo mara taariikhda Jam. Somaliland ay maantaba talada Gobollada iyo Degmooyinka dalka kula wareegeen cod iyo kalsooni ay ka heleen shacabkooda, miyaanu dhicin isbeddel la yaab leh oo taariikhda Afrika ku cusub!!

 

Waxaan kula dar-daarmayaa Mudanayaasha da’da yar ee loo doortay inay daadihiyaan caasimadaha gobollada iyo degmooyinka dalka, Xilku waa masuuliyad Rabbi iyo Ummaddiisuba idinkala xisaabtamayaan, waxaa idin sugaya xil iyo masuuliyad culus, waxaa idin horyaalla hawl iyo carqalado ay adagtahay in dhawr sano wax lagag qabto.

Waxaa la idinka dhex-doortay gobollo iyo degmooyin siyaasadda iyo dhaqaalahaba ku kala duwan oo ku kala qaybsan. Isku daya inaad midaysaan golaha, dabadeedna hawl iyo wax qabad dhab ah ummadda u soo ban-dhigtaan. La idiinkama fadhiyo is urursigii, ku jiqsii iyo kanaa kula ujeeddo ah ee afka u buuxi 10-ka sano dalka la hadhay. Danta Qofka, ta Kooxda iyo ta Qabiilkaba waxaa ka horraysa oo mudnaanta kowaad leh ta Qaranka JSL ee aad kitaabka ugu dhaarateen. ALLAH waxaan idiinka baryayaa inuu idinku guuleeyo hawsha la idiin doortay ee aad u dhaarateen.

 

2.     Danta Qarankaa ka weyn dan uu Qof ama Qabiil leeyahay!

Jam. Somaliland waa dal curdin ah oo weli dedaal dheer ugu jira sidii uu u heli lahaa aqoonsi iyo ictiraaf, beesha caalamkana uga mid noqon lahaa. Wuxuu ku yaallaa Gobol ay xasaraduhu ku badan yihiin oo aan laga sii saadaalin karin xaaladdiisa nabad-gelyo iyo ta siyaasadeedba, isla markaana ay ku gedaaman yihiin colaado iyo khataro joogto ah. Muddo ah 21 sano iyo badh ayey ummadda Jam. Somaliland ku naaloonayeen nabad, deggenaansho, horumar iyo dimuqraadiyad. Arrimahan waxaa saldhig u ahaa wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee ummadda oo loo tudho iyo weliba ta ugu muhiimsan oo ahayd sida ay siyaasiyiinta u dhashay Somaliland hankooda iyo damacooda siyaasadeedba ugaga tanaasulayey halka ay danta ummaddoodu ku jirto. Waa arrin aad u qiimo badan, RABBI-na loogu mahad-naqo ummaddeenuna ay ku faani karto.

 

Ummadda JSL si weyn ayey uga dheregsan yihiin duruufaha ay xukuumaddani ku bilowday, carqaladaha ay ka soo gudubtay iyo halka maanta uu dalkeenu hiigsanayo. Wadajirka iyo is-fahanka Bulshada waxaa saldhig u ah; in la qiro oo la isku bogaadiyo wixii wanaag iyo horumar soo kordha isla markaana laga garaabo lana saxo wixii laga gaabiyo, caddaalad-darro ama hagar ah ee jira, waana calaamadaha ilbaxnimo ee ummad lagu tilmaansan karo. Qof ay xinka iyo xaasidnimadu indho-tireen oo aan wanaagga iyo horumarka ummadda indhihiisu arkayn; iyo qof jiritaanka Jam. Somaliland cadow ku ah mooyee, horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo muddadaa kooban ku tallaabsatay ka weyn wax la qariyo oo la iska indho-tiro.

 

Ummadda JSL way ka daaleen dibin-daabyo, darxumo iyo dhib intaba. Waxayna dedaal dheer u soo galeen inay helaan: Degenaansho, Dugsi iyo Nabad, Dhisme Dawladnimo, Distoor lagu dhaqmo iyo Dimoqraadiyad, Hoggaamiye daacad ah oo ummadda daadihiya, maamulka isku-dubarrida oo dhaqaalahana daryeela. Dedaalkaa midaysan ee horu-marinta dalka hooyo ee rag iyo dumarba loo guntaday, ma aha mid u baaqanaya ama ay hor istaagi garaan Cadawga Jam. Somaliland ee Gudaha iyo Dibedda iyo shakhsiyaad iyagu dan gaar ah leh, oo iyagu intaa been iyo dacaayad aan sal iyo raad toona lahayn dunida ku faafinaya.

 

Guntii iyo Geba-gebadii; Mudane Madaxweyne Ahmed M. M. Silanyo Waa Hoggaamiye magac, maamuus iyo miisaanba ku leh Gobolka Geeska Afrika. Waa Hoggaamiye Dulqaad, Dedaal wacan, Daacadnimo Sugan iyo Talo-wadaagba leh. Isagayna ummaddeenu u dooratay inuu daadeheeyo dalka iyo dadkaba. Waxaa loo baahan yahay in Xukuumaddiisa lala shaqeeyo oo aynu garab is-taagno dedaalka uu ku jiro. Wixii dhalliil ah ee jira ama ay Xukuumaddiisu ka gaabiso waa inaynu si quman oo toosin iyo dal-dhisba leh ugu sheegno.   

Xaasha! Inagamana Mudna Aflegaado, Xumaan iyo Xag-xagasho Mindaba!!

 

Wa BILAAHI Tawfiiq

 

By: |Eng. Hussein Adan Igeh| |Hussein Deyr||UK|

· xaaji on December 28 2012 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>