Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Ahmed M.M. Silanyo: “Waa Hoggaamiye ka midho dhalin kara Himilada iyo Hiigsiga Ummadda Jam. Somaliland”

31-12-2012 

 

1.  Hordhac:

 

Xukuumadihii talada dalka soo qabtay, inkasta oo ay mid weliba la kowsatay duruufo iyo xaalado u gaar ahaa oo waqtigu waday, haddana waxaa hubaal ah oo aan la dafiri karin in mid weliba ay Qaranka Somaliland dhaxal iyo wax qabad muuqda uga tagtay. Muddo ah 29 bilood (2 sano iyo 5 bilood) ayey Xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo talada dalka haysaa. Markii ay xukuumadda cusubi la wareegtay xukunka dalka waxaa horyaallay carqalado adag oo dhaqaale, siyaasad iyo horumarin-bulshoba aad u baaxad weynaa, kuwaasoo ay ka dhaxashay xukuumaddii talada wareejisay. Dhinaca kale, xukuumadda cusubi markii ay tartanka doorashada ku jirtay waxay gashay ballan-qaadyo kuwaasoo ay lagama maarmaan tahay in sidooda loo fuliyaa.

 

Haddaba, si uu M/weyne Ahmed Silanyo uga midho dhaliyo himilada iyo hiigsiga ummadda Jam. Somaliland waxa uu hawlaha qaranka iyo qaybaha kala duwan ee xukuumadiisaba uu u igmaday dadkii uu is lahaa aqoon, karti iyo hufnaanba way ku habboon yihiin dalka iyo dadkana wey u adeegi karaan. Muhimmadda koowaad ee M/weyne Ahmed Silanyo iyo xukuumaddiisu waxay ahayd kor u qaadista iyo kasbashada kalsoonidii shacabka JSL ee luntay si ummadda JSL ay Dawladnimada, Caddaaladda iyo Dimuqraadiyaaddaba mar kale ugu kalsoonaadaan. Kobcinta dhaqaalaha, wanaajinta adeegyada bulshada, dawlad wanaaga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa, siyaasad arrimo-dibadeed oo hufan oo leh hadaf muuqda, ….. arrimahan iyo kuwo kale ayaa lahaa mudnaanta koowaad sidii looga midho-dhalin lahaa.

 

Ummadda JSL si weyn ayey uga dheregsan yihiin duruufaha ay xukuumaddani ku bilowday, carqaladaha ay ka soo gudubtay iyo halka maanta uu dalkeenu hiigsanayo. Wadajirka iyo is-fahanka Bulshadana waxaa saldhig u ah; in la qiro oo la isku bogaadiyo wixii wanaag iyo horumar soo kordha isla markaana laga garaabo lana saxo wixii laga gaabiyo, caddaalad-darro ama hagar ah ee jira, waana calaamadaha ilbaxnimo ee ummad lagu tilmaansan karo. Qof ay xin iyo xaasidnimo indho-tireen oo aan wanaagga iyo horumarka ummadda indhihiisu arkayn; iyo qof jiritaanka JSL cadow ku ah mooyee, horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo muddadaa kooban ku tallaabsatay ka weyn wax la qariyo oo la iska indho-tiro.

 

Markaad si fiican ugu fiirsato wax-qabadka baaxadda leh ee xukuumadda, waqti kooban gudihii, Wasaarad iyo Waax kasta oo ka mid ah xukuumaddu waxay ku tallaabsatay horumar aad u ballaadhan. Tusaale ahaan Waxbarashada, Caafimaadka, Macdanta iyo Biyaha, Wasaaradda Arr. Dibedda, Maaliyadda, Beeraha, Duulista iyo Hawada, Qorshaynta Qaranka,....... Waxaan aaminsanahay in masuul kasta xilkii loo igmaday uu si fiican uga soo baxay xilkii iyo masuuliyaddii uu Qaranka u hayey ama ay u haysay.

 

  1. 2.    Talo Wadaag iyo Maamul Toolmoon:

Aqoonta, waayo-aragnimada, sumcadda iyo miisaanka uu hoggaamiye walba leeyahay ayaa doorweyn ka ciyaara kasbashada quluubta iyo maanka ummaddiisa iyo weliba hanka iyo ixtiraamka ay dalalka deriska ah iyo bulshada beesha caalamkuba dalkiisa u hayaan. Hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weynaha Jam. Somaliland waxa uu ku kasbaday xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba.

 

Ma aha oo keliya in M/weyne Ahmed Silanyo iyo Xukuumaddiisu ay kor u qaadeen isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba; balse waxa kale oo ay Xukuumadda hadda talada haysaa dib u soo noolaysay qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaaday hanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku u qabaan Jam. Somaliland.

 

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo waxay si farshaxannimo leh bulshada caalamka iyo dalalka deriska ahba ugu soo bandhigtay guud ahaan muhimadda iyo qiimaha ay Jam. Somaliland u leedahay gobolka Geeska Afrika. Gaar ahaanna sida ay Jam. Somaliland bulshada caalamka wax ugala qaban karto xal u hellidda mushkiladaha ku gedaaman gobolka Geeska Afrika, sida Budhcad badeedda, qolyaha xag jira iyo arge-gexisada caalimiga ah iyo sidii xal waara loogu heli lahaa mashaakilka iyo dagaallada ragaadiyey dalka aynu deriska iyo walaalahaba nahay ee Soomaaliya.

 

  1. 3.    HALBEEGA (3M):  MujaahidMucaarid Madaxweyne. 

 

Bedbaado waa ta ALLAH, balse sooyaalka taariikhdu waxay markhaati cad ka tahay in Mudane Madaxweyne Ahmed Silanyo uu dalkiisa iyo dadkiisaba ka badbaadiyey dhacdooyin iyo xaalado adag oo soo maray. Sida ka muuqata Halbeegga Cabbiraadda Hoggaamiyenimada, waa hoggaamiyaha keliya ee ilaa hadda Jam. Somaliland hoggaanka u qabtay ee buuxiyey shuruudaha HALBEEGA (3M):  MujaahidMucaarid Madaxweyne. 

Nabadda, wanaagga, rayn-raynta iyo horumarka ay bulshada  Jam. Somaliland maanta ku naaloonayaan, Qadarka Eebbe ka sokow, waa mid uu Mudane Madaxweyne Ahmed Silaanyo qayb weyn ku lahaa. Halgankii adkaa ee uu u soo galay dib-u xoraynta dalka ka dib, wuxuu la yimid samir, dulqaad, tanaasul iyo danta dadka iyo dalka Jam. Somaliland oo uu u tudhay. Waxa uu nasiibkiisu ku simay inuu ummadda Jam. Somaliland mar kale hoggaanka u qabato.

 

Guntii iyo geba-gabadii:

 

Mudane Madaxweyne waxa hareerahaaga taagan hooyooyinkii caruurtooda aad ka dhaafay lacagtii Iskuulka, Askariga Difaaca ugu jira Qarannimada ee aad Mushaharka u kordhisay oo weliba waxbarasho bilaasha caruurtiisii u helay. Mudane Madaxweyne waxaa si weyn kuugu mahad-naqaya dhalinyaradii aad ka furtay dabarkii iyo xakamihii kaga xidhnaa ka qayb-galka siyaasadda ee la’aa meel ay u maraan masraxa siyaasadda, kuwaasoo ay maantaba muuqato inay mustaqbal fiican ku leeyihiin hoggaaminta dalkooda hooyo.

Mudane Madaxweyne waxaa si weyn kuugu mahad-naqaya Agoomiha iyo danyarta ay xukuumaddaadu daryeeshay. Mudane Madaxweyne waxaa si weyn kuugu mahad-naqaya dhammaanba Ummadda reer Somaliland ee ku Dooratay oo Dhamaantood kuugu mahadnaqaya dedaalkaaga iyo halgankii dheeraa ee aad Dalka iyo Dadkaba u soo gashay, iyo halkanka adag ee aad haatan ugu jirto ka midho dhalinta Himilada iyo Hiigsiga Qranka J.S.L.

 

Danta ummaddu waxay ku jirtaa Degenaansho, Dugsi iyo Nabad, Dhisme Dawladnimo, Distoor lagu dhaqmo iyo Dimoqraadiyad, Hoggaamiye daacad ah oo ummadda daadihiya, maamulka isku-dubarrida oo dhaqaalahana daryeela. Dedaalkaa midaysan ee horu-marinta dalka hooyo ee rag iyo dumarba loo guntaday, ma aha mid u baaqanaya ama ay hor istaagi garaan Cadawga JSL ee gudaha iyo Dibedda iyo shakhsiyaad iyagu dan gaar ah leh, oo iyagu been iyo dacaayad aan sal iyo raad toona lahayn intaa dunida ku faafinaya.

Mudane Madaxweyne; dheg ha u dhigin kuwa shakiga ka qaba halgankaaga, kuwa ka soo horjeeda himiladaada, kuwa kugu eedaynaya waxaan marnaba adiga kaa suurtoobin (sida qabyaalad, qaraabo-kiil iyo qof-jeclaysi), kuwa ay iskaga qaldan tahay Mucaaridninmada iyo Muwaadinimadu, kuwa ay dhibayso in Somaliland noqoto Qaran madax-bannaan oo bulshada caalamka ka mid ah.

 

 

 

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

 

Waddaniga dhabta ah Allow Dhawr.

 

 

 

 

|By: Architectural-Eng.  Hussein Adan Igeh | |Hussein Deyr| |UK |

· xaaji on January 01 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>