Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

"Maqaal"Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Jam. Somaliland: Waa Siyaasad Hufan oo ku Qotonta Isku Kalsooni iyo Aqoon Casri ah.

1.     Hordhac:

 

Xidhiidhka Diblomaasiyadda ama ka Iskaashi ee dalalka dunida u dhexeeyaa ma aha mid mar walba meel iska sii yaalla oo si weyn la iskugu hallayn karo ama aan weligii isbedelayn. Xidhiidhka Diblomaasiyadeed iyo ka Iskaashi ee dunida u dhexeeyaa waxa haga ama uu ku salaysanyahay fikirka odhanaya: “Marka ay jiraan Dano Joogto ah, waxa iyana jiraya Saaxiibtinnimo Joogto ah.” Taasi oo macnaheedu yahay haddii ay jiraan Dano Joogto ah oo Dhaqaale, Dhaqan, Aqoon, Siyaasadeed, Difaac, Nabaedgelyo ama Iskaashi; waxaa hubaal ah inay jirayaan Saaxiibtinnimo Joogto ah iyo is-qadarin si danahaa guud ee dalalkaa u dhexeeya loo ilaaliyo. 

 

Wasaaradda Arr. Dibedda & Iskaashiga Caalamigu waxay ka mid tahay tiirasha ugu muhiimsan ee dal kasta uu ku tiirsanyahay. Dalalka dunida ee ay hannaanka dimuqraadiyaddu sida wacan uga hirgashay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay siiyaan Mudnaan iyo Muhimmad gaar ah. Habka iyo hannaanka ay waaxdani u hawl gasho ayey dunida kale ka dhex akhrisan kartaa nooca iyo nidaamka xukuumadeed ee dalkaa ka jira iyo qaabka ay u shaqayso. Qaabka iyo hannaanka ay waaxdani u hawl iyo loollanba gasho, dalkana uga warbixiso (sida baahiyaha aasaasiga ah ee dalkaasi jira, fursadaha maal-gashi ee laga heli karo, Khayraadka dabiiciga ee dalkaa ceegaaga, iwm) ayuu dal ku hanan karaa saaxiibo ama xulufo ay dano gaar ah, afkaar iyo iskaashiba wadaagaan.

 

Jam. Somaliland waa dal curdin ah oo ku yaalla Gobol ay xasaraduhu ku badan yihiin oo aan laga sii saadaalin karin xaaladdiisa nabad-gelyo iyo ta siyaasadeedba, isla markaana ay ku gedaaman yihiin colaado iyo khataro joogto ah. Jam. Somaliland waxay si xad-dhaaf ah u buuxisay shuruud kasta oo ku xidhan inuu dal aqoonsi ka helo dunida, balse nasiib darro waqti dheer ayey beesha caalamku dalkan iyo dadkan indhaha ka qarsadeen. Himilada iyo hiigsiga ummadda Jam. Somaliland, intay doonto ha qaadatee weli waa halkiisii, waxayna dedaal iyo raadco dheerba ugu jiraan sidii loo heli lahaa aqoonsi iyo ictiraaf caalami ah iyo sidii ay Jam. Somaliland uga mid noqon lahayd beesha caalamka iyo quruumaha ku midoobay xorriyadda.

 

2.    Siyaasad Furfuran oo Ku Dhac leh:

Siyaasadda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo waxa haga Siyaasad Hufan oo ku qotonta Isku kalsooni, Aqoon casri ah iyo Gobannimo siyaasadeed. Taasoo soo jiidatay dhegaha iyo indhaha beesha caalamka, dalka iyo dadka Jam. Somaliland-na ka saartay go’doonkii ay ku jireen una horseedi doonta ictiraafka bulshada caalamka. Marka aynu iska illowno jikaarka, qof-necbaysiga, si xun wax u sheega iyo qof isagu dano kale wata, guulaha iyo waxqabadka diblomasiyadeed ee Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Mohamed Abdillahi Omar uu muddadaa uu xilka hayey soo bandhigay waa kuwo aan la iska indho tiri karin. Isagoo ka duulaya qorshaha wax-qabad ee u degsan Xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo, isla markaana si cad uga tarjumaya Dareenka iyo Rabitaanka Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu qaaday tallaabooyin geesinimo leh kuwaasoo magac, maamuus iyo milgo qaranba u ah qof kasta oo muwaadin Somalilander ah oo wanaagga iyo horumarka dalkiisa jecel. Waana arrin ku dayasho iyo in lagu faanoba mudan.  

 

Bulshada caalamkana in badan oo ka mid ah ayaa weli isku qalada Jam. Somaliland iyo Somaliya, una haysta weli inay Jam. Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, maadaama ayna illaa hadda jirin meel la inagu kala jaray iyo heshiis ay bulshada caalamku goob joog iyo markhaatiba ka ahayd oo la inagu kala raray(sida Sudan/South; Ethiopia/Eritrea; Indonesia/East Timor, Rep. of Serbia/Kosovo).

 

Fikir ahaan waxaan qabaa, soona dhaweynayaa in la qaado tallaabo kasta oo lagu baadi goobayo ictiraafka iyo gooni isu-taagga Qaranka Somaliland, iyadoo aanu marnaba gor-gortan geli karin madaxbannaanida Qaranka Somaliland, lagana duulayo shuruucda iyo xeerarka ku qoran Distoorka Qaranka Jam. Somaliland. Waxa la yidhi: “haddii lagu mooso, waa la is muujiyaa.” Haddii aynu nahay Jam. Somaliland weynu ku qasbanahay inaynu Somaliya wada hadalno, waayo waxa ina dhexyaalla wax aynu ka wada hadli karno, taasi oo ah keliya qadiyadda gooni isu-taagga Jam. Somaliland. Haddaba haddii aynu inagu qadiyaddeena bulshada caalamka ka iibin weyno oo meel walba u mari weyno, ha u fadhiyin in cid aan jiritaankaagaba ogolayni ay inoo hadli doonaan, ama ay wanaag inaga sheegi doonaan, odhanna doonaan reer Somaliland baa maqan ee xaqooda ha loo dhigo?!

 

 

3.     Geba-gabo:

Muddadaa ay jirtay Xukuumadda talada haysaa, horumarka iyo guulaha dhaxal-galka ah ee Wasaaradda Arr. Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ay u soo hoosay Qaranka iyo Ummaddeena, ma aha kuwo ay cid gaar ahi leedahay ama ay sheegan karto. Guusha iyo horumarka ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo ku tallaabsato dhan kasta oo ay tahayba, waxa leh shicibka Somaliland oo dhan, muxaafid, mucaarid iyo in dhex-dhexaad ahba. Waxa nasiib darro ah marka guusha iyo horumarka ummaddaadu gaadho ay adiga guul-darro kaaga dhignaato ee aad u aragto in guusha cid gaar u leedahay adiguse aanad waxba ku lahayn. Sidaa darteed, waxa ila quman in guusha iyo horumarka ummaddu ku tallaabsato ay cid waliba ku faanto una aragto wanaag ummaddu wada leedahay.

 

 

Bulsho weynta samaha iyo wanaagaba jecel ee Jam. Somaliland si weyn ayay ula socdaan ugana dheregsan yihiin ujeedooyinka iyo ajendaha fog ee ay leeyihiin Shakhsiyaadka iyo Warbaahinta Xag-jirka ah ee Xag-xagashada jecel ee iyagu ku bahoobay xumaha, wararka pro-bagandada, xaalad abuurka iyo iska-horkeenka bulshada walaalaha ah ee Somaliland. Kuwaasoo iyagu intaa xumaanta iyo xag-xagashada aan sal iyo raad toona lahayn sida joogtada ah ula daba socda Wasiirka Arr. Dibedda laga bilaabo maalintii uu xilka qabtay. Balse waxa hubaal ah, hana ogaadaan in wax kasta oo ay fidiyaan, sheegaan, ama ku tallaabsadaanba aanay sinaba Wasiirka Arr. Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga uga joojin karayn inuu ka rumeeyo kana midha dhaliyo himilooyinkiisa siyaasadeed ee uu Qaranka iyo Ummadda Jam. Somaliland ugu adeegayo.

 

Wasiirkana Waxaan Leeyahay:  “Waxaad la timid Gobannimo Siyasadeed oo ay ku dheeantahay, Hawlkarnimo iyo Aragti-dheeri Diblomaasiyadeed, taasoo aad adiga iyo Xukuumadda aad ka tirsantahay beesha caalamka kula gar-naqsateen xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh aqoonsiga beesha caalamka, isla markaana waxaad indhohooda iyo dhegehoodaba ku beraarujiseen Muhimadda iyo Qiimaha uu aqoonsiga Jam. Somaliland u leeyahay Gobolka Geeska Afrika iyo bulsho-weynta kale ee caalamkaba. Xukuumadda M/weyne Siilaanyo ee aad ka tirsantahay waxay Jam. Somaliland ka saartay go’doonkii iyo jaahwareerkii ka haystay xagga Siyaasadda Arrimaha dibedda. Ninkii Hadlayaaba Ha iska hadlo! Waad haysaa hilinkii Aqoonsi raadiska Dalkeenna ee Halganka iyo Himiladaada wacanba halkaa ka sii wad. INSHA ALLAH waanad ku guulaysan doontaa”

 

By:  Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK|

 

 

 

 

Somaliland Republic : Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah

· xaaji on January 05 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>