Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Xaq ma u leeyahay in uu masiirka ummadda ku saleeyo fikirkiisa shakhsiga ah???
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Xaq ma u leeyahay in uu masiirka ummadda ku saleeyo fikirkiisa shakhsiga ah???

Waxaan Salaan u tebinayaa dhammaanba shacabka reer Somaliland ee u dabaal degaya Sannad guuraddii 20 aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii Xorriyaddii qaaliga ahayd ee laga il duufay. Waxaan hambalyo u soo jeedinayaa Xukuumada Somaliland


Waxaan Salaan u tebinayaa dhammaanba shacabka reer Somaliland ee u dabaal degaya Sannad guuraddii 20 aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii Xorriyaddii qaaliga ahayd ee laga il duufay. Waxaan hambalyo u soo jeedinayaa Xukuumada Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed maxamed maxamud (Siilaanyo), waxaan hambalyo u soo jeedinayaa labada gole , saddexda xisbi qaran , ciidamada qalabka sida iyo bulshada rayidka ah.

 
Haddii aan intaa horay uga sii gudbo oo aan soo noqdo dulucda maqaalkaygan , waxaan akhriyey waraysi  wargays Carbeed oo ku soo baxa luuqadda englishka ah oo la yidhaahdo Gulf News uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Dr.Maxamed Cabddillahi Cumar, oo ka mid ah wasiiradda xukuumadda madaxweyne siilaanyo ugu firfircoon hase yeeshee waraysigaas uu wasiirku la yeeshay wargayskaas ,waxaa lagu waydiiyo su´aalo badan oo inta badan uu wasiirku si fiican uga jawaabey , hase yeeshee, waxaa su´aalahaas ku jirtay su´aashii ugu mahiimsanaynd ee tilmaamaysey jiritaanka Somaliland oo uu wasiirku siyaasadeeda muraayad u yahay , haddaba bal akhristow su´aashaas iyo jawaabtii wasiirku kaga jawaabay ila eega, wasiirku waa shakhsi aan u hayo ixtiraam badan , waana shakhsi yeelan kara ra´yi isaga u gaar ah oo uu qof ahaan xaq u leeyahay laakiin marka arrinku marayo masiir umadadeed ra´yi shakhsi iyo af gobaadsi reeban. Ila eega su´aasha wargayska iyo jawaabta wasiirku bixiyey:
 
[Do] you [have] strategic [plans] of unifying with Somalia in the future?
The main work of our government is to bring the peace to Somalia because without peace we can do nothing. Then we can negotiate about the other issues [whether] to be [an] independent state or becoming a [federation] like the United Arab Emirates. There are different political options. You cannot negotiate if there is no peace. We have to accept some land as independent states.
 
Sidaad su´aasha ka aragtaan saxafigu wuxuu wasiirka waydiiyey in ay qorshaha Somaliland ugu jirto inay Somalia la midoobaan mustaqbalka ?
Wasiirku wuxuu kaga jawaabay , Dowladda waa somaliya e , shaqada ugu weyn ee u taalla waa inay nabad keentaa , haddii aan nabadi jirin waxba ma qaban karno, wasiirku wuxuu tilmaamay oo afka ku dhiftay in haddii nabad la helo ( yacni koofur) in xukuumadda Somaliland wada hadal la geli doonto Somalia , wuxuu wasiirku caddeeyey inay xukuumaddiisu gorgortan ka geli doonto gooni isu taagga Somaliland oo ay suurto gal tahay in la qaato nadaamka federaalka ee uu ku metelay ka emaaraadka oo kale , haddaba su´aashaydu waxay tahay , Ra´yigaas gor-gortanka caddaanka  ah ee la geliyey madaxbaanidii Somaliland ma wasiirka ayey ku kooban tahay mise waa mid xukuumadda Somaliland u qarsoon oo aan shacabku ogayn? Arrinkani ma yahay mid wasiirku go´aan ka gaadhi karo ? masiirka umaadda ma waraysi saxaafaddeed baa lagu gooyaa?
Waxaan jeclahay in wasiirku arrinkaa shacabka Somaliland u caddeeyo? waana arrin masiiri ah oo muwaadin kasta oo somaliland u dhashay xaq u leeyahay inuu ogaado qorshaha  ay xukuumadda somaliland  ka damacsan tahay nooca wada hadalka somalia lala geli doonaa uu noqon karo? maxaa laga wadli doonaa? gooni isu taagga somaliland ma gorgortan buu geli doonaa? talaabadaas iyadoo aan shacabka waxba laga waydiin xukuumaddu ma ku talaabsan kartaa?

 
Muwaadin: Siciid Yusuf Cartan
Doha-Qatar.
 

· Posted by xaaji on May 22 2011 1405 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>