Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » INAGU KALA DARA - Maxay Doodeheennu Muran iskugu Rogaan.
INAGU KALA DARA - Maxay Doodeheennu Muran iskugu Rogaan.

Mujtamaca dhexdiisa ayaad had iyo goor arkeysaa iyada oo doodi ka dhex
jirto. Doodaasi inta badan waxa ay ku dhamaataa "inagu kala dara" oo
kooxiba ay dhinac dooda ka mida taageersantahay. Marka ad u sii
fiirsato sida loo kala taageersanyahay dooda, waxa kuu soo baxaya laba
arimood oo kala ah ama sida xisbiyada siyaasadda loo kala
taageersanyahay ayaa doodana la isku baheysanayaa ama si ciriq qabiil
ku jiro ayaa la isku xulafeysanayaa. Waxa ad isweydiineysaa, side
dadkan doodaya oo aan midkoodna doqon aheyn ama aan waalneyn haddana
ay markasta aragtidoodu u kala fogtahay oo masalan midna waxa laga
doodayo u odhanayaa waa wax fiican, midna uu leeyahay waa wax qaldan.



Ka sakow u debecsanaanta qabiilka iyo xulafeysiga siyaasadeed, waxa
had iyo goor muranka sii badiya oo sii huriya laba arimood oo kala ah:

(1) inaga oo inta badan aan laheyn qiyaas an isla ogolnahay oo meel
inoo taala oo waxqabadka lagu qiyaasto oo heshiis lagu sii yahay.
Haddii aaney jirin qiyaas cad oo shegeysa waxa masalan qofka mas'uulka
ah iyo shaqadiisa lagu qiimeynayo, wey adkaaneysaa in qiimeyn sax ah
laga sameeyo.

(2) Inaga oo aan inta badan is dhageysan marka an doodeyno oo dhinac
kastaaba mashquul uun ku noqdo sidii uu u adkeyn lahaa doodiisa.
Taasoo meeshaba ka saarta inu qofku dhuuxo arimaha qofka kale ku
doodayo oo laga yaabo inu qaarkood kaba garaabi lahaa oo ay labada
dhinac isu soo dhaweyn laheyd.


1. QIYAAS LA'AANTA WAXQABADKA

Badhtamihii sagaashankii ayaa dhalinyaro an la fadhiyey ka doodayeen
mas'uul Hargeisa joogey oo qolo ku doodeysey waxba muu qaban iyaga oo
soo tiriyey arimo badan oo ay filayeen inu wax ka qabto oo wada
dayacan oo mid walbaa ay si cad u muuqato dhibaatada ka taagan.
Dhinicii kale ee ninkaa madaxda ah taageersanaa ayaa iyana ku doodaya
inu ninkan mas'uulka ihi aanu jirin qof ka wanaagsan. Midkood ayaa
wuxu raaciyey "waar miyaad ogtihiin ninkan inta masaakiin ah ee uu wax
siiyo, inta agoon ku daba nool, inta dad akhyaar ah oo cadilan uu
kirada ka bixiyo, inta dumar garoobbo ah oo caruur heysta uu wax u
tuur". Wuxu yidhi, "ninkani waa weli Ilaahey ee afka ka jeediya".
Midbaa u jawaabey oo yidhi waxan ad tirineysaa shaqadiisii maahee, waa
inu ninkani umadda iyo dalka wax u qabtaa oo waxan oo adeeg ah ee
dayacan ka hawlgalaa. Kii kalaa u jawaabey oo yidhi, adigu haddaad
dheregtey, adeer dadka in badan oo qatan ayaa ninkan ku daba nool ee
mashaariicdan ad sheegeyso meel kale u doono.

Ninka madaxda ah ee laga hadlayo iyo arimahan laga hadlayo aad ayaan
anigu markaa uula socdaa, labada dhinacbana doodooodu waa sax oo
arimaha ay sheegayaan wey jiraan. Waxa meesha ka maqan, qiyaas laga
mideysan yahay oo lagu qiimeeyo wax qabadka qofka ama hey'adda oo la
isla ogolyahay. Marka ay taasi maqantahay, qof walbaa sidii ay isaga
la tahay ayuu wax u qiimeynayaa. Ka warran haddii ay jiri lahey hadaf
cad oo loo dhigey qofkaa madaxda ah iyo hay'addiisa oo dakuna wada
ogyahay oo masalan lagu yidhi: 5 sanadood gudahood, waa in mujtamaca
magaaladda ku nool 80% ay heystaan biyo nadiif ah oo qasabad laga
cabbo; ama la odhan lahaa, sanadku marku intaa yahay waa in caruurta
dalka ku nool ee da'doodu u dhexeyso 6 jir illaa 14 jir ay 70% iskuulo
ku jiraan oo tacliin helaan; amaba la odhan lahaa sannadka 2017 ka waa
in 100 kiiloomitir oo waddooyin laami ah oo laba haad ah oo leydhadh
leh ay ka dhisanyihiin magaalada Hargeisa. Ama la odhan lahaa muddo 5
sanadood ah ama waa inu keena aqoonsi ama barnaamij iyo itijaah cusub
oo looga wareego.

Waxan qabaa inu muranku aad u yaraan lahaa haddii madaxda dalka iyo
heyadahooda loo sameyn lahaa hadaf iyo wax lagu qiyaaso wax qabadkooda
oo umaddu wada ogtahay. Waxay taasi keeni laheyd in si macquul ah wax
loo qiimeeyo, oo qofkii wax qabad wanaagsan lagu amaanno xil intaa ka
sii weynna lagua aamino, kii gaabiyana lagu dardar geliyo amaba laga
wareejiyo hawsha.

Muddo dhowr asbuuc laga joogo ayaan arkey dood socota oo dad an
qaarkood garanayaa ay leeyihiin wakaaladda biyaha Hargeisa wey ka soo
bixi weydey hawsheedii oo magaalada inteedii badneyd baa biyo la'.
Waxa an nimankii weydiiyey, wakaaladda mas'uuliyadda loo igmadey miyey
ku jirtaa in mujtamac magaalad ku nool oo dhan ay gaadhsiiso biyo la
cabbo?. Intayaduba midkaayana ma oga in arintaa nay wakaalddu mas'uul
ka tahay iyo in kale. Maadaama aaney jirin wax noo qeexaya
mas'uuliyaddii, doodii inagu kala dara uunbey ku dhamaatey. Waxan
qabaa maalinta xilka loo dhiibayo maareeye cusub, haddii loo qeexo oo
lagu yidha: madaxweynuhu xilkaa uu kuu igmadey saddexda qodob ee uugu
muhiimsan ee lagaa sugayo waxa ka kow ah in umadda magaalada ku noo ad
gaadhsiiso biyo nadiif ah oo la cabbo, waxa an qabaa inu mas'uulkaasi
ama hawshaa ka soo bixi lahaa ama uu odhan lahaa anigu makaro ee cid
kale halloo dhiibo. iminkadan oo an maqaalka qorayo ma garanayo qofka
mas'uulka ka ah in mujtamaca Hargeisa ku nooli ay biyo la cabbo
heelaan, oo so cad loo odhan karo in magaaladu biyo ku filan hesho
hebel ama heblaayo ayaa ka mas'uul ah. inta aaney taasi jrinna ama wey
jirtaayee aan ci cad dadka loogu wada sheeginna, muddo biyaha weynu ka
sii murmi.


2. FAA'IIDADA IS DHEGEYSIGA

Iyaadoo rag badan meel fadhiyaan ayuu soo galey nin siyasi ah oo dalka
magacweyn ku lahaa. Markii cabbaar la sheekeystey ayaa hadalkii ay
isku khilaafeen ninkii siyaasiga ahaa iyo Alla ha u Naxariistee nin
odey ah oo meesha fadhiyey oo la odhan jirey Mohamed Abdi Dhoore.
Ninkii siyaasiga ahaa ayaa yidhi, waddanka waxba ka hagaagi mayaan
inta odayaashiinaasi ad dawladda indha la'aanta ku taagereysaan ee
kolba woxoogaaga la idiin tuurayo, waayo odayaashu waxa ay dawladda ku
taageersanyihiin in hantidii dalka wax loogu qaban lahaa laaluush lagu
bixiyo dalkiina dayacnaado. Mohamed Abdi Dhoore (AHUN) ayaa u jawaabey
oo yidhi, adna waxa an kuu sheegney inaadan xil qabaneyn inta ad ku
doodeyso in dadku gaajo u bakhtiyaan oo aan cidna wax la siin.

Mohamed Abdi Dhoore (AHUN) ayaa ku yidhi, in yar i dhegeyso. Anoo nin
yar ah Ayaan ciidamada ku biirey, waxa an ka soo qeyb galey dagaalkii
xabashida iyo Soomaalida, dajadeyda oo intaa ah Ayaan iskaga tegey oo
an Sucuudiga u shaqo tegey. Markii an sucuudiga joogey waxan ahaa
odayaashii qaadhaanka soo gurayey ee lahaa waar dalkii haloo kaco oo
halla xoreeyo. Ka bacdi waxan tegey itoobiya oo waxa an ka mid ahaa
odayaashii reeraha ee ee jabhadda xoolaha u soo gurayey ee
dhalinyartana abaabulayey eek a kacaay lahaa. Markii dalka la soo
galey waxan ahaa odayaashii nabadda ka shaqeynayey ee wax ka abaabuley
shirkii Burco iyo kii Boorama. Imink oo dawlad an noqoneyna waxan ka
mid ahey odayaasha guurtida ah ee intaa umadda kala qaboojinaya ee
wanagga wada.

Mohamed Abdi Dhoore wuxu sii raaciyey, Dawladdii Adan Cadde aniga oo
xaq ku leh ayay igala kacdey, Tii Cabdirisaaqna aniga oo xaqii ku leh
ayay iagala kacdey, Siyaad barre aniga oo xaqii ku leh ayaa la ridey.
Teenan maanta jirtaan wax ma heyso. Waxan ahey nin dhowr iyo konton
sanadood dalka u soo shaqeeyey. Iminka odey Ayaan ahey, caruurtiina
iima shaqeyso. Xaqii an intaa soo shaqeynayeyna cid an maanta u raaco
ma jirto, annaa xoog an iminka kuuli ku noqdaa igumuu hadhin oo
todobaatankii Ayaan kor u dhaafey. Haddaanaan Ina Cigaal iska ag
joogin oonu marmar wax noo tuurin, ma akhtiyaad na leedahay, waadigan
kolba gidaar la taagan odayaasha wax la siinayaaye.

Intayadan doodad dhageysaneysaa illa dhowr iyo toban ayaannu nahay
haddaanaan labaatan gaadhin. Labada nine e doodayaa waa aftahanno oo
markaa kolba kii hadalka ku danbeeya ayaanu la mirqaansannahay. Ninkii
siyaasiga ahaabaa hadalkii odeyga dhan uu u dhaafo garan waayey.
Maaksuu yidhi: runtii anigu marna kumaan doodin odayaal intaasoo
halgan ah soo marey oo dalka inta wax u soo qabtey hala qadiyo ama
yaan waxba la tarin. Balse waxa ay fiicnaan laheyd in si sharci ah wax
la idiin taro oo dawladdu mushahar rasmi ah idin siiso. Waayo sidan
iminka wax la idiin siinayaa waxa ay u eegtahay hab laaluush, oo ta
idinka la din siinayo ka sakowm waxa la baneystey in lacagtii umadda
kloba ciddii xilka heysaa ay sidi ay doonto u isticmaasho.

Odeygii ayaa u jawaaboo yidhi, adigu haddii ad madax ahaan laheyd
maxaad ka yeeli lahey. Ninkii siyaasiga ahaa ayaa u jawaabey oo yidhi
mushahar "Pension" ah ayaan idiin qori lahaa guri dawladeedna hadba
sidii loo helo ayaan idiin siin lahaa, oo waxan sida sharci darada ah
la idin ku siinayo ayaan ka dhigi lahaa sharci. Ogeygii ayaa weydiiyoo
yidhi, makaa dhabbbaa arinkaasi iyo waa iga dhab. Markaasuu yidhi
haddii ad sida ku doodi laheyd anagu adigaaban doorashad ku siin
laheyn oo intan yare e anu ku xiiqeyno ayaaban si sharci ah oo aan
werwer laheyn ku heli laheyn.

Labadii nin ee kala fogaa waxa ay iskugu yimaadeen is faham, waxaana
is fahamka fududeeyey is dhegeysiga oo sahley in la isu garabo.


Bile - Aqoonta U Adeegta Nolosha

[email protected]

· Posted by xaaji on March 08 2014 1069 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>