Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » U hiili Horumarka, Wanaagga iyo Wada-jirka Ummadda.
U hiili Horumarka, Wanaagga iyo Wada-jirka Ummadda.

Muran kama taagna in Mudane M/Weyne Ahmed Moh. Mohamud (Silanyo) uu yahay Hoggaamiye Tayo iyo Aqoon sare leh,  aad iskugu kalsoon oo Xil-kas ah. Waxaa taa daliil iyo markhaati cadba u ah sida ay xukuumaddiisu muddadaa ay talada dalka haysay ay u kasbatay xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo , ma aha oo keliya inay kor u qaaday rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland, balse waxa kale oo ay dib u soo nooleysay qiimaha iyo muhimadda uu dalkeenu u leeyahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaaday hanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku dalkeena u qabaan, arrintan oo inoo horseedi karta in haatan beesha caalamku garwaaqsato qadiyadda gooni-isutaagga iyo madaxbannaanida Qaranka Somaliland. 

 

Bedbaado waa ta ALLAH, balse sooyaalka taariikhdu waxay markhaati cad ka tahay in M/weyne Ahmed Silaanyo uu dalkiisa iyo dadkiisaba ka badbaadiyey dhacdooyin iyo xaalado adag oo soo maray. Sida ka muuqata Halbeegga Cabbiraadda Hoggaamiyahana, waa isaga qofka keliya ee buuxiyey shuruudaha Halbeegga u ah Hoggaamiyenimada:

HALBEEGA (3M):  MujaahidMucaarid Madaxweyne.

 

Nabadda, wanaagga, rayn-raynta iyo horumarka bulshada  Jam. Somaliland ay maanta ku naaloonayaan, Qadarka Eebbe ka sokow, waa mid uu  M/weyne Ahmed Silaanyo horseed iyo hormuudba ka ahaa. Halgankii adkaa ee uu u soo galay dib-u xoraynta dalka ka dib, waxuu la yimid samir, dulqaad, tanaasul iyo danta dadka iyo dalka Jam. Somaliland oo uu u tudhay. Mahad waxa leh Rabbigeena ku simay inuu  ummadda Jam. Somaliland mar kale hoggaanka u qabato.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay dhawrtaa kuna dhaqantaa distoorka iyo shuruucda aasaasiga ah ee dalka u dhigan; isla markaana waxay aaminsantahay horseedna ka tahay hirgelinta iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda, sugidda xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka, ilaalinta karaamada iyo sharafta dalka iyo dadka, difaaca iyo sugidda nabada qaranka, xorriyatul qawlka iyo saxaafadda madaxa bannaan.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo  waxay la timid dulqaad, xilkasnimo, dal-jacaylnimo, dhawridda danta dalka iyo ta dadka, isla markaana waxay ka hortagtaa xalna u raadisaa khilaaf kasta iyo muran siyaasadeed ama ku distoori ah oo yimaadda, halka ay xukuumaddii hore ee Daahir Riyaale ay badanaaba iyadu horseed ka ahayd.

Barnaamijka wax qabad ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxa aasaas iyo saldhigba u ah: Caddaalad, Maamul tayo wanaagsan, Awood qaybsi, Hawlkarnimo iyo Shaqo badan, Kobcinta dhaqaalaha iyo soo saaridda khayraadka dalka, Dhiirri-gelinta maalgashiga iyo suuqa xorta ah, La dagaalanka musuqmaasaqa, Kobcinta iyo wanaajinta tirade iyo tayada adeegyada bulshada ee asaasiga ah, Shicibka oo ay awoodooda iyo xuquuqdooda dastuuriga ahi gacantooda ku jirto, U sinnaanshaha hantida, dakhliga iyo macaashka dhaqaale ee dalka soo gala.

 

Marka dhan walba laga eego, muran kama taagna lamana soo koobi karo horumarka dhinacyada badan leh iyo tallaabooyinka geesinimada iyo isku kalsoonida leh ee ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo  ku tallaabsatay muddadaa ay talada dalka haysay.

Ku dhawaad labadaa sano waxay xukuumaddani ku qabatay ayaa ka balaadhan, ka mug weyn kana waxtar badan 8-dii sano ee Xisbiga UDUB dalka maamulayey.

Guntii iyo geba-gebadii, guud ahaanba Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay ku sifowday inay tahay xukuumaddii ehelka, wehelka iyo astaantaba u ahayd horumarka, midnimada, dal jacaylka iyo madaxbannaanida Somaliland. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay hoy iyo hiilba u tahay kuwa xaqa iyo caddaaladda ku taagan ee xaq-darrada iyo eexdaba la dagaallama.

Sidoo kale Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay isha ku haysaa si adagna uga hortagaysaa xumo-wadayaasha iyo kuwa xaqdarrada weheshada ee ay dhibayso maamul wanaagga iyo xukuumad Xilkas ah oo talada dalka haysa iyo inay Somaliland hesho aqoonsi iyo madaxbannaani caalami ah oo ay noqoto Qaran madax bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka.

 

Waxaan leeyahay kuna dhiirri gelinayaa Madaxweynaha Jam. Somaliland inaanu dheg u dhigin kuwa shakiga ka qaba halgankaaga, kuwa ka soo horjeeda himiladaada, kuwa kugu eedaynaya waxaan marnaba adiga kaa suurtoobin oo aanad uba dhalan(sida qabyaalad, qaraabo-kiil iyo qof-jeclaysi), kuwa ay iskaga qaldan tahay Mucaaridninmada iyo Muwaadinimadu, kuwa ay dhibayso in Somaliland noqoto Qaran madax-bannaan oo bulshada caalamka ka mid ah. Waxqabadkaaga, daacadnimadaada iyo dedaalka ay xukuumaddaadu muujisay waxaa marag cad ka ah oo hareerahaaga taagan oo kuugu mahadnaqaya shicib weynaha Jam. Somaliland gudaha dalka iyo dibeddaba.

 

Muwaadiniinta Jam. Somaliland ee jecel wanaagga, horumarka iyo wadajirka ummadda waxaan ugu baaqayaa inaad garab iyo gaashaanba u noqotaan Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo oo aad taageertaan una hiilisaan:

 

  • Dawlad wanaagga, la dagaallanka dulmiga iyo musuq-maasaqa.
  • Xaqa, Wanaagga iyo Wada-jirka ummadda.
  • Ictiraafka iyo gooni isu taagga Jam. Somaliland.
  • Distoorka iyo Caddaaladda.
  • Horumarka Dalka iyo Dimuqraadiyadda.
  • Sumcadda, sharafta iyo isku kalsoonida shicib weynaha Jam. Somaliland.
  • Difaaca Qaranka iyo sugidda nabadgelyada ummadda Jam. Somaliland.
  • U sinnaanshaha sharciga, xuquuqda iyo waajibaadka Qaranka.
  • Xil gudashada iyo la xisaabtanka qofka xilka ummadda u haya.
  • Daryeelka danyarta tabaalaysan ee aan Xukuumaddan ka hor ay cidi dan ka geli jirin.
  • Xuska iyo xasuusta halgankii la soo maray iyo xaqsiinta intii naftooda u hurtay.     

 

Hoggaamiyaha daacadda ah, Waddaniga dhabta ah Allow Dhawr.

 

ALLAA Mahad Leh, Wa Billaahi Tawfiiq

 

| By: Architectural-Eng.  Hussein Adan Igeh | |Hussein Deyr| |UK |

· Posted by xaaji on May 08 2012 1342 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>