Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland iyo SHANTA QAARADOOD.
Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland iyo SHANTA QAARADOOD.

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Rabbigeenna Weyn ee inaga dhigay dad Muslim ah ee weliba inaga dhaliyey ummadda aynu nahay ee Jam. Somaliland.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin baaaxad leh u dirayaa dhammaanba ummadda Sharafta iyo Karaamada leh ee Jam. Somaliland, gudaha dalka iyo daafaha duniba, taasoo aan ugu hambalyeynayo sida dadnimada iyo dal-jacaylkuba ku dheehanyahay ee ay u xurmeeyeen una xuseen maalinta Qarannimadeena ee 18-ka May.

Waxa ah dhacdo caajaa’ib ah habka iyo qaabka ummadda Jam. Somaliland ay u xusaan una xurmeeyaan maalinta Qarannimada ee 18-ka May taasoo ayna cidna la wadaagin oo ay gebi ahaanba kaga duwan yihiin ummadaha kale.
Bal u u fiirso muwaadin, ummadda Jam. Somaliland waa ummadda keliya ee awoodda u leh inay maalinta qarannimadooda uga dabaal-degaan SHANTA QAARADOOD ee Dunidu ka kooban tahay!! Arrintani waxay ka dhigtay 18-ka May inay noqoto dhacdo bulsho oo caalami ah (Worldwide event).Tusaale ahaan sannadkan 2012-ka waxaa qabsoomay in ka badan 60 xafladood oo looga dabbaal-degayo laguna xusayo 18-ka May, kuwaasoo ka dhacay in ka badan 40 dal oo ah daafaha dunida oo dhan:

Africa: Somaliland, Djibouti, Ethiopia, Sudan, Uganda, Kenya, Tanzania, Zambia, South Africa iyo Egypt.
Asia: Malaysia, Indonesia, Philipine, China, India, Pakistan, Turkey,
                     Saudi Arabia, Kwait, Qadar, UAE, Bahrain, Yemen.
Europe: UK, France, Belgium, Holland, Germany, Switzerland, Austria, Italy, Ukarain, Malta, Finland, Norway, Sweden iyo Denemark.
North America: USA iyo Canada
Autralia & New Zealand: Australia iyo New Zealand.

Haddaba, awoodda iyo kartida intaa leeg ee ummad iyo dal aanay dunidu weli aqoonsani ay u leeyihiin inay maalinta qarannimadooda sidaa u weyneeyaan waa arrin muujinaysa kartida, talo-wadaaga iyo tayada sare ee ay leeyihiin ummadda Jam. Somaliland, taasoo u suurto gelin karta wax kasta oo ay dan moodaanba.

Dhinaca kale, ha noqoto u diyaar-garawga, abaabulka, isku duba ridka iyo kharashka ku baxaya xuska maalinta Qarannimada ee 18-ka May, ma jirto cid ka caawisa ama ka taageerta ee dhammaanba iyaga ayaa bixiya.
Ku darsoo weliba, mudnaanta iyo karaamada ay leedahay maalinta
18-ka May waxa ka markhaati ah waa maalin waxtar iyo dhaqaale badanba laga helo gudaha dalka iyo dibaddiisaba, oo xataa ummadaha kale ee aan Somaliland u dhalani ay ka si dadban iyo si toos ahba uga faa’iidaan.

Tusaale ahaan waxaa suuq xaamiya leh iibka astaanta Calanka, dharka kala duwan rag iyo haweenba ee ay ku xardhan yihiin astaamaha qaranka, maabka dalka, renjiga (casaan, caddaan iyo doog), warqadaha lagu dhejiyo baabuurta iyo gidaarrada (stickers), renjiga saddexda midab ah ee wejiga la mariyo, madbacadaha iyo xarumaha wax lagu daabaco iyo waxyaabo kale oo badan.
Sidoo kale, meel kasta oo ay tahayba, waxa iyaguna suuq aad u weyn leh baabuurta iyo basaska la kiraysto, Hoteellada iyo Hoolalka (Party Halls) xafladaha lagu qabto, meelaha haweenka iyo habluhu isku qurxiyaan. Xuska Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland ee 18-ka May waxaa kobca suugaanta iyo hal-abuurnimada oo heeso, gabayo iyo geeraaroba ay abwaanadu u hibeeyaan maalintan qiimaha leh. Waxa iyaguna daba-qabsi noqda heesaaga, codeeyaha, kuwa muusiga tuma iyo inta ku xeeran. Ha ka tegin, warbaahinta nooc kasta oo ay tahay 18-ka May (dhawr cisho ka hor iyo ka dib-ba) waxay u tahay fursad dahabi ah oo ay dhaqaale badan ka helaan, kuna muujiyaan kartida iyo xirfaddooda warbaahineed. Ugu dambayntii, shirkadaha telefoonnada ayaa iyaguna hela suuq wanaagsan maadaama uu isticmaalka telefoonnadu kor u kaco (gudaha dalka iyo dibeddaba).

Ummadda awoodda intaa le’eg leh ee dunida oo dhan uga dabaal-degaya maalinta qarannimadooda, fikir ahaan waxaan aaminsanahay inaanu aqoonsigu waxbaba kala maqnayn, mar haddii ay iyagu isku aqoonsan yihiin inay yihiin Qaran iyo Ummad jirta oo la yidhaa JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

TALO SOO JEEDIN:
Muwaadiniinta sharafta iga mudan, garanay oo is hoga tusaaleynay inay ummadda jam. Somaliland ay yihiin ummaddaa leh awoodda intaa le’eg ee suurto gelisay inay Shanta Qaaradoodba uga debaal-degaan maalinta Qarannimada. Haddaba miyaanay habboonay in awoodda intaa le’eg si kalena looga faa’iideysto oo fikirka loo bedelo ficil oo loo jeesto dib u dhiska dalka hooyo oo loo wada dhan yahay.
Haddaba, fikirkayga iyo aragtidayda kooban waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa in sannad walba 18-ka May ka hor,  shanta qaaradood laga abaabulo saddex (3) maalmood oo kala duwan (tusaale ahaan 3-dii biloodba mar) oo loogu magac daro Maalmaha Waxtarka iyo Taageerada Qaranka Jam. Somaliland JSL, sida tusaale ahaan: 
Maalinta taageerada Waxbarashada JSL,
Maalinta teegeerada Caafimaadka JSL iyo
Maalinta taageerada Ciidamada iyo Naafada qaranka JSL.
(Ama wixii kale ee kolba la isla af-garto)

Ogsoonow muwaadin, sida xuska 18-ka May oo kale, ka qayb qaadashada waxtarka dalkaagu waa arrin kugu waajib ah meel kasta oo aad dunida ka joogto, aakhiro iyo adduunkana waxtar kuu leh.

Wa Billaahi Tawfiiq, Somaliland Guul iyo Horumar

By Architectural-Eng Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |United Kingdom|

· Posted by xaaji on May 28 2012 2505 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>