Waa ramadaan waana bishii khayrka iyo barakada
waa bisha ajarka la badsado ducadana ilaahay la baryo in dhibka iyo balaayada
ilaahay ka fogeeyo,waa bisha wax wanaagsan ilaahay laga baryo fadliga habeenka
laylatul qadriga loo soo jeedo inuu ILlAAHAY[sxw] ku waafajiyana laga baryo.
Dadka badankiisu waxay is waydiistaan cafis iyo inay is wada saamaxaan
waxay galaan casuumado waawayn oo dadku isu yeedho
hilib iyo bariis, macmacaan iyo labaniyad iyo saanbuuse ayaa xoog looga dibiraa
waxa dadku iska ilaaliyaa in bishaa nafaqo daro ku dhacdo waxaanay lacag dheeraada
ku daraan cuntada guriga la keeno.
Waxase dadku aanu isba waydiin in qaar badan ay gaajo iyo macaluul gidaarka fadhiyaan
waa dad aan hadli karin wax isiina ku odhan karin.
waa mayeedhaan sida xayawaanka ka qadhaabta bananka iyo meelaha lagu qubo raashinka
bulshadaasi waxay qabaan darxumo aad u badan cid u hadashaana ma jirto
waxa dusha ka haysa oo gaajada u dheer milicda iyo qoraxda maqaarkoodana waa aad u gubtay
ma haystaan guryo ay ka galaan.
waa bulsho banaanka seexata oo dabaysha iyo boodhka iyo siigadu ku hayso
Haduu roob da,o ayagu waa dhex qaadayaan waxaanay la dardhanayaan dhaxan iyo qabow
waa bulsho aan haysan wax daryeela haba yaraatee.
MAANKA LIITA ama DADKA BUKA ama sidaynu ugu yeedhno DADKA WAALAN
ee illaahay subxaanuhu watacalaa uu XISKA KA DOORIYAY.
SHacabka muslimka ah waxaan leeyahay waar umadaasi way ina daawanayaan
ishooduna way ina soo eegaysaa.
ma hadli karaan xaq waxay u leeyihiina kuma doodi karaan ama ma dalban karaan
waa dad maankoodu buko.
haday doodi karayaan bari hore ayay madaxwaynaha waydiisan lahayeen WASIIR U GAARA
bari hore ayay dawlada waydiisan lahaayeen xuquuqdooda oo ay loyar u qabsan lahaayeen
maxkamadna soo taagi lahaayeen cidkasta oo dulmiday oo cadkooda ay dhacsan lahaayeen
waxase dabray ee aaamusiiyay waa ayagoo xiskoodu liito MIYIRKANA LAGA QAADAY.
Waxaan bulshada caafimadka qaba leeyahay hoos haloo eego dadka MAANKA KA BUKA
waa la heli karaa in loo dhiso dhul lagu daryeelo looma waayin hangaro waawayn ama bakhaaro
waawayn oo kharash badan aan ku kacayn oo roobka iyo dhaxanta ay ka galaan.
waa loo heli karaa waxay cunaan IN la siiyo oo bariis laga dhargiyo waxa laga yaaba in
bishii laba sadex gadbadood oo bariisa ku filnaan lahayd.
Sawtaa xamarba gayseen 700 kun oo doolar gaajada halkaa taala iyo tan gurigaaga taala
maxaa kala duway tanaaba ka ajar badan oo lagu yidhi ka ku agjooga wax siiye
kuwa xamar joogana siiya waxaad tari kartaa kuwana siiya waxaad tari kartaan labaduba wa muslim
DADKAN MAANKA LAGA DOORIYAY waxaa dhici karta in bishii waxaan ka badnayn
laba boqol oo dolar ku filnaan lahayd
waa kharash aad u yar oo hal xawalad dalka ka jirta ayaa dhawr boqol siin karto
ama afar nin oo wax haystaa dhiibi karaan.
Marka hadii shacbiga oo dhan haday kaalmo ururiyaan miyan la heleen 10 sano kharashkii
dadka maanka laga dooriyay lagu daryeeli lahaa.
waa la hagranayaa ee bulshadaa waxba looma waayin ilaahay waa ina siiyay nimco iyo aduunba
waan la arkayne bari haore ayaa wax la siin lahaa
waan la dareemayne bari hore ayay daryeel heli lahayen
waan laguba fikirine bari hore ayaa roobka iyo dhaxanta laga hoyn laha
waan laguba darin tiradee bari hore ayaa inagana ilaahay raali ahaanshihiisu ina deeqi laha
KALIYA WAXA BULSHADAA la qoray waa dad WAALAN iyo waar dila wuu waalanyee
UGUDANBAYN
Bulshada aan xiska qabin halaga soo xareeyo banaanka dadkuna ha u doodo hana u hadlo
ajarbaa ku jiree beeshaa dhan ee la dayacay bishan talada halagu daro
hadaad rabto inad aragto halkay joogaan kaama dheera GIDAARADA SUUQA WAAKUWA DAADSAN
bal maalin kaliya ama habeenkii markay seexdaan isha soo yara mari dheragaba waad ka dhaaran
inaad cunto hawaysato
dadkaasi waxay leeyihiin HAWEEN in la asturo u baahan RAG GABOOBAY, kuwa DHALINYARO AH
WAA umad dhan oo rag iyo dumarba leh[[[[[[[WALAALAYAAL HALOO KACO BISHANA TALADANA KU DARA]]]]].
meel kastoo ay jooganba ama s/land ha noqoto ama soomalia ha noqoto
bulshayahay xiskoodu buuxee
barwaaqadiyo nimcada
baxnaanada qaboow
baladkeena danyartaa ku badan
barbarkaaga jiifoo baahidu dabartay
barbaartii maanku bukaa baahi gaara qaboo
banaanada daadsan bacadkuna duljoogaa
baradkiyo qaboobaha baro dugsoon ma hoydaan
bisha roobku da,aayana badi waa dardhanayaan
inta bilis qaawanee bananka ordaysa
ee baylah tirsanaysaa bulshooy waa badan yihiin
bukaanka aamusan baahida ka reeboo
barwaaqadan idiin hoortay badhbaa sadaqo
bari loo baxshaa ajar buuxa laga helaa
wabilaahi tawfiiq
ramadaan kariim dhamaan umada muslimka
SICIID CABDI DHEEN
[email protected]
london