WAA baytka ilaahay subxaanuhu watacaalaa ee loo yaqaano MASJIDUL JAAMACA
wuxuu ku yaalaa caasimada somaliland ee magaalada hargaysa waana masajidka ugu wayn
waxa masaajidka in badan khudbada jimacaha ka akhriyi jiray fadiilatu sheekh cabdiraxman kaariye AHN
oo aniga laftaydu aan ka bartay kitaabka taajka la yidhaa. ahaana sheekh caalima oo aad u wayn
waxa asaguna imaam ka ahaa fadiilatu sheekh faarax wadaaje AHN oo isaguna ahaa caalim wayn
Fadiilatu sheekh cumar xuseen aw jaamac waxa uu waqtigan degan yahay dalka uk caasiamda london
waxaanu leeyahay reer barakaysan oo mustaqbalka noqon doono kuwa ugargaara barashada diinta islaamka
waxa sheekh cumar had iyo goor gurigiisa ku booqda arday badan oo uu asagu wax baray ilaa imikana
aan ka qoob qaadin jecelna inay cilmiga kala hadhaan si ay umada ugu sii faa,iideeyaan.
waxa sheekh cumar inta badan kasoo baxaa shaashada tv yada ee dadku diinta wax ka waydiiyaan
ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee sheekh cumar xuseen ilaa imika kamauu hadhin wacyi galinta umada
iyo ufaa,iidaynta aqoonta diinta islaamka.
Fadiilatu sheekh cumar waxa uu ahaa maamulaha dugsiga axmed guray ee ku yaala degmada iftin hada loo
yaqaan degmada mujaahid axmed dhagax.
waqtigaas uu sheekhu ahaa maamulaha dugsiga ayaa waxa lagu tiriyaa waqtiyadii ugu wanaagsanayd
ee arday badani ka aflaxaan dugsiga axmed gurey.
waxaana taasi ku suurto gashay ayadoo waalidiinta ardayda ee magaalada hargaysa ay kalsooni dheeraada
ku qabeen hogaanka sare ee dugsiga oo uu joogay markaa FADIILATU sheekh cumar ceesh
waxay aradydu ka iman jireen xaafado ka durugsan dugsiga kaas oo ahaa mid waalidkoodu u dooray
ayagoo markaa aad ugu niyad wanagsanaa in ubadkoodu maqaam fiican la iman karaan haday ka aflaxaan
dugsiga FADIILATU sheekh cumar xuseen gacanta ku hayay oo ay u doorbideen ubadkooda.
Gabagabdii
Taariikhda fadiilatul sheekh cumar xuseen maaha mid aynu qoraal yar kusoo koobi karno
balse waxaynu guda gali doona mustaqbalka inaynu ka sheekayno meelo badan
oo dhanka galbeedka ah oo gabiley ka mid tahay oo sheekhu uu macalin ka ahaa
waxa kaloo aynu tariikhaha danbe ka sheekayn doonaa rag badan oo haldoora
dalkana masuuliyad ka haya oo sheekhu macalin u ahaa
salaadiin iyo cuqaal badan oo sheekhu wax baray ayaynu qaybaha danbe kusoo qaadan
doono intii aynu ka heli karno.
wabilaahi tawfiiq
SICIID CABDI DHEEN
london uk