Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » URURKA WADDANI OO XAFLADO AAD U BALAADHAN KU QABANAYA MAGAALOOYIN BADAN OO KU YAAL WADDANKA INGRIISKA.
URURKA WADDANI OO XAFLADO AAD U BALAADHAN KU QABANAYA MAGAALOOYIN BADAN OO KU YAAL WADDANKA INGRIISKA.
Urur-siyaasadeedka Waddani ayaa ku qabanaya xaflado aad u balaadhan oo si aad u heersaraysa loo soo agaasimay Magaalooyinka London iyo Shefield ee Waddanka Ingriiska. Xafladahan oo loogu dabaaldegayo Sanadguuradii Koowaad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ururka Waddani oo ku beegan 06/10/2012, ayaa ah xaflado in mudo ahba laga soo shaqaynayey aadna loo soo agaasimay, kuwaas oo la filayo inay noqon doonaan xafladihii ugu wanaagsanaa ee abid ka dhaca Waddankan UK.

Xafladahan loogu dabaaldegayo sanadguurada Koowaad ee Ururka Waddani kana dhacaya UK, ayaa waxaa lagu martiqaaday oo goobjoog ka noqon doona xubno sar-sare oo ka tirsan Ururka Waddani, kuwaas oo uu hormuud u yahay Gudoomiyaha Mudanayaasha Baarlamaanka S/land, ahna Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/llahi "Ciro", oo isaga iyo wafti balaadhan oo uu hor-kacayey soo gaadheen Waddankan UK maalintii Jimcaha ee taariikhdu ahayd 28/09/2012. Waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxda Ururka ee xafladan ka soo qayb geli-doona Mudane Mustafe A/llahi oo hore u ahaa Gudoomiyihii Ururkii Horyaal ee dhowaan ku soo biiray Ururka Waddani, kana mid ahaa waftigii la socday Gudoomiye A/rahman Ciro iyo weliba Saraakiil kale oo ka tirsan Ururka Waddani.

Waxaa xusid mudan in xafladahan ay ka soo qaybgeli doonaan Faaniintii casrigan laga daba dhacay, heesahoodana aadka loo jeclaa, kuwaas oo idiinku raaxayn doona heesahoodii ugu dambeeyey, waxaana fanaaniintan oo aan halkan lagu soo koobi karin ka mid ah: Fu'aad Omar Yare, A/rizak Gaadaco, Xaawo Kiin, Farah Murtile, Himilo iyo qaarkale oo badan. Waxaa sidoo kale ka soo qaybgeli doona qaybaha kala duwan ee warbaahinta gaar ahaana kuwa la iska arko oo Horn-cable Tv ka mid yahay.

Xaflada London ayaa dhici doonta maalinta Sabtiga 06/10/2012, kana dhici doonta Addresskan Hoose:

DIAMOND HOTEL,
142 The Broadway
West Ealing,
London, W13 0TL
Saacadaha: 18:00 - 23:59.

Xaflada Shefield ayaa iyana dhici doonta Maalinta Axada 07/10/2012, kana dhici doonta Addresskan:

St Paul's Hotel
119 Norfolk Street
S1 2JE
SHEFFIELD
Saacadaha: 16:00 - 20:00.

Xafladahan oo ay ka soo qaybgeli doonaan taageerayaal badan oo ku nool Waddamada Yurub, ayaa waxay u furan yihiin oo ka soo qaybgeli kara dhamaanba taageerayaasha Ururka Waddani iyo Shacabka S/land ee ku nool UK, waxaana la idinku soo dhoweyn doonaa Gacmo Furan.

Waxii akhbaaraad dheeraad ah kala xidhiidha Taleefoonadan hoos ku qoran:


Mustafe: 07983 804940
Kaltuun: 07846 973429
Cabdalle: 07962 381905
Mubaarak: 07828 529697.

Afhayeenka Ururka Waddani Uk
Qasim Aadan Saleebaan
[email protected]
· Posted by xaaji on September 30 2012 1090 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>