Somaliland waxay gashay marxalad adag oo aan laga aamusi karin
waxaad mooda in dhamaan waxa lagu sheego siyaasiyiinta dalka
ay taladoodi noqtay siyaasi ku xumaynaaya siyaasi kale [ midi midi ku taag]
Waxaa inoo cad in siyaasiyiinteeni noqdeen mansab doon kaliya
ninkastoo somaliland mansab ka waaya ama waxa uu doonayaa u socon
waayan, inuu xamar ka dego.
hadaba waa yaab leh siyaasiyiintu miyaanay mabda lahayn iyo mawqif siyaasadeed
oo ka tarjumaaya qadiyada somaliland.
Waxa u baahan in la cadeeyo asxaabta siyaasiyiinta ee sadexda ahaa in aanay
marna talo wada jira soo saarin taas ku aadan qadiyada somaliland.
ma jirto mawqif ay ka midaysan yihiin oo lagu cabiri karo geedi socodka siyaasadeena
kulmiye, ucid , iyo udub oo ahaa sadexda xisbi qaran marna kama hayno mawqif siyaasdeed
oo ay ku cadaynayaan siyaaasadooda ku aadan mabda,a soomali wayn ee ku dhisan 4.5
waa laa arkay afkaar kala duwan ayagoo midba mar gaara saxaafada ka sheegayo
balse ma hayno mid ay k wada siman yihiin.
Aduunayada aynu joogno wadankasta waxuu leeyahay axsaab siyaasadeed oo kala afkaar duwan, mid walibana leeyahay manafesto u gaara oo uu dalka ku maamulo.
balse siyaasada guud ee dalka marna iskuma khilaafan.
siyaasada maraykanka ama ingriiska ama siyaasada india xisbi kastoo qabtaa
waa ka wada mawqif siman yihiin siyaasada debeda .
tan iyo markii la aasaasay dalka yuhuuda siyaasad maraykanka ee ku aadan wadamada bariga dhexe marna isma badasho .
haduu sucuudigu qayliyo ama iran cabaado looma joojiyo madaxwayne kasta oo maraykanka
qabtaana waxa uu halkiisa ka sii anba qaadaa halkii mawqifkii hore ahaa.
waxase jirta in siyasada gudaha iyo habdhismeedka dhaqaalaha in ay ku kala duwanaadaan.
Wadamada dariskeena ethobia iyo kenya oo aan wax aqoona ina dheerayn marna lagama
yaabo in ay isku khilaafan siyaasad ku aadan soomaliya ee ah in soomalia aanay marna noqon
wadan jira oo awood iyo dhaqaale kula tartama[ kaliya waxa ka go,an inay soomali ama s/landba midiba mar u timaado oo la yidhaa mahiiga idinkula shiraaya siyaasada geeska africana ay hogaanka u hayaan .
hadaba maxaa lagudboon siyaasiyiinta somaliland ee ka naafoobay caqliga garana waayay
inay siyaasadooda mideeyaan.
hadii la rabo soomaali wayn waxa haboon in laysku raaco mawqifkeeda , hadiise aan la rabin
oo soomaliland daacad idinka tahay waxay ahayd in la joojiyo habqankan marba dhinac
loo ordaayo[ maanta waa hargeysa barina xamar ayuu jooga]. tolow ma markii hore ayaa
run dadka loo sheegaayay mise mar kan danbe, [ adba garo cajib!!!!!!!!!!].
Maanta oo siyaasada soomalia ay marayso marxalad ka duwan tii hore caalamkuna
dano gaara ka wato waxay doonaanba ha noqotee
siyaasiyiin badan oo reer soomaliland ahina xamar tageen oo ka qayb qaateen maamulka
cusub ee madaxwayne mudane xasan sheekh maxamuud hogaaminaayo.
miyaanay ahayn in HAL KALMAD uu ka yidhaahdo madaxwayne mudane axmed maxamuud siiraayno ilaahay cimrigiisa ha dheereeye asagoo si cad u qeexaya isbedalada kala duwan
haa way tahay. dabcan way tahay in umada wax loo sheego.
DHIBKA JIRA WUXUU YAHAY
DHamaan hawlahaas oo u baahan in wax laga qabto ayaa waxa dalkii dib ugu noqday
nidaam QABALIYA kaas oo ah xisbiyada badan ee dalka laga sameeyay oo mid waliba
qabiil ku salaysan yahay [ WAA HADAYNU XAQIIQDA IS TUSAYNO].
waxa dib loogu noqday 21 sano halkii aynu taagnayn ee aynu hawl badan iyo dadaal badan kasoo galnay.
ufiirso markii sadexda xisbi jireen waxa sii dabar go,aysay nidaamkii qabyaalada iyo reerka
waxaad arkaysay in xisbi kasta laga helo beelaha dalka oo beel waliba sadexda xisbi
ku jirto ayagoo nin waliba intereskiisa iyo siyaasada uu aamnisan yahay ku raacay xisbiguu doono. taas waxaan u arkaa in lagu gafay shacabka s/land oo dib loogu celiyay marxalad aynu kasoo gudubnay .
Komishanka ayaa ayaguna laalay ama qashinka ku riday DIIWAAN GALINTII dalku samaystay
ee waliba kharashka badan iyo hawsha badani inaga gashay.
sabab loo tuuray oo cad ilaa imika la garan mayo [ waxaad is waydiin kartaa hadiiba doorashadii madaxtooyada lagu galay horena si sharciya loo ogalaaday diiwaan galinta maxaa hada loo diiday]
waxa mar kale dib loogu noqday 21 sano ka hor halkii aynu joognay oo ah dal aan diiwaan galin lahayn, taasina waa gaf kale oo shacabka iyo dalka laga galay.
Waxaad moodaa in la duminaayo wax kasta oo dadkani qabsadeen oo aan loo aabo yeelayn
hadaba su,aashu ma waxa weeye dadka waxan samynayaa miyaanay ahayn dad muwaadina
miyaanay dareemayn waxa shacbi fara badani dareemaayo
malaa siyaasigu ma arko afcaashiisa iyo waxuu samaynaayo ee waxaanu talo ku siinaynaa
waar anagaa aragnee GUDCUR BAA GUDAYSAAN.
gudcur baa gudaysaan dhamaan asxaab iyo dawladba, gucurbaa gudaysaan komishan iyo
baarlamanba, gudcurbaa gudaysaan gole guurti iyo mid siyaasi sheegtaba.
halkaa xadhiga ka garaacysaan maaha dantii umada mana aha halkii talada laga qaban lahaa.
DHUUNI RAACII OO BATAY
Ninkasta oo siyaaasiya, ama odaya, ama caaqila , ama suldaana ama meel yar talo ka qabtaa
waxaad moodaa inuu kaliya eexaysanaayo CADYAR oo loo tuuro.
kaliya intaas ayaaa asaga la wayn noloshiisina kusoo koobnaatay , laakiin wax dana oo umada
aad ka leedihiin ma jirto, totaly haba yaraatee shacabka wax dana kama lihidin
hadii caawa KIISHADA wax yar laydinku shubo oo laydin yidhaa talabiib ka dega
waa ka dagaysaan , hadii laydin yidhaa sacaudi arebia u nacamleeya waa u nacamlaynaysaan
kaliya waxa idiin muuqda googo,a yar ee DOOLARKA ah oo maalmo cumaamad wayn qaadataan.
gabagabdii
Hadaa xamar tagtaana hal wasiir ayaad ka hesheen oo sad wayn laguuma quudhin
halka qayrkaa helay helay laba wasiir iyo madaxwayne ama laba wasiir iyo raiisal barlaman
waxaa lagugu socodsiiyay wax la yidhaa 4.5 oo sadbursi ku dhisan iyo waxa lagu sheego DIR
tan aad wax ku noqon lahayd ee soomaliland indhahaaga ayaa ka jeeda oo halkii wax laga hagaajin lahaa waad garab maraysaaan.
siyaaasi eryanaaya siyaasi kale iyo xsibi reer hebel ayaa maanta ololaynaaya ayaa ku habsaanteen .
isku soo wada duub waar ama kulmiye ahaada, ama ucid ahaada, ama udub ahaada
ama dawlad iyo muxaafid ahaada ama mucaarid ahaada.
dantii dalka ma wadaan ee waa kala jeedaan isku mawqifna ma tihidin
ururadan cusub ee imanayaana wadadaa aad marteen ayuunbay MARAYAAN oo wax wayn badali maayaan
hadii ilaahay doorashadan degaanka inagu nabad galiyo[ ilaahay ha inagu astaroo ha inoogu dhameeyo nabadgalyo] waayo wax aan diiwaan galin iyo is afgarad wanaagsan lagu galayn oo imikaba cabasho jirto ah kanaa sanaaduuq badan iyo kanaa sanaaduuq yar
waa biyahaa aan arko dabadoodu waa huubo.
waxaanse ilaahay ka baryayaa inuu mid khayr iyo ku qanac ku dhamaata inooga dhigo.
Aqalkii yaraa ee shanta maqsin ahaa ee 21 sano ka hor dhismihiisa layskugu tagay waxaad mooda in maanta SIYAASIYIIN BADANI daaqadihii la baxay oo xamar ula ordaayo.
SIYAASI KALANA albaakii ka laalaado oo siyaasad aan waji hagaagsan lahayn ku mitidaayo
qaar kalana marba jiingadihii saarna xabad xabad ula dagayaan oo xisbi ku qurxinayaan
ALLOW NOO SAHAL oo umuuraha sida wanaagsan nooga dhig.
waxaase la sugayaa ragii dalkan lahaa goortay iman doonaan ee ay dadkan jiho u samayn
LAHAYEEN iyo meel aduunku ugu soo hagaago.
waayo somaliland dhaqi mayso xamar oo loo kala dhuunto , iyo shirar qarsoodiya oo midba gaar xamar ula wado, taasi waa LAFJAB WAYN oo naafayn kara jiritaanka somaliland.
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
[email protected]
london uk