Dalku maaha inuu khasaare galo iyo dhibaatooyin sii daba dheeraada
Hadiiba komishanku qalad galay kuna hab maamulkii doorashadana xumeeyay
si dacadana u gudan waayay waajibkii saarnaa maxaa xala
1- ma qas iyo qalalaasaa xala ?
2- ma mudaharado cunuf wataa xala ?
3- ma is aflagaadeyn iyo afxumaa xala ?
waa hubaal in maalin kasta oo mudaharaad dhaco khasaare imanaayo
kaas oo nafwaa iyo dhaawac hanti burburta iyo nolol maalmeedka oo
hakad gasha inagu keena.
Waxa haboon in caqligu shaqeeyo maskaxdana la tuujiyo sidii loo sixi lahaa
qaladkan dhacay iyo musuq maasuqa ku yimi doorashadii degaanka
komishanku waxa ay wadaan waa sii hurin xaalada hada taagan
siday wax u wadaana waa mid aan xal u ahayn mashkilada hada socota
nin soo baxay ayaa hadana dhacay waa markhaati ay isku fureen
in dooraashadu ahayd mid cadaalad daro ku dhacday[ lagana siisan maayo].
Hadii cadaalad daro dhacday oo ay taana maanta ogalaadeena waxa waajiba
in komishanka qaranku dhamaantood is wada CASILO
waxa markaa imanaysa sidii loo xalin lahaa dhibkay ka tageen iyo umaday
afka isku galiyeen ee is wada haysata [ AYAX TAG EELNA REEB].
Maamulka dawlada ayay ku waajib tahay inay xal u raadiyaan
ayagoo kaashanaya asxaabta qaranka ee hore u jiray
walibana talada wax kasiiyaan kuwa cusub ee soo baxay sidoo kalena
wada hadal la yeesha madax dhaqameedka iyo guurtida.
ka fursan mayso in oadayaashii lagu caano maalay ee dalkan nabada kusoo
dabaalay in badan talada wax laga siiyo.
ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee xaaji cabdi kariim xuseen iyo saaxibadii
ka fursan mayso inay markale maanta umada dhex dhexaadiyaan
maadaama siyaasigii xal u heli waayay mashaakilka jira xaaladuna kasii darayso.
dawlada somaliland
Dawladu waa central govermantka dalka iyo dadka hagaaya ee nabada haya
ayaga la,aantood waxa dalku gali karaa dhibaato wayn oo horseedi karta bur bur
sidaa daraadeed halagu fikiro in dawlada lafteeda la caawin lahaa
si wadaniyadi ku jirtana loola shaqeeyo lana siiyo waqti ay arinkan ku mamusho
kuna soo afjarto.
hadiise xaalku noqdo MIDI KU TAAG MIDI marka guul gaadhi mayno dhibkuna
waa sii baladhanayaa.
inta sida qaldan u fikiraysa ee dabka sii hurinaya kuna taamaya in maamulka
dawlada la wiiqo waa mid aad ku qaldan tihiin mana aha xal nabad iyo wanaag
inoo keeni kara.
Dawlada iyo madaxda dalku haday qaldamaan macnaheedu maaha in inaguna aan
isa sii kabaraacino oo dhankasta ka dumino nabaduna faraha haka baxdo.
taasi maaha mid caqliga saliimka ah iyo muwaadinka xalaasha ah uu qaato
haday dunto dawladu nin walba way ka dumaysaa
hadii ay duntana nabadu waa ka baxaysaa faraha hadii taasi timaadana
ka filo sida XAMAR tahay in xaalada soomaliland ku danbaynayso
HADABA UJEEDADU WAXAY TAHAY
Komishanku way qaldameen cadaalad darana waa ku kaceen daacadna may ahayn
markaa MILAL KORKIISA LAMA DHAYO.
waa in si waafiya oo mug leh dhaliisha loo saaro halkay leedahay kuna dhiirano
nina sharciga kama wayna kamana sareeyo
mustaqbalka in laga fikiro weeye oo maanta hadaad gacanta ku qabato musuq maasuqa
waxa imanaysa bari in laga baqo masuuliyada iyo xilka umada loo qaadayo
waa hadaynu rabno in xal loo helo mashkiladan doorashada degaanka.
Hadiisa ay taladeenu tahay calina gar leh caydiidna gar leh oo ahaa arimihii
koonfur ku burburtay inaguna waynu ku burburaynaa !!!!!!!!
gartu laba nin kama wada qosliso ragana runtu waxba ma yeesho
ee waa in xiniinyo la yeeshaa oo ku dhac la yeesho gartana lagu qaado halkay
leedahay eedana aaan loo wada sinaan
sidaana farta loogu fiiqo cida eeda iska leh oo ah komishanka qaranka
ama waxa aan ku sheegay KOOXDA BUDHCAD DOORASHEEDKA.
GABAGABDII
Doorashadani waa dhacday musuq -maasuqna way ku dhacday komishankuna
daacad may ahayn .
marka waxa aniga ila quman in duuduub lagu liqo la isuna tanaasulo ayadoo
nabadeena iyo dalkeena iyo dadkeena loo TUDHAAYO.
wax la sixi karaa ma jirto sababtoo ah hal xaaraani nirig xalaala ma dhasho
bilowgii ayaa qalad lagu galay oo diiwaan galintii komishanku laalay
dawlada iyo asxaabta qaranka iyo shacabka soomaliland ayaguna waa ku raaceen
waxaan xasuusta qoraalo aan ka qoray aniga iyo xubno kale oo inbadan ka biyo diiday
in la laalo diiwaan galintii.
laakiin wax na dhagaystay ma jirin sidaana dalka dhan ayaa isku raacay inay
bilaa diiwaan galin ku galaan doorashada.
marka inay tani dhacayso waa la wada garanaayay sidaana nin waliba waa ku shubtay
xisbi kastaana waa ku shubtay waana lays boobay.
cidii kala hagi lahayd ee xilkani saarnaana komishanka ayay ahayd ayana xilkoodii
waa gabeen.
Ugudanbayn
Arinkan halagu soo afjaro in shacabka iyo dawlada iyo asxaabtu isu tanaasulo
ka dibna eeda la saaro komishanka
--sidaana lagu casilo xilkana laga xayuubiyo
-- in xadhig ay mutaystaan komishanku jeelna galaan
-- inay raali galin ka bixiyaan musuq-maasuqii ay dalka ka rideen
Maamulka dawladuna waxa la gudboon
Raalin galin buuxda inay shacabka siiyaan
in dadkii ku dhintay/ku dhaawacmay magdhaw la siiyo
inay baadhitaan ku sameeyaan asakartii dadka rasaasta ku furay
askarta maxkamad la horkeeno sharcigana lagu qaado
sababtoo ah askarta dhawr nin ayuunbaa xabada hoos u dhigaayay
hadii investigation lagu sameeyana waa lasoo heli karaa gacan ku dhiiglayaasha
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
uk