Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin” M-weyne Ahmed M.M. Silaanyo [Qaybtii III-aad]
Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin” M-weyne Ahmed M.M. Silaanyo [Qaybtii III-aad]

 

 

Gebagebadii Qaybtii 2-aad ee maqaalkan taxanaha ah waxaan ku soo sheegnay inuu M/weynaha Jam. Somaliland dib u qiimayn ku sameeyey guud ahaanba qaabka iyo hannaanka Siyaasadda Arr. Dibedda iyo xidhiidhka beesha caalamka ee xukuumadihii isaga ka horreeyey ay  kula dhaqmi jireen bulshada caalamka. Qiimayntaa kaddib, Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay go’aan satay in la dejiyo Qorshe Qaran oo ku wajahan Siyaasadda Arr. Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, kaasoo hagaya si cadna uga tarjumaya baahiyaha Qaranka Somaliland ee xidhiidhka iyo iskaashiga beesha caalamka.

 

 

 

 

1. Siyaasad u adeegi karta Danaha iyo Maslaxadaha JSL:

 

Siyaasaddu sideedaba waxay ku salaysan tahay wax-kala-iibsi iyo gor-gortan xeeladaysan oo ku qotoma dano gaar ah iyo maslaxado. Waqtigan casriga ah way adagtahay in laga sii saadaaliyo qaabka ay u socdaan iyo xawliga ay ku socdaan isbeddellada dhaqan-dhaqaale, kuwa siiyaasadeed iyo nabad-gelyo ee guud ahaanba dunida ka dhacaya. Danaha iyo maslaxadaha u dhexeeya dalalka dunidu waqtigan xaadirka ah waxaad mooddaa inay intii hore ka xiise iyo xammaasadba badan yihiin. Mana aha kuwo si weyn la isugu hallayn karo.

 

 

 

Dhinaca kale, Jam.Somaliland waa dal curdin ah, sabool ah, aan weli dunida ka helin ictiraaf buuxa isla markaana ku yaalla gobol ay collaadaha iyo xasaraduhuba ku badan yihiin.  Sida keliya ee uu dalkani xidhiidhka beesha caalamka iyo danaha uu dunida ku leeyahyba ku waajihi karaa waa isagoo la yimaadda Siyaasadda fiiro dheeri iyo feejignaanba leh, ku dhac leh oo hadaf iyo hufnaanba leh oo lagaga faa’idaysan karo fursadaha la soo gudboonaada.

 

 

 

Sidaa daraadeed, Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay lagama maarmaan u aragtay inay la timaado Siyaasad ku Dhac, Dhiiranaan iyo Hadafba leh oo la jaan-qaadi karta isbeddellada xawliga ku socda ee dunida ka dhacaya, isla markaana u adeegi karta Danaha iyo Maslaxadaha ay Jam. Somaliland ka leedahay dunida. Xukuumadda hadda talada haysaa waxay go’aansatay inay la timaado Siyaasad ku salaysan wada-shaqayn, iskaashi iyo wax-isdhaafsi. Siyaasad aan sugayn in keliya dunidu iyada fahanto oo ay iyada wax u tarto, balse siyaasad diyaar u ah inay iyaduna dunida wax ku soo kordhiso. Siyaasad u dar-ban diyaarna u ah inay ka shaqayso xilka iyo waajibaadka ka saaran danaha ka dhexeeya mandaqadda iyo beesha caalamkaba dhan kasta oo ay yihiinba.

 

 

 

2. Hoggaan Togan, Maamul Toolmoon iyo Talo Waayeel:

 

Aqoonta, waayo-aragnimada, sumcadda iyo miisaanka uu hoggaamiye walba leeyahay ayaa doorweyn ka ciyaara kasbashada quluubta iyo maanka ummaddiisa iyo weliba hanka iyo ixtiraamka ay dalalka deriska ah iyo bulshada beesha caalamkuba dalkiisa u hayaan. Hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weynaha Jam. Somaliland waxa uu ku kasbaday xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba.

 

 

 

Ummadda JSL si weyn ayey uga dheregsan yihiin duruufaha ay xukuumaddani ku bilowday, carqaladaha ay ka soo gudubtay iyo halka uu maanta dalkeenu hiigsanayo. Wadajirka iyo is-fahanka Bulshada waxaa saldhig u ah; in la qiro oo la isku bogaadiyo wixii wanaag iyo horumar ah ee ay xukuumaddu ku tallaabsato, loona arko wanaag ummadda oo dhan u soo kordhay oo cidi aanay gaar u lahayn. Dhinaca kale, waxa quman inay xukuumaddu ka garawdo lana saxo wixii laga gaabiyo, caddaalad-darro ama hagar ah ee jira. Sidani waa calaamadaha ilbaxnimo ee ummad lagu tilmaansan karo.

 

 

 

M/weyne Ahmed Silaanyo waa Hoggaamiye magac, maamuus iyo miisaanba ku leh Gobolka Geeska Afrika. Ma aha oo keliya in Xukuumaddiisu ay kor u qaadday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba; balse waxa kale oo ay Xukuumadda hadda talada haysaa dib u soo noolaysay qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaaday hanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku u qabaan Jam. Somaliland.

 

 

 

3. Geba-gabo:

 

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo waxay si farshaxannimo leh bulshada caalamka iyo dalalka deriska ahba ugu soo bandhigtay guud ahaan muhimadda iyo qiimaha ay Jam. Somaliland u leedahay gobolka Geeska Afrika. Gaar ahaanna sida ay Jam. Somaliland bulshada caalamka wax ugala qaban karto xal u hellidda mushkiladaha ku gedaaman gobolka Geeska Afrika, sida Budhcad badeedda, qolyaha xag jira iyo arge-gexisada caalimiga ah iyo sidii xal waara loogu heli lahaa mashaakilka iyo dagaallada ragaadiyey dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya.

 

 

 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid Siyaasad hufan oo ay ku dheeantahay Isku-kalsooni, Hawlkarnimo iyo Aragti-dheeri Diblomaasiyadeed, taasoo suurto gelisay in Jam. Somaliland ay beesha caalamka ka dhaadhiciso inaan  JSL iyo Soomaaliya la isku qaldin ee ay yihiin labada dal oo kala duwan; taariikh ahaan, ummad ahaan, xuduud ahaan iyo qaabka maamulka dawliga ahba.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay ku guulaysatay in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadda ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.  

 

 

 

(INSHA ALLAH, BI IDMILLAAH); La Soco Qaybta IV-aad:

 

 

 

Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin”: 

 

 

 

 

 

 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK|

 

 

 

Wa Billaahi Tawfiiq,    Guul, Horumar iyo Ictiraaf ay Somaliland hesho

 

· Posted by xaaji on April 29 2013 1814 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>