Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin”__ M-weyne Ahmed M.M. Silaanyo [Qaybtii IV-aad]
Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin”__ M-weyne Ahmed M.M. Silaanyo [Qaybtii IV-aad]

1. Hordhac:

Waxaa si guul iyo farxadba leh ku soo geba-gaboobay olilihii iyo weerarkii ugu dheeraa, ugu cuslaa uguna saamaynta badnaa xagga Siyaasadda Arr. Dibedda iyo Ictiraaf raadinta ee soo mara Jam.Somaliland muddadaa 22-ka sano ah ee ay jirtay. Qiyaastii muddo ku dhaw laba bilood (09-03-2013 illaa 06-05-2013) ayay M/weynaha JSL, Mudane A.M.M. Silaanyo iyo weftigiisii safar aan kala go’ lahayn ku marayeen daafaha dunida. Xukuumaddu waxay qaaday olole qorshaysan oo ay si fiican uga baaraan-degtay, kaasoo ku wajahnaa dar-dar gelinta aqoonsi raadiska iyo kor u qaadista Xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo ka iskaashi ee JSL ay la leedahay beesha caalamka. Ummadda JSL waxa u soo hoyday guulo iyo go’aanno taariikhi ah oo dhaxal-gal ah.

 

Guushii Ankara iyo Abu Dabai, Gar-naqsigii London, Garowshihii Washington, Guddoonkii Ethiopia iyo soo Gurya-noqoshadii Guusha uu Gadhwadeenka ka ahaa M/weynaha Qaranka JSL, Mudane A.M.M. Silaanyo.  EESH QIYAASAK!!!. Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin DHEH!!

Qajeelaynu maqalnay, aragnay  oo aynu akhrisanay dhalliilo iyo dhaleecooyin xad-dhaaf oo aan xaqiiqada ku salaysnayn oo dusha looga tuuray Siyaasadda Arr. Dibedda ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo. Qajeelaynu maqalnay, aragnay  oo aynu akhrisanay dad leh: “Dalkii jar dheer buu ka laalaadaa oo bedbaaduu u baahan yahay!, Dalkii waa la soof-daran-haabiyey, qaylo-dhaaniyo hadallo turxaan leh oo in sinaba maslaxadaha iyo danaha ummaddana ugu adeegayn.” Hadallo aan sal-iyo raad-toona lahayn iga DHEH!!  Waxa ah dhacdo aan la dafiri karin iyo xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah oo horteenna taalla waa maxsuulka Siyaasadda Arrimaha Dibedda Waayeelnimada leh ee uu Madaxweynaheenu ku hoggaaminayo dalka si uu uga midha dhaliyo himilada ummadda JSL.

 

In la isku bogaadiyo wixii wanaag iyo horumar ah ee ay xukuumaddu ku tallaabsato, loona arko wanaag ummadda oo dhan u soo kordhay oo aanay cidi aanay gaar u lahayn, waa tilmaamaha lagu garto Bulshada Togan ee leh han, hiigsi iyo himilo wadajir ah. Haddaba, haddii aynu nahay muwaadiniinta JSL , miyeyna dhammaanteenba waajib inagu ahayn (muxaafid, mucaarid iyo inta dhex-dhexaadka ahba) inaynu ku faanno guusha innoo soo hoyatay, isla markaana aynu ku hambalyeyno oo aynu garab istaagno M/weynaha iyo Xukuumaddiisa tallaabooyinka geesinimada leh ee ay qaadeen??

 

2. Siyaasad leh Hadaf Toosan iyo Himilo Cad:

Fikirka saldhigga u ah ee ay ka duulayso Xukuumadda talada dalka haysaa waxa weeye: in Isbeddelka dhabta ah ee ay ummaddu u baahantahay uu yahay hirgelinta iyo ka rumaynta hanka, himilada iyo hiigsiga ay leeyihiin Shicib weynaha JSL, gudaha iyo dibeddaba, kaasoo ah inay noqdaan qaran xor ah oo madax-bannaan ka mid ah bulshada caalamka oo ku leh codkiisa, tixgelintiisa iyo ixtiraamkiisaba. Waxaynu aragnaa in isbeddelkii dhabta ahaa ee ay Xukuumadda M/weyne Silaanyo ummadda JSL ugu ballan-qaadday ay ka dhabaysay kaasoo ummadda geliyey Rejo,Yididiilo iyo kalsooni, ay ku kalsoonaadaan kuna qanacsanaadaam ahaanshaha umadnimadooda, kartidooda iyo awoodda shicibkooda iyo jiritaanka qarannimada JSL.

 

Madaxweynaha JSL Mudane Ahmed Silaanyo waxa uu muujiyey bisayl iyo gobannimo siyaasadeed oo qoto dheer, taasoo ah mid gebi ahaanba ku cusub amaba aan looga baran hogaamiyeyaasha qaarada Afrika iyo Dunida 3-aadba. Waxa uu abuuray nidaam iyo jawi ku salaysan wada tashi iyo in si wadajir ah danta iyo himilada Qaranka looga wada shaqeeyo.

 

Tallaabadan waxa ka dhashay wada shaqayn dhex marta Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaridka ah iyo xukuumadda, taasoo aan aalaaba ama sida qaalibka ah aan looga baran inay wada shaqayni dhexmarto Xisbalxaakimka iyo Mucaaridka wadamada afrika; xataa kuwooda horumarka dhaqaale iyo dawladnimo ka gaadhay heerka wanaagsan.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid Siyaasad hufan oo ay ku dheeantahay Isku-kalsooni, Hawlkarnimo iyo Aragti-dheeri Diblomaasiyadeed, taasoo suurto gelisay in Jam. Somaliland ay beesha caalamka ka dhaadhiciso inaan  JSL iyo Soomaaliya la isku qaldin ee ay yihiin labada dal oo kala duwan; taariikh ahaan, ummad ahaan, xuduud ahaan iyo qaabka maamulka dawliga ahba.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay ku guulaysatay in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadda ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.

 

M/weyne Ahmed Silaanyo isagoo haysta kalsoonida shicibkiisa, isagoo kaashanaya khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisa, isagoo adeegsanaya aqoonta iyo kartida hawl-wadeennada golaha wasiirradiisa,  isagoo si cad uga tarjumaya Dareenka iyo Rabitaanka Shicibka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay Xukuumaddiisu la timid Siyaasad soo jiidatay indhaha iyo dhegaha beesha caalamka, taasoo caalamka ku baraarujisay Muhimadda iyo Qiimaha uu aqoonsiga Jam. Somaliland u leeyahay Gobolka Geeska Afrika iyo bulsho-weynta kale ee caalamkaba. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid hadafkii iyo hannaankii Siyaasadeed ee Qaranka Jam. Somaliland uu kula gar-naqsan lahaa dunida, xaqa ay ummadda reer Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh aqoonsiga beesha caalamka. 

 

3.  Geba-gabo:

 

Ma aha dhacdo si dhibyar lagu illoobi karo laguna dafiri karo halganka dheer ee loo soo maray dib u xoraynta dalka hooyo, marxaladahii iyo waayahii adkaa ee ay ummadda JSL u soo mareen si ay u xaqiijiyaan jiritaanka Jam. Somaliland ee maanta taagan, taasoo guusheedii, gobannimadeedii, dawladnimodeedii iyo dheefteediiba maanta la wada hadhsanayo. Ku dhawaad 22-sano ayaa ka soo wareegtay markii ay ummadda Jam. Somaliland go’aansadeen inay la soo noqdaan qaranimadeedii beri hore luntay (18 May 1991), dabadeedna waxay dhexda u xidheen sidii ay u noqon lahayeen Qaran jira oo isku kalsoon, iyagu tashada oo isku tashada, balse aan talada cid kale ka sugin.

 

Ummadda qiimaha iyo karaamadaba leh ee Jam. Somaliland waxay maraxalado adag iyo waaye aad u qallafsanba kaga soo gudbeen waa nabad jacaylka, wada tashiga, isku-tanaasulka, is-qadarinta, qarannimada iyo danta guud ee ummadda oo loo tudho iyo cadowga JSL oo meel looga soo wada jeesto. Waana dhaqan suuban iyo tilmaamo togan oo Ummada JSL ay leeyihiin oo ay ku mutaysteen ammaan iyo bogaadin, taasoo lagaga dir-sooco ummadaha kale ee ku nool Gobolka geeska Afrika.

 

Xasuus, Xurmo iyo Xaqsiinba  waxa inaga mudan: intii naftooda u hurtay halgankii la iskaga dulqaaday dabar-goyntii, dulmigii iyo cadaadiskii ummaddeenna lagu hayey; intii maalkooda, maskaxdooda iyo muruqoodaba u hurtay dib-u-heshiinta iyo walaalaynta ummadda walaalaha ah ee JSL; intii ka talisay wanaagga, isu-soo dhaweynta iyo maslaxadda ummadda; intii isku hawshay inay hirgeliyaan himilada ummadda iyo hannaanka dawladnimo ee aynu maanta ku faanayno.

 

 

Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin. DHAMMAAD”:

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK|

 

Wa Billaahi Tawfiiq,    Guul, Horumar iyo Ictiraaf ay Somaliland hesho

· Posted by xaaji on May 07 2013 1229 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>