Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Wax Aynaan Wada Ogeyn Ama inaga Maqan an isku Sheegno.
Wax Aynaan Wada Ogeyn Ama inaga Maqan an isku Sheegno.

Xilli qiyaastii ahaa 1994kii ayaa nin an saaxiib nahay u raacey garoonka diyaarada ee kala beydh oo ay markaa ka soo degeysey inan yar oo ay walaalo yihiin oo ingiriiska ka imaneysey. Markii an inatii soo qaadney ee an mareyno Caabuda ayaanu ka leexanney meel wadadu go’neyd oo dubaabadi ku jirto oo la ii sheegey in xilligii dagaalka ay jabhaddii dhigetay miino. Dubaabadda meesha ku jirta wey ka laalaadaa oo dadka aan hore u arag wey istaagaan oo wuxu ahaa muqaal aan la dhaafi karin.

Markaanu meeshii soo gaadhney ayay inantii yareyd i weydiisey maxaa dariiqa jarey. Anna sidii la iigu sharxey berigii an waddanka soo galey ayaan inantii yareyd uugu sharxan anoo jibeysan oo uuga sheekeynaya sidii jabhaddu Caabuda u gashey ee ay ciidankii u jabisey. Qiyaastii bil dabadeed ayaan inantii yareyd geyney garoonkii kalabeydh si ay uuga dhoofto. Markii an sii soconey ee an mareyno Caabuda ayay inantii yareyd i weydiisay oo ay tidhi sowtan aan weli meeshi la dhisin ee ay weli baabuurtii ka leexaneyso. Markaasaan idhi waa runoo weli lama dhisin. Waxey haddana tidhi “oo maxaa weli la qabanayaa bil ayaa ka soo wareegtee”. Anigii ayaa hoosta iskala sheekeystey oo idhi “bil ayaad ka hadleysaaye, 3 sanadood ayaan dalka joogey oo qofba qof uunbuu uuga sheekeynayey balse la isma weydiin gorma la dhisayaa iyo imisa maalmood ama bilood oo danbe ayey sidan ahaaneysa.

Taariikhdu waxa ay macno sameysaa marka ay mustaqbalka kaa hagto. Macne badan ma sameyso marka wax ad ogtahay oo tegey uun laguugu celceliyo, xataa haddii inta hore ay macno kuu sameyso, marka danbe macnuhu uu ka tagaa. Waxa dhawaan la dabbaal degey 18 May oo aheyd sannad guuradii 22aad ee ka soo wareegtey ku dhawaaqii goonti isku taagga. Waxa iminka la dabbaaldegayaa 27 May oo iyana ah maalin taariikh muhiim ah leh. Arrinta ay aheyd in loo dabbaaldegaa maaha oo keliya in la xasuusto wixii maalintaa dhacey oo keliya. Balse waxa ay tahay mabda’ii taariikhdaasi u taagneyd iyo sida ay wadada uugu xaadheyso mustaqbalka. Mushkiladaha mujtamaceenii heysata wax ka mida iyada oo uu qof walbaa qofka kale u sheegayo wax qofka kale waligiiba ogaa oo aan aheyn wax cusub, taasoo marka danbe macnihii ka qaadeysa taariikhdaas.

Dabaaldegyadan iyo munaasabadaha la xidhiidha waxa haboon in loo adeegsado in lagu dhawaaqo qorshayaal mustaqbal. In la isla sii garto tariikhdaa taariikhdeeda kal danbe waxa inoo qorshe ah, sida aynu wax u aragno. Masalan, dhalinyaradii in badan ayaa shaqo la’aani heysaa ama haya shaqooyin hooseeya oo aan u qalmin, halka ay qaar kalena iminka uun bilaabayaan ama ku jiraan jaamacadihii iyaga oo ku hamiyaya inay mustaqbal wanaagsan iyo shaqo sharaf leh helaan. Taasi waxa ay u baahantahay in xukuumadda, Rugta Ganacsiga (Chamber of commerce), Xarumaha Cilmi-Baadhista iyo Jaamacaduhu la yimaadaan fikrado iyo qorshe sidii tiro dhalinyaro ah loogu abuuri lahaa shaqooyin sharaf leh sanad kasta.

Waxa la joogaa xilligii Badhasaabada iyo Maayarada magaalooyinka ay taariikhahaas uugu dhawaaqi lahaayeen barnaamijyo wax tar leh, dhiirigelinna u noqon kara umadda ay madaxda u yihiin. Taariikhahaa muhiimka ah xuskoodu waa inu farxad u yahay umadda, ha noqoto mushar shaqaalaha loo kordhiyo, ama ha noqoto dadka danyarta ah oo adeegyada caafimaadka laga jebiyo ama bilaash looga dhigo amaba ha noqoto in la yidhaa kal danbe xiligaa xiligeeda haddii natiijo ka soo bixi weydo wada hadalka an la wadno Soomaaliya, dhinac kale ayaan uuga wareegeynaa. Macne badan sameynmeyso inad u dabbaaldegto wax tegey oo ad ku faanto inad qabsatey haddii aadan sii sheegin inay kuu qorsheysantahay.

Waxa ad moodaa illaa hadda in cidamada iyo fanaaniintu ay si fiican uugu diyaar garoobaan oo ay sanadkasta halkii ay joogtey meel ka sareysa geeyaan hawlahoodii. Balse kuligeen sanad kasta heeso iyo xaflado kuma mashquuli karno oo fanaaniin ma wada nihin, ciidamana ma wada nihin oo hub cri ah ma soo wada bandhigeyno.

 Bile - Aqoonta u Adeegta Nolosha

[email protected]

· Posted by xaaji on May 30 2013 1302 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>