Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Higso Mustaqbal Dhalinyarow! Haquusane Hore U Soco.
Higso Mustaqbal Dhalinyarow! Haquusane Hore U Soco.

Waxa an had iyo goor ila soo xidhiidha dhalinyaro tiro badan oo an
qaarna is naqaan qaarna an hawada iska baraney oo fikir uun isku kaaya
keeney. Dhalinyaradaa qaarkood waxa ay joogaan dalka, qaar dibedaha oo
ama ay ka shaqeeyaan ama wax ka bartaan. Qaar badan oo dhalinyaradaas
ihi oo qaar ay yihiin shaqo doon ama dhoof doon ayaa waxa ay had iyo
goor iiga warramaan sida ay uugu adagtahay iney danahooda ka fushadaan
dalka. Waxa dhalinyaradaasi doodaa in wax kastaa ay garab noqdeen oo
qofkii aan garab heysan ama aanu dabada ka riixeyn qof kale oo loo soo
joogsanayaa aanu meel gaadheyn oo aanu masalan heli kareyn shaqo
fiican ama mansab u qalma amaba dalacaad. Dhalinyaradaa qaarkood ayaan
weydiiyaa inta meelood ee dani kaga xidhantey ee ay tijaabiyeen iney
ka dhameystaan iyo inta meelood ee ay shaqo ka doonteen. Qaarkood wey
ii sheegeen waxyaabaha ay isku dayeen iyo shaqooyinka ay dalbadeen.
Balse, badankoodu dhalinyaradani iskumabey deyin melna ee meel cidlo
ah ayay ka sii niyad jabeen. Waxa dhalinyaradii si balladhan u
saameeyey dareen guracan oo ku abuurey quus iyo iyaga oo ka aaminka
baxay in karti iyo cadaalad wax lagu heli karo.

Wey dhici kartaa in arrimahaasi ay wax ka jiraan oo dadka qaarkii ku
meel marey garab ay cid kale ka heystaan. Balse waxa muhiim ah in
dhalinyaradu ogaato iney gaadhi karaan meel kasta oo ay damcaan haddii
ay la yimaadaan dedal iyo niyad wanaag. Dalka iyo aduunka guud ahaanba
maanta ayay fursaduhu ka badanyihiin shalay. Waxa horumar weyn laga
sameeyey dhinicii tignoolojiyada oo iminka ah wax aan la’aanteed
shaqaba la qaban karin. Waxa kor u kacey ganacsigii oo waxa furmey
shirkado waaweyn oo xidhiid la leh caalamka oo aad uugu baahan
dhalinyaro aqoon leh oo hawl wadeen ka noqota. Waxa iyana aad u
baahdey aqoontii iyo khibrad isweydaarsigii oo si dhib yar ad uuga
heleyso internetka. Fursadaha shaqadu maanta ayay ka fiicanyihiin
marka loo eego 10 sanadood iyo 20 sanadood ka hor. Noloshu maanta ayay
ka sareysaa oo ay ka fiicantahay 10 sanadood ka hor. Aqoontii 20
sanadood ka hor in meel fog loo doonto mooyee aan la heli jirin,
maanta si dhib yar oo raqiis ah ama bilaash ah ayaa lagu helayaa.
Waxan oo dhan waxa lagu heli karaa waa dadaal.

Qofka ad tahay, waa qofkii ad adigu dooratey inad noqoto, haddii aadan
isku qanacsaneynna waad is bedeli kartaa oo waxa ad noqon kartaa qofka
ad dooneyso inad noqoto. Doonista an shegayaa maaha afka uun inad ka
doonto ee waa inad si dhab ah u doonto oo ay kaa soo go’do inad diyaar
u tahay inad is bedesho. Inkasta oo ay muhiim tahay oo ay wax
fududeyso, haddana qassab maha inad lacag iyo dhaqaale heysato si ad u
gaadho hadafkaaga iyo mustaqbalka ad higsaneyso.

Waxa uugu Muhiimsan cimriga Ibnu Adamka waa 10 sanadood ee u dhexeya
18 Jir illaa 28 jir. Wakhtigaasi waa marka qofka Ibnu Adamka ah uu
saaranyahay culeyska uugu badan noloshiisa, waana xilliga uu uugu
fikirka badan yahay. Haddii qofka dhalinyarada ihi 10 kaa sanadood si
fiican uuga faa’iideysto kana badbaado inu wadada fiican ka leexda,
waxa la hubaa inu nolosha inta u hadhey ku guuleysanayo. 10 kan
sanadood iyaga ayaa aasaas u ah nolosha inteeda kale oo dhan. Aqoonta,
waaya aragnimada, dhaqanka iyo hamiga qofku abuuro 10 kaa sanadood
ayuunbuu manaafacaadsadaa nolosha inteeda kale. 10 kaa sanadood ee u
dhexeya 18 jir illaa 28 jir waa wakhtiga qofk dhalinyarada ihi nolosha
kaga dhici karo amaba kaga lexan karo dariiqii uu mustaqbalka
wanaagsan ku gaadhi lahaa. Mudadaasi waa xiliga ay qofka dhalinyarada
ah ay ku furantahay tashuush badan oo khalkhal u keeni kara. Waa
maree waxa si buuxda isu bedelaya dareenkii iyo jidhkii qofka oo waxa
uu noqonayaa nin buuxa ama gabadh buuxda. Waxa iyana fuulaya culeys ah
iyada oo ay is qaban laayihiin dedaalkii wax barasho ee uu soo galey
qofka dhalinyarada ah iyo sidan noloshii uuga hortimid ee shaqo
la’aanta ah.

Taa ka sakow, 10 sanadood waa kuwa qofka dhalinyarada ihi ku indho
furto adduunyada ee ay dhici karto inu isku dayo inu tijaabiyo
mukhaadaraadka iyo wakyaabaha kale ee dadka wakhtiga ka qaada sida
Jaadka, Sigaarka iyo waxyaabo kale oo ka sii waaweyn. Muxuu yahay waxa
uugu muhiimsan ee dhalinyarada kala reeba ee midna uu guuleysto mid
meel dhexe uugu hadho? Sheyga uugu muhiimsan ee dadka is dhaafiyaa waa
hadafka qofku sameysto ee uu nolosha iyo mustaqbalka ka sameysto.
Qofku haddaanu hadaf cad laheyn iyo qorshe meel u yaala oo uu ku
doonayo inu meel ku gaadho, wey ku adkaaneysaa inu meel fog gaadho
xataa haddii uu nasiibku u yimaaddo. Nasiibku wuxu caawiyaa uun qofka
qorshaha wanaagsan leh.

10 ka sanadood ee u dhexeya 18 illaa 28, waa inu qofka dhalinyarada
ihi ku tala galaa inu helo aqoonta iyo waaya aragnimada uugu fiican ee
mihnadda uu jecelyahay inu ku shaqeysto. Waa inad raadisaa oo ad
doonataa meesha ad ka heli karto waaya aragnimadaas xataa haddii ay
tahay meel aan lacag wanaagsan lagaa siineyn. Adiga waxa kuu darani
waa inad khibradna hesho taariikhdana ay kuu gasho inad shaqadaa soo
qabatey. Xataa haddii ay dhacdo in meesha ad ka heli karto khibradda
wanaagsani aaney shaqaalaba dooneyn, oo waxa ad codsan kartaa inad
mutadawacnimo ku shaqeyso oo aanad mushaharba lagu siin. Ka soo qaad
inad tahay ardey jaamacad ka soo baxey oo bartey sharciga. Waxa laga
yaaba inad kolba meel isku maqiiqeyso oo ad isleedahay halkaas ayay
shaqo ka bannaantahay ee gal, amaba lagu yidhaa meel heblaayo ayaa
lacag fiican iyo dhacdhac laga heelaa ee doono. Haddii ad waxyaabahaa
ku mashquusho meel fog gaadhi meysid. Balse haddii ad hadafkaaga ka
dhigato inad noqoto qof aqoonta sharciga lagaga danbeeyo, waxa muhiim
ah inad doonato meeshii ad khibraddaa ka heli laheyd. Bal ka soo qaar
adiga oo ah wiillkaa ama gabadhaa sharciga soo baratey oo u tegey
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Maxkamadda Gobolka Hargeisa oo u sheegey inad
dooney inad si mutadawacnimo ah uugu shaqeyso oo ad kaaliye u noqoto
si aqoontaadana ad kor uugu qaado uuna shaqeyso. Waxey u badantahay in
lagaa ogolaado oo weliba muddo dabadeedna laguu baadhbaadho oo bishii
woxoogaa laguu tuuro. Haddii ad shaqadaa ku jirto 3 sanadood, waxa la
hubaa inad noqoneyso ruux aad looga yaqaan golayaasha sharciga. Shaqo
ad mushahar ka qaaadato oo aanad khibrad wanaagsan ka heley waxa kuu
dhaanta shaqo ad lacag la’aan ku shaqeyso balse ad rumeysantahay inad
khibrad sareysa ka heleyso.

Waxa muhiim ah inad eegto oo ad la sheekeysato dad ad u aragto iney ku
guuleysteen nolosha oo ad fahamto waxa u suura geliyey iney
guuleystaan. Waxba ha weydiin qof cabanaya oo aan waxba kugu kordhin
karin oo an aheyn niyad jab. Waa lagaa yaabaa inad la kulanto dad kaa
horeeyey oo ku yidhaa anaba waanu soo dedaalney oo waanagaa afka
ciidda darney ee waxba ha xiiqin haddii aaney jirin cid garab ku
siineysaa. Waxa muhiim ah inad ogaato iney jiraan boqolaal iyo
kumanaan qof oo guuleystey oo meel fiican gaadhey iyaga oo aan cidina
garab siinin, kuwaasi wax weydii oo ku dayo sida ay dhaqmaan sida ay
wakhtiga uuga faa’iideystaan, sida ay u hadlaan, sida ay u lebistaan,
sida ay doodaha uuga qeyb qaataan iyo sida ay talada u bixiyaan.
Sheikh Mustafe Haji Ismail waa Sheikh inta af Soomaaliga ku hadasha oo
dhami ay qirayaan inu yahay ruux aqoon wanaagsan u leh diinta iyo
nolosha. Waxa laga yaabaa iney jiraan culimo badano o ka aqoon badan
ma akhriyay kutub ka badan kuwa uu akhriyey oo laga yaabee aynaan
aqoon. Balse isaga wax halkaa gaadhsiiyey waa hadaf uu sameystey ee ah
inu noqdo sheekh aqoontiisu ku faafto caalamka halka laga yaabee
sheekh kale oo aqoontaa mid la mid ah lihina hadafkiisu yahay
masaajidkaagaa uun diinta ka faafi. Jamal Ali Hussein waxa marka kasta
ka go’neyd inu waxa uu hayaba ka gaadho halka u sareysa. Laga yaabee
inad siyaasad ahaan raacsantahay amabase diidantahay, balse waxa aanad
dafiri karin sida uu markasta uugu dedaaley inu tacliinta halka uugu
wanaagsan ka doonto, shaqada halka uugu sareysa ka qabto, siyaasadda
halka uugu sareysa oo Madaxweyne ah ka doonto. Hadafkaas mid la mida
haddaad sameysato meel dheer waad gaadhi kartaa.

Waxa dhici karta iney maanta badantahay inad aragto wax badano o ku
niyad jebiya. Waxa dhici karta inaadan arag dhalin yaradii oo door
muqda ku leh hoggaaminta dalka, ama taladdii mujtamaca oo odayaal iyo
qaab beeleed loo maamulayo oo dhalinyaradu aaney ku laheyn qeyb weyn
oo ay ka ciyaarto. Balse mid ogow, adduunkii maanta waxa uu noqdey
xaafad yar oo duruufuhu wada saameeyaan. Sidan maanta wax u jiraan
uuma sii jirayaan 5 sanadood dabdeed. 5 sanadood dabadeed waxa talada
dalka gacanta ku qaban doona dhalinyarao aqoon leh oo xidhiidh la
sameysata caalamka. Waad arkeysaa waxa ka dhacaya caalamka carabta ee
dhalinyaradii mudahraadeyso oo ay ku kaceen qolyihii xukunka iska dhex
fadhiyey ee qaabkii hore wax u maamulayey. Waad arkeysaan waxa ka
dhacaya Baraasiill ee dhalinyaradii ay gilgishey dawladdii iyaga oo
dalbanaya Tacliin Tayo leh, Shaqo Sharaf Leh iyo Mustaqbal Rajo Leh.
Dahlinyarada dalkeenuna kuwaas uunbey la mid yihiin.

Waxan dhalinyarada odhan lahaa: Higso Mustaqbal, Ha Quusane Hore u Soco

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

[email protected]

· Posted by xaaji on June 30 2013 1248 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>