Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Mawqifka ururka UDHIS Laanta UK ee Ku Waajahan Go’aanka Gudida Diiwaan gelinta Ururada‏.
Mawqifka ururka UDHIS Laanta UK ee Ku Waajahan Go’aanka Gudida Diiwaan gelinta Ururada‏.

WAR-SAXAAFADEED

Ujeedo: Mawqifka Ururka UDHIS ee Ku aadan Go’aankaXaq-darada iyo Duudsiga ah ee Kasoo Baxay GudidaDiiwaangelinta Ururada Shalay (20/04/2012)

Tan iyo markii dawlada Axmed Maxamed Siilaanyo la wareegtay taladadalka waxa Somaliland ku waa bariisatay waayo cusub oo sitta dhiiloiyo naxdin waagii joogaba taagan, xasarado siyaasadeed, muran iyoisku-dhacyo is daba jooga, waxaanay u muuqataa in xukuumadaSiilanyo ay dedaal wayn u gashay sidii ay khalkhal siyaasadeed u gelinlahayd wadankan Somaliland oo ku faani jiray sanado badan xasilooniiyo dimuqraadiyad.
Arintan ayaa u muuqata mid salka ku haysa talo agaasiman oomaamulka Siilanyo uga golleeyay inuu ku minjaxaabiyo jiritaankaSomaliland marka daraasaad lagu sameeyo dhufsane yaraha aywadaagaan dhacdooyinkan iyo kuwa kale oo aynu kalasoo kulanayxukuumadan Siilaanyo ee durba ku caanka baxday dulmiga, boobka iyomusuq-maasuqa qaawan ee aynaan noociisa hore u arkini.
Haddii aan waxoogaa dib u milicsano xiisadaha la kowsadayxukuumadan ee shacabka gilgilay waxaa ka mid ahaa:

• Murankii la xidhiidhay Contract-kii SomCable ee saameeyayGolayaasha iyo Xukuumada.

• Isku dhacii ay dawladu ku lug lahayd ee horseeday burburkii UCIDiyo Saq-dhexe tooskii madaxweyne ee anshaxa dhaafsanaa.

• Dagaalkii ‘Xarbi-Xofaarka’ ee ka dhashay Baraago BiyoodyadiiKalshaale ee waji gabaxa siyaasadeed ku noqday xukuumada iyociidamada qaranka isla markaana sababta u noqday colaad qasaarenaf iyo maalba leh oo ka alloosantay Gobolada Bariga Somaliland.Ku darsoo fashilkaa siyaaseed wuxuu albaabka u furay mucaaradadhubaysan oo Somaliland diid ah oo in badan bustaheeda iskagadednayd balse haatan sababay kala goynta dhul-waynihiiSomaliland.

• Murankii iyo xiisadii circa isku shareertay ee Warshada SibidhkaBerbera iyo go’aanadii iska hor-keenka ahaa ee xukuumadaSiilanyo qaadatay

• Xadhiga masuuliyiin Sar-sare iyo shaqsiyaad bir-ma gaydo ah oo siwanjal iyo been abuura ugu xidhan ama la odhan karo waxay uqafaalanyiin Xukuumada Siilanyo sida: Xadhiga lagula kacaygudoomiyihii gobolka maroodi-jeex Muj: Xamarji iyo BoqorBuurmadow oo isagu u Qafaalan Xukuumada Siilanyo arimo aar-goosi shaqsi ah darteed.

• Xil-ka-qaadistii lama filaanka ahayd ee lagula kacay WasiirkiiHore ee Maaliyada Maxamed Xaashi oo la odhan karo waa masuuldaacadnimadiisa iyo hawl-karnimadiisa awgeed ay xukuumadu ucaydhisay si ay ugu gacan banaanaato Musuq-maasuq baahsan oolagu boobayo hantida wadanka.

• Xilka-Xoogistii budhkiyo, feedhka iyo feedho-tantoonka ahayd eesida waxshinimada ah loogula kacay mudane AbdiraxmanCabdiqaadir (ma odhan karo xilka qaadis sharci ah ee waa‘Feedho-Tumanyayn) ee iyadoo dunida darafyadeeda lagadaawanaayo ay xukuumada Siilanyo (unashamedly) si dhafoor-taabasho iyo gardaro badheedh ah ugu samaysay muwaadinkaas.Ayaa ah talaabooyin isu eeg-eeg oo muujinaaya in si kas iyo ula-kas ah xukuumada Siilaanyo u doonayso in colaad iyo dhibaato ay ka aloosto dalka Somaliland iskana hor keento shacbiga walaalahaah.

Nasiib wanaag laakii Shacbiga Somaliland ayaa dulqaad iyo xilkasnimo badan muujiyay kana gaabsaday inay si saami-gal quman u ah fal-gardaroodyadaa uga fal-celintaan dhacdooyinkaas oo dhan.
Laakiin waaba laga yaabaa in xilkasnimada iyo dulqaadka badan eeShacbigu leeyay ay tahay tan fariinta qaladka ah u dirtay maamulkansadex-midiglaha ah.

Dhacdadan hadaba ugu danbaysay ee ku saabsan go’aanada kasoobaxay Gudida Diiwaan-gelinta ayaa isaguna ah mid ku abtirsanaayaqorshahaa aanu horeba usoo socday, waxaana maanta shacbigaSomaliland u cadaaday in Axmed Maxamed Siilanyo uu qandaraasku qaatay mashruuc ah Burburinta nabada ka Jirta Somaliland.

Sidaa daraadeed waxaanu shacbiga Somaliland iyo taageerayaashaUrurka UDHIS-ba u sheegaynaa:

1. In aanaan haba yaraatee aqali Karin go’aanadan kasoo baxayGudida Diiwaan-gelinta oo ah kuwo ay si cad xukuumadu ugu lugleeday isla markaana loola dan leeyay inay xukuumadu iyaduxulato ururradii ku mucaaridka noqon lahaa. (lama arag xukuumadiyadu mucaaridkeeda soo xulata sida tan oo kale)

2. Ururka UDHIS wuxuu qaadi doonaa talaao kasta iyo ficil kasta oouu kaga gilgilanaayo jawfalka iyo gardarada lagu duudsiyaayoxuquuqdiisa siyaasadeed iyo himilada taageerayaashiisa kamanagaabsan doono talaabo kasta oo nooc kasta ah oo aanu marxaladcaqligu taliyo ku gaadhsiinayno xukuumada Siilaanyo. Si kalehadaan u idhaahdo inta Xukuumada Siilaanyo way Miyir beesheela helaayo waxay ku miyirsanayso. Sida Gudoomiyahayaga, MujIbraahim Cabdullaahi Xussien tibaaxay meesha ay jeceshayxukuumada Siilaanyo ayaanu la gaadhi doonaa.

3. Ugu danbayn waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan shacakaSoomaaliland inay ka gilgishaan dulmigan qaawan ee sidaanu soosheegnay wajiyada kala duwan leh, gaar ahaan waxaanu ugubaaqaynaa taageerayaasha ururka UDHIS inay guntiga dhiishaisaga dhigaan sidii ay uga gilgilan lahaayeen dulmigan qaawan eelagu duudsiyaayo rabitaankooda iyo himiladooda siyaasiga ah.Waana waajib in si caam ah loogu arko mashruucan mid laguladagaalamaayo Duudsi iyo jaw-falka qaawan oo aan geednaloogusoo gaban ay ugula kacday xukuumada Siilanyo.

4. Waxaa kale oo aanu ugu baaqaynaa Ururada kale ee iyagunadareensan in sidaas oo kale loo duudsiyay ay iyaguna qaadaantalaabooyin kuwan la mid ah talo midaysana laga yeesho qorshecaam ah oo ah amardiido baahsan oo ka dhaqan gasha dalka(widespread Civil disobedience) si waafaqsan Distuurka Qarankaiyo xuquuqaha aassaasiga ah ee ay damaanad-qaadeen ShuruucdaCaalamiga ahi; Sida UN Bill of Human Rights

Wa Billaahi Towfiiq
Yassin Ismail, UDHIS representative at London Branch UK.

· Posted by xaaji on April 22 2012 1055 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>