Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Qabiil iyo Qabyaaladi maxay ku kala duwan yihiin.
Qabiil iyo Qabyaaladi maxay ku kala duwan yihiin.

Qabiilka ilaahay baa noo sameeyay oo ma xuma, sababta  uu noogu sameeyayna waa si la isugu garto. Laakinse inagu haddaan Soomaali nahay si  khaldan baynu u adeegsanaa, sida in dadka qaar lagu liido, qaar kalena dadka isaga  waynaysiiyaan  oo la yidhaa laan dheeraannu nahay iyo laan gaab baad tihiin, xagga  illaahayna dadka wax laan dheere ah qofka ugu cibaadada badan.

Dhibaatooyinka ugu waayeyn ee Soomaali haystaa waa qabyaalad  oo ay dantoodii ku iloobeen oo qof walba lagu qiimeeyo qabiilka uu ka so jeedo, haddii ay siyaasad tahay iyo haddii ay ciyaar ama wax kale tahayba, umana eegno qofka aynu dooranayno aqoontiisa iyo kartidiisa toona waxa kaliya ee loo doorto waa reer hebel baanu isku nahay, haddii xita aannu ognahy inaanu qof wanaagsan ahayn, wax dan ihina inooguma jirto arrintan.

Anigu shakhsi baan ahay qof walbana fikir ka duwan qofka kale ayuu qabaa, waxaanan qabaa anigu sababaha ugu waayayn ee qabayaalada inagu kalifaa inay tahay waa wax la iska soo dhaxlayay ilaa waligeed oo awow ka awow la isku qiimayn jiray oo aan inaguna wax wanaagsan u haysano, xaafadiihii oo qabiil qabiil loo degan yahay, iyo dugsiyadii oo aan lagu dhigan wadaniyada iya dad jacaylka,  caruurtiina qabyaaladi bay iyagana sidii ku qaadayaan, waayo dadkii ku xeernas bas qabiil isku qiimeeya.  

Somaliland wa dal yar oo soo koraya, maaha inaanu inaga dhexdeenii is qabyaladayno oo dalkeena halkaynu horumarkiisa ka fikiri lahayn aanu qabyaalad iyo kala tafaraaruq dhexdeenii ka dhaco, taasi inoo dan maaha ee waxa fiican oo dan inoo ah inaan shaygan qabyaalada la yidha meel iska dhigno oo aanu cidhib tirno.

Sidee ayaynu u  dabar goyn karnaa qabyaalada?

Waxanu ku dabar goyn karnaa iyadoon qofna lagu qiimayn qabiilku ka soo jeedo ee lagu qiimeeyo diintiisa iyo aqoontiisa, in kala qaybasanaanta aanu joojino hadday tahay xaafadaha sida loo dagan yahay iyo haddii ay ciyaaro ama wax kaleba tahay, iyo in dugsiyada caruuta loogu dhigo oo lagu barbaariyo qiimaha ay wadaniyada iyo dad jacaylku leeyhin, si ay dalka iyo dadkoodaba u jeclaadan oo ay dalka horumarkiisa uga fikiraan.

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyane. (Timacadde).                                                                                                                                 

W/Q: Asma Maxamed Cabdilaahi

· Posted by xaaji on July 24 2013 1341 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>