Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Maxaa dhismaha Madaarka Loo Kala Dhantaalay oo Looga Dhimay 400 M?
Maxaa dhismaha Madaarka Loo Kala Dhantaalay oo Looga Dhimay 400 M?

Waxanu mudo badan maqlaynay inay hawl balaadhan ka socotay Madaarka magaalada Hargaysa ee Cigaal International. Waxay ahayd hawl aad u mihiim ah oo mudo badan lagu taamayay in mar uun uu noqdo madaarka magaalada Hargaysi mid caalamka la jaan qaada, oo ay ku soo dagi karaan dhamaanba noocyada kala duwan ee diyaaraduhu.  Nasiib daro tan iyo 1953 markii ay madaarkan dhistay xukuumadii Boqortooyada Midoobay ee Ingriisku ma uu helin xukuumad si hagarla’aan ah wax uga qabata, maamuladdii kala danbeeyay ee soo maray. Taas oo ka dhigta mid ka yar oo aanay isticmaali karin diyaarada jet-ka loo yaqaano ee marba marka ka danbaysa sii waawaynanaya ee caalamka maanta ka shaqeeya .  Waayo waxa isku xidhan culayska diyaarada soo fadhiisan karta iyo dhererka dhabbaha ay diyaaraduhu isticmaalayan. Madaarka Hargaysi waxa uu lahaa dhabo uu dhererkiisu yahay 1700 M oo qudha, taas oo ka dhigtay in ay diyaarada waawayni ka door bidaan madaarka magaalada Barbara oo uu dhererkiisu yahay 4150 M (Hore waxa uu u ahaa ka ugu dheer qaarada afrika).

Nasiib wanaag xukuumaddii dhalatay ee uu hogaaminayay xisbiga Kulmiye ayaa noqotay mid u dhaqaaqda wax ka qabashada dhibaatadaa mudada dheer haysatay madaarkan. Guud ahaan shacabka reer Somaliland na aad ayay ugu farxeen markii ay maqleen sanadkii hore in la bilaabay, dhismaha mashruucan.  In kasta oo marar badan shaki laga muujiyaya sida ay wax u socdaan, mararna ay hawshu dib u dhacday, hadana shacabka reer Hargaysi waxay ahaayeen kuwo ku samray xidhnaanshaha uu madaarku uu mudada dheer hawshan u xidhnaa. Iyagoo lahaa mar uun aad heshiin madaar caalamiya oo ay diyaarad kastaa soo fadhiisan karto.

Waxay ahayd todobaadkii hore markii uu wasiirka duulista oo isagu jecel inuu is muujiyo oo uu shirar jaraa’id qabto uu ka soo hor dhacay oo uu sheegay in ay hawshii dhismahu dhamaatay. Waxa layaab igunoqotay markii aan maqlay: Dhabbaha diyaaraduhu isticmaalaan ee la dhammaystiray oo cabbirka dhererkiisu dhan yahay 2KM iyo 64 Mitir, ayna ku baxday lacag gaadhaysa 4 milyan 6 boqol oo kun doollar, iyadoo diyaaradaha kala duwanina si rasmi ah u isticmaali doonaan marka la furo Ramadaan kadib. Waxa markiiba ku soo dhacday madaxayga ma tahay 2640 M mid ku filan inay isticmaalan dhamaan noocyada kala duwan ee diyaaraduhu?. Inagoo waliba og in miisanka diyaaraduhu uu marba marka ka danbaysa uu sii waynaanayo.

Waxa caalamka la isku raacsan yahay in dhererka dhabaha diyaaradu ay isticmaalaysaa uu ku xidhanyahay culayska diyaarada iyo inta uu madaarku bada ka sareeyo. Iyada oo ka dhigaysa madaarka ku yaala buuralay uu u baahanyahay dhabe ka dheer. Tusaale ahaan madaarka Barbari waxa uu la simanyahay badda halka ka Hargaysi u 800 M ka sareeyo, taas oo ka dhigaysa in diyaarad isku mid ah oo isku culays ahi ay Hargaysa uga baahato waddo ka dheer.

Si kasta ha ahaatee  waxa la isku raacsanyahay in dhabbaha ay diyaradaha culculusi (jumbo jet)  ay ka haadi karaan uu noqdo ugu yaraan 3040 M. Waa diyaaradaha sida Boing 747, Boing 777 ama Airbus 300-340 kuwaas oo uu miisaanka ay qaadi karaan u dhexeeyo 150 tan ilaa 450 tan.

 Hadaba akhristow miyaanay u eekayn in hawshii mudada dheer uu u xidhnaa madaarka Hargaysi tahay mid wali qabyo ah oo aan mustaqbalka ka fursanayn in dib loo dhiso 400 m oo dheerada. Miyayna se ka haboonaateen in hawshaa mar la is hambo raaciyo si uu maruun Madaarka Hargaysi uu u noqdo mid caalamiya sida uu magaciisu sheegayo oo la tartama Ka Muqdisho iyo Jabuuti oo labaduba 3040 M gaadhaya.

 

Waa qalinkii

 

Abdirahman Jama  ([email protected])

 

· Posted by xaaji on August 13 2013 994 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>