Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Maxaa soo tahriibiyay?
Maxaa soo tahriibiyay?

Dalkeenu waa bilaa camal shaqo iyo waxtooni mayaalaan, waa hadaladii ugu dambeeyay ee kasoo baxaayay haweenay kamidda haween weynaha reer somaliland oon kula kulmay magaaldda addis ababa   iyada oo maraysa goob aad uciidhiidhi ah waqti uu roob da’aayay, hooydanni wax ay ahayd hooyo annu aqoon wajiyaasha xufta isku dhaafa ah isku lahayn hase yeeshee markii annu dalkan qalaad sida lama filaanka ah iskaga soo horbaxnay ayay naftu u holotay inaan ciirsi yo wixii taakulo ah een awoodi karoba aan uqabto  intii uu roobku qaadayay ayaanu meel ka jirsanay waxaanan isweydaarsanay kalmadahan:

Anniga: asc hooyo aasha  iiwaran?

Hooyo: alxamdulilaah hooyo  wax bala ahna dalkii muu qabin oo dad iyo duunyoba waa la fiicnaa waxogaa dhib shakhsi ah mooyaane!!!

Anniga:   hooyo ma caafimaad, mise khad dhoof ah baad addis ababa u timid? (waayo  hawlaha ugu waaweyn ee dadka soamlidu u imaadaan magaaladan , gaar ahaan dumarka iyo dadka waaweyni ayaa waxa ay ubadanyihiin dhoof ama hawlo caafimaad).

Hooyo: mayee hooyo wiilkii xassan maad garan?

Anniga : haa si fiican baan u garanyaa waakii immmika form fourka dhamayn rabay, ma isagiibaad jaamcad usoo kaxaysay?

Hooyo: alla iga aamu hooyo jaamacd lahyne waa kii soo baxsaday si uu u tahriibo  oo isagaan kadaba imid si aan u celiyo?

Anniga : waan ku  soo raadin hooyo!!!!! ?

Hooyo: haa hooyo ee haddaad garanayso meelaha dadka tahriibayaa ay u hoydaan kaalay igala baadi doon.

Naxdin iyo amakaag ayaan afka kala qaaday oo hoos intaan u xashaashaqay ayaan is yidhi ma ninkii xassan ee tacliinta ku wanaagsanaa baa sidaas usoo tahriibay!!! Waayo waxaan ogaa dhibta iyo jab uu saaxiibkay xassan mari doono haddii uu dhabaddaas cagta saaro. Cabay cajiib!! oo dalka haddaa cidi ku hadhi maysee?.

intaas kadib roobkii baa qaaday  oo waan kala dhaqaaqnay waxaanan ku balanay inaanu maalinta berri ah kulmi doono marka aan jaamacadda kasoo baxo.

Isla beridiiba waanu kulanay oo waxaanan u hawlgalany sidii aanu xassan u baadi goobi lahayn, annaga oo kasoo raadinayna dhamaanba goobaha ay dhalinyarata tahriibaysaa u hoydaan, waxaanu baadi sooc maalin iyo galinkeed qaatay  ahba ku jirnayba waanu soo hoyanay aniga oo daal iyo rafaad ii dhaamaday kana niyad jabsan hooga iyo dhibta uu mari dooni sxbkay xassan haddii uu tahriibtaa u ambabaxo.cabaar kadib markaan soo hoyday ayaa waxaan isku dayay inaan garaaco numberkii xassan hooyadii, si aannu ugu balanno maalinta berri ah  iyo wajiga labaad ee baadi goobka cabaar waxa uu taleefankii lama helaayo yidhaahba  oo dhagtii I finiintaba waan iska dhigay oon iska seexday. Aroornimadiina hawlmaalmeedkii waxbarasho ee iiyaalay ayaan u holaday, anniga oo ay aad iigu mudantahay sida xad dhaafka ah ee dhalinyarta dugsiyadda sarre sanadkan dhameeyay ay u tahriibaayaan.

Markii aan jaamacadda kasoo baxay, kuna beegan wejigii labaad ee baadi doonka xassan ayaa waxaan toos usoo abaaray xaafadda soomaalidu ee addis ababa ka dagnatahay  (bole michael), si aan usii marro albeerkaday daganayd  xassan hooyadii oo aanu hawsha intii dhinaynd usii ambo qaadno, haseyeeshee islamarkii aan xaafadaha soo gaadhayba waxaanu kulnay sxbkay maxmed oo kamid ah dadka arrintan dheeldheelka iyo dhalan habaabista ah ka warhayay ee baadi goobka xassan ku jiray, Cabaar markii aanu iswaraysanayba waxa uu sheegay arrin cajiib iyo af kala qaad igu noqotay oo aan uqaadan waayay mise arrintu wiilbaan soo doonayba waa ay kaweynatahy oo hooyadu iyaadaba tahriib usoctay!!! Cabaar waxaan aan koomo ahayn oo dhakafaar iyo afkalaqaad ah ku jiraba waan soo  miyirrsaday  aniga ood moodo in qof qaraabaday ah  geeridii la iisoo sheegay, oo is leh  malaha hooyadu may tahribinne xasan baa tahriibay? Mise waaaba ka dhab oo islaantu wiilkay soo doontayba waxa uu ahaa tahriiib!.Oo waxa aanu maanta oo dhan baadi goobaynay waxa uu ahaa sidii aanu iyada  tahriibin lahyn ee xassan ba muu ahayn. Tanina waxay ka mid noqotay mid ay ku waji habaabiyaan dhaamba dadka waaweyn tahriib doonka ahi eheladooda ay magaaldda ku kulmaan.

Haddaba tahriibta ayaa ah shay aad u saamyesay maatida iyo dhalintii aayaha iyo mustqbalka dalkan ahayd, kuwaasi oo hadh iyo habeen ku madhanaya badaha waaweyn oo quutal daruuri aasaasi ah u noqday haada iyo xayaawanadda badda ku jira, tanina waa mid sababi karta in dalkan xoogii uu lahaa uu dhaamdo ayna la wareegaan dadyaw aan dalkani udhalan oo barri ka maalin dhalsho ahaan sheegan kara sidaa daraadeed waxaa la gudboon dawladda iyo shacbiweynaha jamahuuriyadda somaliland sidii ay wax uga qaban lahaayeen masiibad shaamabadda ku noqotay dhalinyarta reer somaliland.

Waxyaalaha sababa tahriibta:

Aafadan ayaa ay ku sababeeyaan dhamaanba xubnaha kala duwan ee tahriibayaa inay sabab u tahay  Shaqo la’aan baahsan oo saamaysay dhalinyartii dugsiyadda sarre iyo jaamacadaha ka qalin jabiysay.

Waxabrashadda jaamacadaha privateka ah oo noqday qaar qaali ah oo badiyaana  muwaadiniintu aanay awoodayn, marka la barbar dhigo jaamacadaha privateka ah ee wadamadda geeska afrika gaar ahaan deparmentska social scienceska.

Qurbajoogta reer somaliland oo markay dalka kusoo noqdaan, si ka sareysa ninka qolqol jooga ah loo maamuuso oo xafladdo waaweyn oo soo dhaweyn iyo sagootin  iskugu jira loo qabto.

Fursadihii guurka oo yaaraday iyo qarashaadka guurka oo noqday mid qaali ah oo aanay badiyaaba dhalinyartu awoodi karayn.

Waqtiyada firaaqada ah ee dhalinyartu aanay hawlaha ku foognayn, oo noqday qaar lagaga sheekeeyo siyaasadda,qabyaaladda iyo waxyaabaha qaaradaha  europe iyo america ka dhacaya, taasi oo ay ugu wacanatahay gaabiska ay ka gaabiyeen dhamaanba wasaarada dhalinyarta iyo ciyaaraha iyo wasaaradda arrimaha bulshadu shaqoynkoodi.

Dhibaatooyinka tahriibta

Intaas ka dib masiibadan ku habsatay dadyowga ku nool geeska afrika gaar ahaan saameynta  baaxadda leh ku yeelatay dalkeenan somaliland, ayaa ah mid cawaaqib xumo iyo dareenno xanuun badan oo waayo dhayitaankoodu adagyahay ku beerta tahriibayaasha farro ku tiriska ee saxariirka iyo rafaadka ku gala wadamadda reer galbeedka , tahriibayaashan shaxaadka reer galbeedka ka doorbiday sharaftii iyo karaamadii ay ku laahaayeen dalkooda hooyo ayaa hadh iyo habeenba ay maskaxdooda ka dhexguuxdaa qaarna ay ugu soo dhacdaa jabkii iyo rafaadkii qodxaha badnaa ee ay kasoo badbaadeen kaasi oo ay inbadan oo asxaabtooda ahina  ku naf  waayeen. Haddaba waxyaalaha sida gaar ka ah usaameeya muddada ay safarka ku jiraan  ayaa waxaa kamida: kufsi, dhac, dil iyo xabsi.

Halka qaar badan oo kamidiina ay ku nafwaayaan intay sii lugaynayaan bacaadka saxaraha weynaha libia iyo sudan.

Waxaa intaas sii dheer inabadan oo kamida dumarka tahriiba ah oo la kulma dhibaato jinsi ah , halkaasi oo ummadaha cawaanka ee sudan iyo ethopia ku  nooli u xaraystaan addoon ahaan qaar kalenna ay galaan wadamadda europe iyaga oo la ildaran xanuunada galmadda lagu kala qaado (kadib marka ay dhibaato jinsi kala kulmaan ummadahaas).

Gabogabo .

Dhamaan shacbdiweynaha, ganacsatada iyo dawladduba waa inay u guntadaan sidii ay u yarayn laahaayeen umaddan  ay dhalin teedi iyo maatidoodu ku madhanaaya tahriibka, iyaga oo wax ka qabanaya baahiyaha kala duwan ee haysata dhalinyaradda iyo haween weynaha somaliland, waana in shacbi weynuhu iska kaashadaa sidii loo heli lahaa

 Maktabaddo wax lagu  aqristo,garoomo iyo goobo madaadaalo oo dhalinyartu waqtiga ay fasax yihiin ku kulmaan waxna ku kala faa’ideystaan, in shaqo abuuris la sameeyo wada gaadha ugu yaraan 80% bulshadeena, in tayada ciidamada laanta socdaalka la xoojiyo, dawladduna ku dadaasho sidii xidhiidh adag ay ula wadaagi lahayd wadankaynu jaarka nahay ee itoobiya oo ah wadada ugu badan ee tahriibayaashu isticmaalaan, In waxkabadal lagu  sameeyo qaabka ay arrosyadda magaaladdu u qabsoomaan iyo  in hooyooyinka, iyo ubadka  agoonta ay dawalddu xil gaar ah iska saarto.

Guntii iyo gunaanadkii dalkeenna nimcaa fadhida ee dhalin iyo haweenba aynu usoo jeedsanno ka faa’idaysigiisa.

W/Q Maxamed cabdilahi biixi

[email protected]

· Posted by abdi on August 31 2013 2251 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>