Markii uu socday halgankii dalka lagu xoreynayey, umaddu waxa ay
laheyd hal hadaf oo si cad loo qeexey oo lagu sheegey luqad
mutacalimka, badowga, siyaasiga iyo qofka caadiga ihiba si sahlan u
fahmi karaan, waxaaney aheyd “waa in dalka laga xoreeyaa Xukunka
daalimka ah”. Wuxu ahaa hadaf qof kastaa sida uu yahay u qaatey,
natiijada la rabo in la gaadhana ay dadka isku si uugu muuqatay. Qofka
joogey Burco iyo ka Sucuudiga joogay, amase ka London joogay iyo Kenya
joogay isku si ayuu hadafkaasi uugu dhadhamayey. Taasi waxa ay keentay
in qof kastaa ka qeyb qaato halganka meel kasta oo uu joogeyba.
Kii dalka joogey qoriga ayuu qaatey. Kii sarkaal ciidanka ahaa meel
kasta oo uu joogo waxa uu u kacey dhinacii iyo halkii jabhadu
degeneyd. Dhakhtarkii isaga oo aan cidi u sharxin ayuu gartey
doorkiisa looga baahanyahay inu halganka ka qaato wuxaanu iska
xaadiriyey halkii dhawaca jabhadda la dhigayey. Dadkii ka
shaqeysanayey wadamada carabta waxa ay bilaabeen iney dhaqaale soo
ururiyaan oo ay u diraan halkii halganku ka socday si ciidanka loogu
helo waxey cunaan iyo dawo iyo rasaas. Dhalinyaradii Yurub iyo
Mareykan joogtey waxa ay iyana ku dhaqaaqeen iney bannaanbaxyo
sameeyaan oo ay dawladaha wadamadaa ay joogaan ka dhaadhiciyaan dhibka
shacabka lagu hayo. Abwaankii iyo heesaagii isna doorkiisa ayuu qaatey
oo iyaga oo kala joogaa meelo kala fog oo aan iswareysan ayay hadana
tiriyeen heeso iyo gabayo isku nooc ah oo u wada ololeynaya hal hadaf
sidii loo gaadhi lahaa. Waxan oo dhan waxa sahley oo isku dubaridey
waa Hadafka la sameystey oo ahaa mid cad oo qof kastaa si sahlan u
fahmey.
Marka hadafka umadi leedahay cadyahay ee si dhab ahna ay u
rumeysantahay, waxa sahlanaata sida uu qof kasta oo mujtamaca ka
tirsani inu door muuqda ka qaato isaga oo aan cidina u sharxin.
Muranada soo baxa iyo isqabqabsiga waxa markasta ka weynaa hadafka
umaddu leedahay oo heshiis lagu ahaa oo cidkasta oo wax kale tabaneysa
waxa la odhanayey horta an xukunkan daalimka ah iska tuurno, wixii
kale oo dhami wey inoo danbeyne. Taasaa la isku raacayey waayo waa
mabda’ la isla ogolyahay iyo hadaf cad. Marku hadafku kuu cadyahay ee
ad rumeysantahay, waxba ku damqo maayaan. Waxa la maqli jirey hebel
iyo intaas oo jabhaddii ah ayaa la diley, mise cidiba ma ooyeyso oo
waxa loogu jawaabayey wey shahiideen ee dhaaf. Dhimashada lafteeda
ayaaba faan iyo darajo aheyd waayo qofku waxa uu u dhimanayey wax
umadda oo dhami u aqoonsantahay inu ahaa xaq.
Sideed sanadood iyo wax ku dhow, waxa aad loogu mashquuley arimo hoose
oo aan umadda mideyn balse ay u badantahay iney kal jajabinayaan. Waxa
meeshii ka maqan wixii weynaa ee dadka kulansiin lahaa. Dabcan
arimahaa qaarkood waa daruuri oo waa loo baahanyahay haddii ay noqoto
in doorashooyin la galo iyo haddii ay noqoto in axsaab siyaasadeed la
sameysto. Haddiisi aaney jirin hadaf intaa ka weyn oo habeen iyo
maalinba la hadal hayaa, siyaasadda inteeda kale iney ina kala qeybiso
mooyee wax badan soo kordhin meyso. Waxa an ku faaneynaa horumar ayaa
la sameeyey oo axsaab ayaa la furay. Waa sax oo waa loo baahanyahay,
balse saddex xisbi maaha wixii umadda mideyn lahaa. Waxa weyn ee an u
socdey maaha xisbi in la furo mana aha in doorasho la galo. Waxa iga
maqan wixii 5 malyuun ee muwaadiniinta iyaga oo aan cidi u sharxin ay
habeenkii ku seexan lahaayeen.
Bal si ad u fahamto mawduuca an ka hadlayo, waxa maalin isku
taxalujisaa waxa warbaahintu sheegeyso ama qoreyso iyo waxa siyaasiga
muxaafid iyo mucaaridba lihi ay ku waramaayaan. Mawduuc kasta oo
maalintaa ay warbaahintu sheegto meel ku qoro. Ka bacdi isweydii waxan
maxaa iiga faa’iido ah aniga iyo jaarkeyga iyo caruurteyda tacliintii
dhameysey ee shaqada la’. Maxaase uuga faa’iido ah dalkeygan 23
sanadood an dhex joogo eenu jirin qof ii sheegi kara mustaqbalkiisu
halka uu 5 sanadood dabadood ahaanayo. Waxa kaaga soo baxeysa meeshaa
in xaalkeena maanta uu isku meereysigu ku badanyahay, oo koox meel
isku urursatey ay la tartameyso koox kale oo iyaba cadilan oo aan
waxba isdhaamin, hadddii ad istidhaahdu ka qeyb qaadana inad qabiil ku
raacdo mooyee garan meysid waxa ad midna ku diido midna ku raacdo.
Ahdaafteena siyaasadeed ma qeexna oo weli waxa ay dhaafi laadahay
meelo hoose oo ah midnimada hala ilaaliyo, iyo gooni isu taagga iyo
madax bannaanidu waa lama taabtaan iyo Somaliland waa dal jira.
Kalmadahani waa wada afsoomali run ah, balse haddana macno qeexan oo 5
malyuun oo qof kulmin kara ma saarna haddii aan la sheegin natiijada
laga rabo iyo waxa ay tahay in laga dheefo. Halgankii aroor kasta
marka ad soo toosto waad garaneysey halka wax marayaan iyo halka ad
adigu kaga toosantahay. Balse, hadaladan iminka socdaa qofba macne
gooni ah ayey u sameyneysaa sababta oo ah waaney qeexneyn.
Waxa maanta loo baahanyahay in inta umadda indhaha u ihi ay u sameyso
ahdaaf waaweyn oo kulmisa umadda oo dhan oo lawada bidhaansado. Waxa
inaga maqani waa hadafkii inanta dhalinyarada ah iyo islaanta miyiga
joogta iyo mutacalimka iyo siyaasiga kulmin lahaa ee u sahli lahaa inu
qof walbaa door ka qaato. Hadafka noocaas ihi waa ka umadda ka saari
kara isku meereysiga iyo in lagu mashquulo waxyaabo yaryar oo hoose.
Hadafka ina mideynayaa maaha dhowr xisbi oo la furto, kuwaasi waxaabey
sii sahlayaan inan kala qeyb sanano, waa haddii aanu meesha oolin wax
waxaa ka weyn oo inaga dhexeyaa. Mana aha inan daaro iyo wadooyin
dhisano, oo kuwa inaga soo horjeedaaba intaa iyo in la mida wey
dhistaan, mana aha inan doorashooyin qabsano oo an natiijada ka
dhigano hebelna uu badiyey hebelna waa laga badiyey, taa lafteedu wey
ina sii kala qeybineysaa haddii aan wax intaa ka weyni inaga dhexeyn.
Muxuu noqonayaa ama yahay hadafka ina kulansiinaya ee kuligeenba ku
qasbaya inaan meel uuga soo wada jeedno? Maqaalka danbe ayaynu ku lafa
guri bal waxa uu noqon karo hada fina mideeyaa.
Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha
[email protected]