Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Waajibkaaga Dalka - Deyntiisa Iska Bixi.
Waajibkaaga Dalka - Deyntiisa Iska Bixi.
Siyaasi, Sheekh, Aqoonyahan, Wasiir, Sarkaal, Madax, Taajir. Marka ad magacyadan iyo mansabkooda maqasho waxa kugu soo dhacaya iney yihiin dad dedaaley ama wax bartey. Sidaasi ayaaney u badanyihiin. Balse waxa intaa dheer in intuba yihiin dad umaddu tacab galisey oo la soo maal gashadey. Mid walba tacab qaran iyo tacab mujtamac ayaa u dheeraa dedaalka uu shakhsiyan mansabkaa ku soo gaadhey. Mid walbana waxa waajib ku ah inu tacabkii iyo waxtarkii qaranka iyo umaddu soo gashatey dib uugu celiyo oo uu u abaal gudo. Shakhsiga waxa waajib ku ah inu markasta is weydiiyo maxaad umaddaada uqabatey, maxaad xaafadda ad degentahay iyo magaaladaada u qabatey, maxaad tuuladdii ad ku dhalatey ama tolkaa ka soo jeedo u qabatey. Inteed qof gaajoonaya ama harraadan aad oon tirtey. Inteed qof arin ku taaganyahay aad xanuunka ka goysey. Haddaad dhakhtar tahay imisa caruur ah oo aan dhaqaale laheyn ayaad lacag la'aan ku daweysey. Haddaad wasiir tahay ama ganacsade, waxad isweydiisaa imisa tuulo ayaad malcaamad ama iskuul amaba ceel biyood ama rug caafimaad jeebkaaga ama dedaalkaaga uugu dhistey, adoon ta dawladda sheeganeyn. Haddii aaney jawaabtaadu wada aheyn "wax badan ayaan arinkaa iyo mid la mida u qabtey umadda" waxa ay u eegtahay in weli qaan lagugu leeyahay. Dadkan an tiriyey iyo kuwa kale ee la meeqaamka ah intooda badani iyaga ayaaba had iyo goor raba in la aqoonsado oo loo sad kordhiyo, korsiga looga kaco oo loogu yeedho magacyo waaweyn oo raali geliya. Qaar badanina waxaabad moodaa iney umadda iyo dalka xaq uugu leeyihiin in loo abaal gudo. Hadda waa qofkii umadda maalkeeda iyo kii waalidkii la gashadey ee sanado badan oo tacliin ah laga soo saarey oo ay u dheertahay sanado badan oo kale oo tababar iyo waaya aragnimo la siiyey. Qofka noocaas ah qaan badan ayaa lagu leeyahay ee yuu madaxa isku buuxin oo uu isu qaadan inu umadda xaq uugu leeyahay in intaa looga sii kordhiyo. Caafumaadka iyo dadnimada qofka ayaa ku jirta in qofku qeyb firfircoon ka qaato mujtamaca uu ka tirsanyahay. Ka qeybqaadashadu maaha oo keliya inu qofku lacag iyo sadaqo uun ku deeqo, balse waxa muhiim ah inu ka dhex muuqdo arimaha khuseeya nolol maalmeedka bulshada. Waxa muhiim ah in aqoonyahayka iyo siyaasigu noqdaan dad dadka caadiga ihi ay afgarankaraan oo ay waxweydiin karaan. Wey yartahay inta maanta qof mansab hayaa ama aqoonyahan sheeganaa la kulma oo la noolaada mujtamaca caadiga ah. Aqoonta iyo lacagta iyo mansabku maaha inu dadka kaa dhexsaarto oo ad noqoto qof la hadla oo la socda inyar oo kooban oo ama ay isku mansab yihiin ama isku aqoon ama isku jeeb yihiin. Waxa muhiim ah inu qofku dib wax uugu celiyo umaddii uu ka soo aflaxey gaar ahaan meesha uu caruurnimadiisii ka soo jeedo. Qofka mansab sare haya ama aqoonyahan ihi marka uu dib uugu noqdo ee uu wax uugu qabto tuladii ama magaaladii uu ka yimid caruurnimadisii, waxa uu mujtamaca iyo caruurta halkaa joogta u noqonayaa dhiirigelin iyo qof ay ku deydaan, waxaaney u badantahay in caruur badani ku hamido iney dedaalaan oo ay maalin uun gaadhaan halka qofkaasi gaadhey. Waxa kale oo ay mujtamaca gaar ahaan caruurta iyo djalinyarada xusuusineysaa inaa madaxtinimada iyo aqoontu aaney gaar u aheyn inta reeraha ladan ka soo jeeda balse ay tahay wax qof kasta oo dedaalaa gaadhi karo. Qofka wasiirka ah ama ganacsadaha ah amaba aqoonyahanka ah ee tuuladii uu ka yimid ee uu ka soo jeeday amabase xaafadda uu degenyahay caruurtii ku nooleyd aaney iskuul dhiganeyn ama aaney laheyn ceel nadiif ah oo ay biyo ka cabayaan ee aan isku taxalujin sidii uu dhibkaa u daweyn lahaa. Amase dhakhtarka aan bishiiba ama asbuuciiba maalin miyiga u baxeyn oo aan dadka liita lacag la'aan ku soo daweyneyn, waxa ay u muuqan karaa calooshii u shaqeyste hadafkiisa ku soo ururiyey dantiisa gaarka ah. Aqoonta iyo mansabku dhabta ihi waa inta qofka dheer ee cid kale manaafacaadsato. Haddii ay qofka uun ku koobnaato dhadhan ma yeelaneyso, dadnimadii ayaa ku yraaneysa barako badanna yeelan meyso. Waxa taa u sii dheer, in qofka noocaas ihi aanu wax raad ah oo lagu xasuusto ka tageyn. Bile - Aqoonta u Adeegta Nolosha [email protected]
· Posted by xaaji on October 22 2013 1126 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>