QURBA-JOOGGU ..... waa qabiilka uuga waxtarka badan umaddeena.
Laga yaabee dadka qaarkii iney yidhaahdaan waa dad dalkii ka ordey oo
raaxo doontey. Qaarkood waxa ay yidhaahdaan waa dad dhaqankii ka
tegey; laga yaabaa iney qaar yidhaahdaan waxaba kama oga xaaladda
dalka. Isku soo duub, qurba jooga waxa lagaga soo gudbey xaalada adag
oo aan la'aantood manta halkan la soo gaadheen; waxa ay ka qeybqaateen
dib u dhiskii dalka, iminkana waxa ay ku guda jiraan casriyeyntii
dhaqaalaha iyo dawladnimada.
Waxa ad had iyo goor ku arkeysaa warbixinaha in dhaqaalaha dalkeenu ku
dhisanyahay xoolaha nool. Anigu shakhsiyan ma qabo arrintaasi.
Dhaqaalaha maanta waxa uu ku dhisanyahay dhaqaalaha ay soo diraan
dadka qurbaha jooga iyo ganacsiga yaryar ee suuqyada. Waxa an
rumeysanahay marka dhaqaalaha loo qaad qaado qodobqodob iyo qeybqeyb,
in qeybta ay soo diraan dadka qurba joogga ihi ay tahay ta uugu
ballaadhan. Balaadhka ka sakow, qurba joogu waxa ay soo diraan waa
lacag saafi ah oo aan shurrud ku xidhneyn oo aan deyn aheyn oo
dhaqaalaha reeraha lagu kabo.
Marka la eego dib u dhiska dalka, sida guryaha iyo goobaha ganacsiga,
waxa intooda badan maal gashada dadka ganacsatada ah ee dalka jooga
iyo qurba jooga. Haddii ay noqoto guryihii dagaalada ku dumey iyo
haddii ay noqoto guryaha cusub ee dalka laga dhisayo waxa qeybaha u
weyn maal geliyey qurba jooga oo qofba taagtiisu inta ay doonto
hanoqotee soo dira lacag lagu dayac tiro guri dumay ama lagu dhiso
guri cusub.
Qurba joogu waxa ay ka qeyb qaateen horumarinta iyo casriyeynta
adeegyada dalka. Waxa ay qeyb weyn ku lahaayeen in dalka laga sameeyo
jaamacado oo ay badankooda iyagu maal iyo aqoonba gashadeen. Waxa ay
sameeyeen iskuulo badan oo wax lagu barto oo badankoodu yihiin qaar si
gaar ah loo leeyahay oo caruur badani dhigato. Shirkadaha tilifoonada
iyo xawaaladaha iyo kuwa kale ee dalka ka hawlgala qeyb weyn ayay ka
ciyaareen aasaaskooda.
Qurba joogu waxa ay ka qeybqaateen tabaruca loo sameeyo dawladda iyo
adeegyada u baahan in la kaalmeeyo. Xilligii dawladu aaney heysan
dhaqaalaha, qurbajooga ayaa wafdiyada dibedda u dhoofa kharashkooda
bixin jirey min madaxweyne ilaa wasiir. Waxa kale oo ay soo caawiyaan
meelaha ay ka mid yihiin dhakhtarada iyo qodista ceelasha biyaha.
Waxa jira qurbajog lacag soo ururiya oo maal geliya hawlaha ka socda
deegaamadii ay ka yimaadeen oo masalan inta ay lacag soo ururiyaan ku
dhisa iskuulo halka qaarna ay soo bixiyaan mushahaarooyinka
macalimiinta wax ka dhigta tuulooyinka ay ka soo jeedaan.
Qurbajoogu waa laf dhabarta dawladda. Waxa ay qeyb weyn ka yihiin
wasiirada dawladda. Baarlamaanka in badan ayaa qurbe jog ah. Saddexda
xisbi qaran laba ayay qurba jog gudoomiyayaal ka yihiin. Hay’adaha iyo
wasaaradaha dawaladdana aad ayay uugu jiraan. Dadkani waxa meelaha ay
ka shaqeeyaan ku soo kordhiyaan aqoon waaya aragnimo iyo aragti cusub
oo xiiso cusub abuurta.
Sidaasoo ay tahay, dawaladda iyo shicibka dalkeenu midna qurbajooga ma
siiyo wixii uu ka mudnaa. Ma jiro wasaarad ama hey’ad leh haybad sare
oo ka mas’uul ah arrimaha qurba jooga. Inta bandanna ma maqleysid
hadal heyn badan oo xagga dawladda ka imanaya oo ku tusaya muhiimadda
ay qurba joogu u leeyihiin dhaqaalaha iyo horumarinta dalka. Marka
laga reebo wafdiyada dawladda oo marka ay dibedda u dhoofaan la kulma
jaaliyadaha dibedda oo woxoogaa niyad dhisna u sameeya, ma arkeysid
dawladda oo ama u abaal gudeysa ama xuseysa (Credit) doorka qurba
joogu ka qaataan wanaagga waddanka.
Inkastoo xaafad kastaa ay ogyihiin taageerada ay ka helaan ehelkooda
dibedda jooga, haddana shacabka dalka jooga marmar ayaad moodaa iney
qurba jooga qalad ka fahamsanyihiin. Waxay marmar u arkaan in qurba
joogu yahay dad qaxooti ah oo nolol xun ka yimid oo ka duwan
mujtamaca. Qaarkood iyaga oo aan wax badan ogeyn ayay marka ay qurba
jooga arkaan odhanayaan kuwani dhaqan celin ayaa dalka loo keenay ama
ay u yimadeen. Aragtidaa guracan ay dadka qaarkii ay ka qabaan qurba
jooga ayaa marmar niyad jebisa dadka dalka yimaadda.
Dawladdu soo dhawyn ma tusto qurba jooga, iskumana deydo ina ay maasho
oo ay ka faa’iideysato. Marmarka qaarkood marka qurba joogu soo degaan
waxa loo qaabilaa si aan farxad iyo soo dhaweyni ka muuqan. Marka
qurba joogu ay wax ka dhameysanayaan arrimo kaga xidhmey xafiisyada,
waxa loola macaamilaa sidii ajinabi lacag badan wata oo looma naxo.
Waxa an qabaa in Dawladda iyo shicibka iyo dalkuba faa’iido balaadhan
ka heli karo qurbajooga, hadii ay soo dhaweeyaan waxyaabaha ay dalka
ka rabaanna u fududeeyaan. Qufka qurbaha jooga “Qoloftiisiina Qurbaha
ayay Joogtaa’ Ruuxiisii iyo Niyaddiisiina waxa ay Joogtaa Dalkii”.
Qofkasta oo qurbajoog ihi wuxu ka fikirayaa sidii uu dalka wax uuga
qabsan lahaa oo haddii ay u saamaxdana uugu soo guuri lahaa. Waxa uu
rabaa inu dhul ka iibsado, guryo ka dhisto, warshado ka sameysto,
ganacsi ka furto waxaanu jeclaan lahaa in arrimahaa iyo arrimo kaleba
loo sahlo oo aanu ku xiiqin.
Waxa qurba joogu rabaa in loo aqoonsado doorka ay dalka dib u
dhsikiisa ka qaateen ee ay weli ka qaadanayaan. Waxa muhiim ah in la
sameeyo hay’ado iyo wasaarad qaabilsan arrimaha qurbajooga oo
xidhiidhka adkeysa. Haddii maanta ay Soomaaliland ay soo wajahdo arrin
adag oo u baahan in 10 malyuun ama 20 malyuun oo doolar oo lacag ah,
waxa an qabaa meesha keliya ee haddii la abaabulo ama xin yimaado soo
ururin kartaa iney tahay qurba jooga. 200,000 oo qof oo iska soo
ururiya min $50 ayaa mar keliya keeni kara $10 malyuun. Balse waxa ay
u baahantahay in la abaabulo, la diiwaan geliyo, loo mahadnaqo, la
tuso mashaariic dalka wax u tareysa oo ay wax ku darsan karaa. Waa
haddii loo sahlo loona fududeeyo waxyaabaha qurba joogu dalka ka
rabaan.
Qurba joogu waxa ay dalka ku soo kordhin karaan aragti cusub maadama
ay soo arkeen dalal kale oo ay ka soo faa’iideen xirfado lagu dabaqi
karo dalkeena. Waxa ay la soo dhaqmeen umada kale oo waxa ay
garanayaan sida loo xodxoto dawladaha kale ee wax looga helo. Waxa ay
fursad (Access) u heystaan iney xidhiidh la sameeyaan hay’adaha ka
dhisan wadamadaa ay joogaan oo ay uuga faa’iideeyaan dalkooda.